Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 7da July 2017. Waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal si meeqaam sare leh lagusoo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya mudane Fatih ulusoy, Waxaana garoonka caalamiga ah ee garaad wiil kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, iyo mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah.
Safiirka DalkaTurkiga u fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagusoo Dhaweeyay Jigjiga.
Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Qoraxey Iyo Doolo
Qabridahar(Cakaaranews) Jumce 7da July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee gobolada qoraxey iyo doolo islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo maamulkeeda ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.
Hadaba khabiirka fuliyaha kormeerka tayada waxbarashada Maxamed Rashiid oo kamid ah kooxda haysay tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidii shaqaalahan cuntada ee ka hawlgala schoolada quudinta leh ee gobolada qoraxey iyo doolo fahan buuxa looga siin lahaa qaabka loo maamulo cunta karinta dugsiyada quudinta leh. Wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale labarayo sidii fayadhowrka cuntada guud ahaan loo hagaajin lahaa looguna Karin lahaa nidaam caafimaad qab leh. Wuxuuna khabiirku kula dardaarmay tababar qaatayaasha in ay tababarkan ka dhaqan galiyaan dhamaan schoolada ay ka kala yimaadeen.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobaha ay kala yimaadeen.
MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga U Fadhiya Dalkeena Itoobiya.
Jigjiga(Cakaarnews) Jumce 7da July 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay waftigii uu hogaaminayay safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya mudane fatih ulusoy oo isla maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal.
Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo safiirka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qorshayaal lagu sii joojinayo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac gaar ahaan arimaha horumarka aas aasiga ah ee ay ka mid yihiin beeraha, waraabka iyo biyaha.Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray inay soo dhawaynayaan cid walba oo ka caawinaysa horumarka deegaanka gaar ahaa dhanka waxsoo saarka beeraha.
Dhankiisa safiirka turkiga ufadhiya dalkeena itoobiya ayaa hadiyad gudoonsiiyay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. Intaasi ka dib waxay waftigan uu hogaaminayo safiirka turkiya u fadhiya dalkeena itoobiya booqdeen qaar kamid ah mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka oo ay ka mid yihiin cusbitaalka wayn males Zenewi referral ee magaalad jigjiga, mashruuca wayn biyo galinta dhurwaale, qabribayax iyo kaaha.
Ugu danbayna waxay waftigan uu hogaaminayo safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya ay kulan la yeesheen gudiga ganacsadata DDSI oo ay ka wada hadleen nidaamka geedi socodka ganacsiga deegaanka iyagoo halkaas iskula qaatay inay wada shaqayn doonaan.
Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Wadayaasha Gaadiidka Oo ka furmay jigjiga
Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 7da July, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI oo loo qaybtay xubnaha geedi socodka xaqiijinta kartida wadaha ee xafiiska gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI ayaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga
Tababarkaasi ayaa waxay ujeedadiisu tahay sidii xubanahan fahan buuxa looga siin lahaa hanaanka iyo tubaha loo maareeyo imtixaanka laga qaadayo wadayaasha gaadiidka, maaraynta soo saarida dirawaliin xirfadoodu sarayso oo tayadooda la xaqiijiyay iyo sidii loo yareeyo shilalka loona xaqiijiyo bad-baadada jidadka
Haddaba, waxaa furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan ayaa sheegay in uu yahay mid ku salaysan nidaamka maaraynta imtixaanaadka wadayaasha gaadiidka iyo nidaamka maaraynta dirawalnimda taasi oo suurta galinaysa sidii adeeg hufan loo siin-lahaa macaamiisha iyo xirfadlayaasha dirawaliinta ka soo baxaya kuliyada kala duwan ee deegaanka ee doonaya in ay qaataan aqoonsiga dirawalnimada wasiir ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in sidoo kale tababarkan lagu xoojinayo nidaamka casriga ah ee kaydinta xogaha wadayaasha gaadiidka taasi oo ah mid kor u qaadaysa awooda fulineed ee shaqaalaha bixinaya adeega wasiir ku xigeenka ayaa kula dar-daarmay xubnahan loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysaan casirada lagu baranayo mudada uu socdo tababarkani si loo gaadho ujeedooyinka laga leeyahay.
