Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Hay’ada MCDO Oo Deeq Agab Ah U Qaybisay Arday Isugu Jirta Agoon Iyo Danyar.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 29ka, June, 2017. Hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano (MCDO) oo kaashanaysa hay’ada CCRD ayaa deeq agab ah oo isugu jirta dhar, buugaag, noocdayada qalimaanta, boorsadaha lagu qaato buugaagta iyo dharka u qaybisay 700 oo ardayda  oo wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga kuwaasi oo isugu jira ardayda agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

Munaasabadii lagu wareejinayay agabkan oo ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ee magaalada jigjiga  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulka magaalada jigjiga iyo masuuliyiinka socday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka (MCDO).

Waxaana, ka hadlay munaasabadaasi madaxa xafiiska maayirka magaalada jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad oo ugu horayntii u mahad celiyay hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee deeqdan ugu talagalay in ay soo  gaadhsiiyaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ee wax ka barta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga isaga ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkani gaar ahaan dhiiragalinta wax barashada ardayda danyarta ah ee wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.

Faysa Cabdilaahi Ibraahin oo ka mid ah masuuliinta ka socoday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka oo ka hadashay goobta agabkan lagu qaybinayay  ayaa sheegtay in deeqdan agabka ah oo isugu jirta dhar, buugaag, qalimaan, noocyada kala duwan ee boorsadaha ay u qaybiyeen 700 oo arday kuwaasi oo laga soo kala xulay 10 isguul oo ka mid ah dugsiyada maamulka  magaalada jigjiga gaar ahaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ujeedada deeqduna tahay sidii wax barashada loogu dhiiragalin lahaa ardaydan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa  waxay masuuliyiinta ka socoday hay’adan horumarinta hooyada iyo dhalaanku ku wareejiyeen deeqdan agabka