Tababarkan ayaa socondoona muddo 10 maalmood ah taasi oo fahan buuxa lagaga siindoona xubnahan hanaanka xaqiijinta iyo maaraynta imtixaanada laga qaado dirawaliinta, nidaamka maaraynta xogaha casriga ah iyo waliba nidaamka adeeg bixinta ee loo soo saaro sharciga dirawaliinta.
Ogaysiis Muhiim Ah Xubnaha Golaha Xildhibaanada DDSI,
Jigjiga,(cakaaranews) Sabti, 8daJuly, 2017 waxaa dhamaan xubnaha golaha xildhibaanada DDSI la ogaysiinayaa in ay iska soo diwaan galiyaan xafiiska golaha xildhibaanad DDSI laga bilaabo maanta oo ah sabti taariikhduna tahay 1da Hamle 2009TI.
Haddaba, waxaa xubnaha golaha xildhibaanada lala socodsiinayaa in kalfadhiigii 5aad ee golaha xildhibaanada DDSI furmayo 3da bisha Hamle 2009TI sidaasi awgeed waxaa lagu wargalinayaa xubnaha xildhibaanada DDSI in ay iska diwaangaliyaan xafiiska golaha xildhibaanada DDSI.
Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayay Hirgalinta Qorshaha Sanadka 2010TI Oo Ka Furmay Jigjiga.
Jigjiga(cakaaranews), sabti, 8da July, 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay meelmarinta iyo hirgalinta qorshaha sanad miisaaniyeedka 2010TI. kulankaasi oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka soo qaybgalay hogaaminta maamulada degmooyinka, gobolada iyo maamul magaalooyinka DDSI.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii looga wada hadli lahaa meelmarinta jihooyinka qorshaha sanad miisaaniyeedka cusub ee 2010TI madaxwaynaha ayaa sharax dheerka bixiyay jihooyinka sanadkan xooga la saarayo taasi oo ay ka mid tahay dhinaca wax soo saarba beeraha, dhaqashada xoolaha iyo dhinaca biyaha islamarkaana loo baahan yahay in sanadkan dhamaadkiisa la arko ka midho dhalinta qorshayaasha hadda la guda galayo fulintooda.
Dhankooda hogaaminta maamulada degmooyinka, gobolada, iyo maamul magaalooyinka DDSI oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ay sidii loogu talagalay u meelmarinayaan fulinta iyo hirgalinta qorshayaashan sanad miisaaniyeedka cusub ee 2010TI.
Degmada Shaykoosh Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolka Qoraxey
Qabridahar(cakaaranews)Sabti 8da July 2017. Waxaa xarunta gobolka qoraxey ee Magaalada Qabridahar lagu soo gabagabeeyay Tartankii kubada cagta ee usocday dhamaan degmooyinka uu kakoobanyahay Gobolka qoraxey. Kaasoo maalmihii u danbeeyay kascoday.
Hadaba tartankan kubada cagta ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa waxaa ku guulaystay degmada shaykoosh dhibco dhan 7 dhibcood iyo 8 gool islamarkaana koobkii kubada cagta ee gobolka kuqaaday, halka kaalinta 2aad ay gashay degmada marsin kaalinta 3aadna ay gashay degmada shilaabo.
dhankakale, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo kawarbixiyay taratankan ayaa sheegay in tartankan kubada cagta ay ku tartamayeen degmooyinka gobolka qoraxay. Wuxuuna xusay in ciyaaruhu si nabadgalya ah oo ciyaar wanaag leh ku soo dhamaadeen maanta guushuna ay kuraacday degmada shaykoosh.
iskusoo wada duuboo, taratankan ayaa ahaa mid gobolku uu kusoo xushay ciyaartawgii uga qaybgali lahaa tartanka heer deegaan ee ay kutartamidoonaan gobolada deegaanka soomaalida itoobiya ee kadhici doona xarunta deegaanka e magalada jigjiga.
Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay
Jigjiga(Cakaaranews) Axad 9ka July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee gobolada faafan islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo fayadhowrka loona ilaalin lahaa nadaafada dugsiyad ayaa ka lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.
Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, agaasinka waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali iyo qaar kaimd ah shaqaalaha waaxda Kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada waxaana ugu horayn ka hadlay tababarkan Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad Oo Sheegay in tababarka ujeedadiisu yahay sidii loo ilaalin lahaa nadaafada cunto iyo mida fayadhawr ee dugsiyada maadaama nadaafadu tahay mid muhiim ah islamarkaana ka hortagayso xanuuno badan.. Sidoo kale wuxuu wasiiku kukla dardaarmay tababar qaatayaasha inay tababarka faaiidadiisa ka dhaqangaliyaan dugsiyada aya kala yimaadeen.
Sikastaba ha ahaatee xafiiska waxbarashada DDSI ayaa wada dadaalo uu kor oogu qaadayo tayada waxbarashada ee deegaanka iyadoo waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI sidii loogu talagalay ufilyaan waxqabadka loo idmay inay qaybtaan islamarkaana ay doonayaan inay ka midha dhaliyaan dadaalka uu xafiisku rabo inuu sii xoojiyo tayada waxbarashada ee deegaanka.
ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobihii ay kala yimaadeen.
Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Hadhagaala
Hadhagaala(Cakaaranews) Axad 9ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Degmada Hadhagaala ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada hadhagaale iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti. Oo uu qorshuhu yahay in looga faaiideeyo 1200 oo qof.
Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada hadhagaala islamarkaana looga faaiidayn doono 1200 oo qof oo isugu jira qaliin, daawayn iyo muraayado. Iyadoo wakhti xaadirkana lagu jiro tijaabadii hore ee qof walba sida uu wax ooga qabo lagu ogaanayay islamarkaana lagu jiro adeegii qaliinkii. Waxuuna intaa ku daray inuu adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah uu maalmahan kasii socon doono degmada hadhagaala ee gobolka siti.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada loo samaynayo adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee degmada hadhagaala iyo nawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay xukuumadu ufilisay. Waxayna intaa ku dareen inay aad oogu mahadsanyihiin XDSHSI iyo Xukuumada keentay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.
MW CMC Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Qorshihii Biyo Galinta MM Jigjiga
Jigjiga(Cakaaranews) Axad 9ka July 2017. Waxaa ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayay hirgalinta mashruuca biyo galinta maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan halka uu marayo qorshe dhawaan la kala qaatay oo ahaa hirgalinta biyo galinta maamulka magaalada jigjiga.
Hadaba Kulankan oo uu hogaamiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga , maamulada xaafadaha mm jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha mm jigjiga. Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulanku tahay sidii loo eegilahaa halka uu marayo qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan qorshihii dhawaan kulankii kan ka horeeyay lagu kala qaatay oo ahaa in muddo kooban lagu soo gabagabeeyo biyo galinta caasiamda deegaanka ee jigjiga
Wuxuuna Madaxwaynuhu intaa kudaray in hirgalinta qorshahani suurtagalinayso in dhamaan xaafadaha maamulka magaalada jigjiga guri ka guri loo galiyo qasabadaha biyaha taasi oo xalwaara u noqonaysa biyo yaraanta magaalada jigjiga. Isagoo madaxwaynuhu xusay in sikasta oo biyo lagu gaadhsiin karo magaalada jigjiga lawada gaadhsiinayo biyaha iyadoo loo marayo biyo galiniyo biyo dhaamin balse aysan bulshadu marnaba biyo la aan noqonaynin inta ay ka imanayaan biyogalinta ka imanaya faafan oo xal waaara u noqon doona biyo yaraanta magaalada jigjiga
Dhankooda masuuliyiintii loo xilsaaray fulinta qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga ayaa sheegay in ay meelfiican u marayso fulinta qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga islamarkaana dhawaan la soo gabagabayndoono in guri kasta oo ku yaala xaafadaha magaalada jigjiga la galiyo qasabadaha biyaha. Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha magaalada jigjiga ayaa siwayn u soo dhaweeyay qorshahan biyo galinta maamulka magaalada jigjiga waxayna siwayn ugu mahad naqeen hogaaminta xukuumada DDSI ee suurtagalisay in la fuliyo qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga
Godey Iyo Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Shabeele
Godey(Cakaaranews) Isniin 10ka July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee gobolka shabeele islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo maamulkeeda ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.
Hadaba khabiirka fuliyaha kormeerka tayada waxbarashada mudane Axmednuur Yuusuf oo kamid ah kooxda haysay tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidii shaqaalahan cuntada ee ka hawlgala schoolada quudinta leh ee gobolka shabeele fahan buuxa looga siin lahaa qaabka loo maamulo cunta karinta dugsiyada quudinta leh. Wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale labarayo sidii fayadhowrka cuntada guud ahaan loo hagaajin lahaa looguna Karin lahaa nidaam caafimaad qab leh. Wuxuuna khabiirku kula dardaarmay tababar qaatayaasha in ay tababarkan ka dhaqan galiyaan dhamaan schoolada ay ka kala yimaadeen.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobaha ay kala yimaadeen.
Tababar Loo Qabtay Afhayeenada Xildhibaanada Baarlamanka Degmooyinka Iyo MM Deegaanka Ayaa Kafurmay Magaalada Godey
Godey(Cakaaranews) Isniin 10ka July 2017. Tababar kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee afhayeenada xidhibaanada baarlamaanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa ka furmay magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.
Hadaba tababar ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo afhayeenka golaha xildhibaanada baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, Mas’uuliyiinta gobolka shabeele iyo kuwa mm ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee afhayeenada xidhibaanada degmooyinka iyo mm, si loo helo cudud tayo leh oo kamidha dhalisa horumarka la hiigsanayo.
Ugu danbayna wuxuu afhayeenku xusay intabarka uu halkaas kasii socon doono islamarkaana fahanbuuxa lagasiinayo xubnahan ku dhaqanka nidaamka tastuurka dalka iyo awooda fulineed ee ay leeyihiin afheenada xildhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo mm deegaanka. Wuxuuna afhayeenku intaa kudaray in uu XDSHSI dadaalo badan ugalay siduu kor oogu qaadilahaa garaadka aqooneed iyo midka siyaasadeed ee afhyeenada xildhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo mm deegaanka.
Sikasataba ha ahaatee tababarkan kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee afhayeenada xidhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa socon doona mudo labo maalmood ah islamarkaana lagu bari doonaa cashiro la xidhiidha nidaamka federalismka iyo maamulka suuban.
Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Gudoomiye Cusub Doortay
Australia(Cakaaranews) Isniin 10ka July 2017.Waxaa gudoomiyaha jaaliyada Australia loo doortay mudane Axmed Xasan Dhalac oo ah xubin aqoon karti iyo waaya aragnimo leh islamarkaana shaqooyin fiican kasoo qabtay jaaliyada Australia. Wuxuuna gudoomiyaha iyo jaaliyadu dhisa doonaan xubinhii kale ee ay jaaliyada kawada shaqayn lahaayeen.
Kulan Kusaabsan Arrimaha Dakhliga iyo waliba Bayaanada Cusub Ee Dakhliga Oo Loo qabtay Ganacsatada Deegaanka
Jigjiga(cakaaranews)Talaado 11ka July 2017. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay wakaalda dakhliga DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaybaha kala duwan ee ganacsatada Deegaanku ayaa sihabasami leh uga qabsoomay magaalada jigjiga.
kulankan ayaa wuxuu kusaaabsana sidii fahan buuxa looga siin lahaa dhamaan ganacsatada deegaanka nidaamyada cusub ee dakhliga ee bixinta canshuurta wakhtigeeda Iydoo laraacayo bayaanada cusub ee dakhliga ee kala ah bayaanka canshuurta dakhliga ee tirsigiisu yahay -983/2008 iyo bayaanka maamulka canshuurta ee isna tirsigiisu yahay 979/2008. Waxayna Bayaanadani qeexayaan inay isbadaleen bixinta canshuur sanadeedku.
Hadaba, kulankan ayaa waxaa kahadlay Maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Xasan Cali Xasan oo sheegay in isbadalka horumarineed ee deegaanku ay qayb wayn kaqaadanayso canshuur bixinta iyo dakhliga oo lasoo xareeyo islamarkaana loo baahanyahay in ganacsatada iyo bulshaduba fahan buuxa kaqaataan nidaamka dakhliga iyo canshuur-bixinta.
Ugudanbayna ganacsatadii kazoo qaybgashay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay kulankani uu ahaa mid fahanbuuxa ay kaheleen dhanka bayaanada cusub iyo nidaamyada cusub ee canshuur bixinta. Waxayna tilmaameen inay raacayaan tilmaamaha lasiiyay islamarkaana ay dhaqan galinayaan.
Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa
Adhisababa (cakaaranews)Talaado 11da July 2017.Xukuumada DDSI ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay uqabatay ardayda ka qalinjabisay jaamacadaha magaalada adhisababa islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska maamulka DDSI Mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar, xildhibaano heer federal ah, waaldiintii ardayda iyo martisharaf kale.
Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah ka soojeediyay Wasiirka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan ardayda ka qalinjabisay jaamacadaha magaalada adhisababa. Wuxuuna sheegay wasiirku in sanadkan ardayda kaqalinjanisay jaamacadaha adhisababa ay dhan tahay 195 arday taasoo aad uga badan ardaydii ka qalinjabisay sanad hore. Sidookale wasiirka ayaa hanbalyo u diray dhamaan ardayda faraha badan ee u dhalatay deegaanka ee kaqalinjabisay jaamacdaha dalka oo dhan. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in cadowga koobaad ee deegaanku yahay saboolnimada islamarkaana ay xukuumada deegaanku u guntaday sidii deegaanku uga bixilahaa saboolnimada islamarkaana xukuumada deegaanku ay dhigatay qorshayal kaladuwn oo ay kamid yihiin in lahelo cudud waxbaratay oo tayo leh.
Wuxuuna wasiirku kuladardaamay qalinjabiyayaasha in cilmiga ay barteen ay si fiican oo daacadnimo ah ugu adeegaan bulshadooda islamarkaana ay kafogaadaan musuqa, ninjeclaysiga iyo qabyaalada.
Dhankakale, ardaydii qalinjabisay iyo waalidiintii kasooqaybagalay xafladan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihii xaflada ay u qabatay xukuumada DDSI. Waxayna sheegin in xafladani ay ahayd mid ay aad ugu qiiroodeen sida qurxuxda badan ee ay xukuumadoodu u sharaftay. Waxayna balan qaadeen in culuumtii ay barteen ay si daacad ah oo wadaniyad ah ugu adeeganyaan bulshadooda.
Iskusoo wada duuboo, xafladan oo lagu soo bandhigay ciyaar dhqameedyo kaladuwan ayaa jawi wanagsan oo farxadi kudheehan tahay kusoo dhamaatay.
Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Hadhagaale Oo Lasoo Gabagabeeyay.
Hadhagaale(Cakaaranews) Arbaco 12ka July 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool Degmada hadhagaale iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti kasocdey, Kasoo bulshadu Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen Adeegani islamarkaana Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada hadhagaale iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.
Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 841 qof oo isugu jira 381 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 135 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, halka 325 qofna lasiiyay muraayadaha indhaha, Wuxuuna intaa kudaray ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada ma’eyso ee isla gobolka siti.
Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada hadhagaale iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.
MMJ Oo 56 Iskaashato Oo Dhalinyaro Ah Kuwareejiyay Dhul
Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 12ka July 2017. Si loo daba jaro shaqo la’aanta islamarkaana looga baxo saboolnimada ayaa xukuumada DDSI ay qaadatay qorshayaal kuwajahan shaqoabuurka dhalinyarada iyo waliba siinta lacago daymo ah dadka hayntoodu yartahay. Iyadoo maantana masuuliyiinta Maamulka Magaalada Jigjiga oo uu horkacayo Kusimaha Maayorka ahna Maareeha Guud ee Maamulka magaalada Jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed ay dhul balaadhan oo dhan 76 hector kuwareejiyeen iskaashatooyin dhalinyaro ah oo kakooban 56 iskaashato.
Hadaba, Kusimaha Maayorka MMJ ahna Maareeha Guud ee Maamulka magaalada Jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in maanta ay dhul dhan 76 hictor kuwareejiyeen 56 iskaashato oo dhalinyaro ah. Kuwaasoo ahaa dhalinyartii xukuumada DDSI ay u samaysay shaqo abuurka. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in iskaashatooyinkan dhalinyarta ahi isugu jiraan iskaashatooyinka Beeraha, Naaxinta-xoolaha, Digaaga, iyo waliba iskaashatooyinka shinida Malabka.
Wuxuuna tilmaamay in dhalinyartan uu u rajaynayo inay noqdaan kuwo kafaaiidaysta dhulkan islamarkaana kamidho dhaliya noocyadan shaqo ee ay qabanayaan oo ay noqdaan kuwo anfaca naftooda iyo bulshadoodaba.
Dhankiisa wasiirka xafiiska dhalinyarda iyo ciyaaraha mudane cabdi Bile oo goobjoog ka ahaa dhulkan lagu wareejiyay dhalinyarada ayaa isna dhankiisa dhalinyarta iskaashatada ah u soojeediyay dardaaran. Isagoo seegay in dhalinyartani ay noqdaan kuwo ay kudaydaan dhalinyarta kale ee shaqo la,aanta ah islamarkaana ay layimaadaan shaqo iyo waxsoosaar kudayasho leh.
Ugudanbayna, iskaashatooyinkii dhalinyarta ahaa oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shaqo abuurkan heerka sare ah ee ay xukuumada DDSI usamaysay waxayna u mahad celiyeen dhamaan heerarka kaladuwan ee xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Kal-Fadhigii 5aad Ee Golaha 5,aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Furmay
Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 12ka July 2017.Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI.
Hadaba kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo xaqiijintii tirada kooramka xildhibaanada kadib soo bandhigay anjandayaasha iyo bayaanada horyaala kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen anjandaha hadal qoraalkii kal-fadhigii 4aad, ansaxinta warbixinta waxqabadka golaha xildhibaanada DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009TI, ansaxinta warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009ti, warbixinta waxqabadka hantidhawrka guud ee DDSI ee sanadka 2009TI, iyo warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee DDSI ee sanadka 2009ti.
Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay in ay kal-fadhigan 5aad horyaalaan bayaano door ah oo ay ka mid yihiin ansaxinta bayaanka miisaaniyada dheeriga ah ee sanadka 2009ti, ansaxinta bayaanka miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyeedka 2010ti, ansaxinta bayaanka dib loo habeeyay ee xafiiska ganacsiga , gaadiidka iyo warshadaha DDSI, ansaxinta bayaanka aas aaska shirkada horumarinta shaqo abuurka ee tabac iyo maal,ansaxinta bayaanka aas aaska shirkada horumarinta iyo suuqgaynta xoolaha DDSI. Kal-fadhigan oo maanta furmay ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyada oo anjandayaashan iyo bayaanadan si qoto dheer ay uga doodidoonaan xubanaha golaha xildhibaanada DDSI.
Tababar Kusaabsan Nidaamka Tababaranimo Oo Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Deegaanka
Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 13ka, July 2017.Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo hay’ada Save the children oo taageero lacageed kahelaya Hay’ada USAID oo kaashanaysa mashruuca READ TA iyo Research Triangle Institute(RTI) ayaa tababarka tababarayaasha u qabtay qaar kamid ah macalimiinta deegaanka. kaasoo si habsami leh uga bilowday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, iyo waliba magaalada dhagaxbuur ee xarunta Gobolka jarar.
Tababarkan ayaa waxaa kasooqaybgalay macalimiin laga soo kalaxulay dhamaan degmooyinka gobolada deegaanka kuwaasoo tiradoodu dhantahay 350 macalin oo loogu talagalay inay qaaataan tababarka tababaranimo ee macalimiinta luuqada afka soomaaliga.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kawarbixiyay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkani uu kabilawday magaalada jigjiga iyo waliba magaalada dhagaxbuur islamarkaana macalimiinta kasooqaybgashay labada tababar ay dhanyihiin 350 macalin. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in magaalada dhagaxbuur ay tababarka kuqaadanayaan 170 macalin oo lagsoo kala xulay degmooyinka gobolada kala ah Jarar, Qoraxey, Shabeele, Afdheer, Doolo iyo Nogob meesha sidookalana ay magaalada jigjiga tababarka kuqaadanayaan macalimiinta laga soo kala xulay degmooyinka Gobolada Faafan, Siti, Dhaawa, liibaan iyo Erer. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay intababarkan ay iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, hay,ada Save The Childeren oo taageero lacageed kahelaya mashruuca READ TA iyo waliba Hay’ada USAID. Wuxuna tilmaamay wasiirku in ujeedada tababarkani yahay kor uqaadida barashada iyo nidaamka baris barasho ee luuqada afka hooyo ee dhamaan macalimiinta luuqada afka soomaaliga iyo ardayda dugsiyada ee fasalada 5aad ilaa 8aad.
Sidookale, Gadh-wadeenka Geedisocodka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in tababarkani yahay Training of Trainers (TOT) tababarka tababarayaasha macalimiinta luuqada afka hooyo ee fasalada 5aad ilaa 8aad, kaasoo dhamaan macaliinta afka soomaaliga ay sii tababari doonaan kadib markii ay macalimiintani qaataan tababarkan. Wuxuuna xusay in tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah kadibna loo diyaar garoobi doono tababaradii ay sii qabanlahaayeen tababarayaashu ee dhamaan gobolada deegaanka. wuxuuna kuladardaarmay macalimiinta in inta uu tababarku socdo ay casharada siffican uqataan wakhtiga iyo nidaamkana ilaaliyaan.
Ugudanbayna, macalimiintii kasooqaybgashay tababarkan tababaranimo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay sifiican uga faa'iidaysanayaan inta uu socdo tababarku. Waxayna tilmaameen inay casharada ay bartaan usii gudbinayaan macalimiintii kale ee loogu talagalay sida ugu wanaagsan.
kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 13ka July 2017. waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagusoo gabagabeeyay kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI oo mudo labo maalmood ah kasocdey hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.
Hadaba kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI oo uu hogaaminayay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa lagusoo jeediyay islamarkaana lagu ansixiyay ajandayaashii golaha 5aad ee kal-fadhiga 5aad ee xildhibaanada DDSI horyaalay oo ay kamid ahaayeen ansixinta hadal qoraalkii kal-fadhigii 4aad, warbixinta waxqabadka golaha xildhibaanada DDSI, Warbixinta waxqabadka xafiiska maamulka DDSI, Warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee DDSI, Warbixinta waxqabadka hatidhawrka guud ee DDSI iyadoo guud ahaanba uu goluhu codbuuxa ku ansixiyay dhamaan ajandayaasha kalfadhigan.
Sidoo kalana waxay golaha xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyadeedka 2010TI ee deegaanka oo cadadkeedu dhan yahay 15,305,930,020(shan iyo toban bilyan sadex boqol iyo shan milyan, sagaal boqol iyo sodon kun iyo labaatan birr).
Sikastaba ha ahaatee kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxaa lagu ansixiyay bayaano kale oo si xeel dheer oo cilmiyeysan loogu suntay qorshe bulshada deegaanka loogu abuurayo shaqooyin saboolnimada lagaga saarayo.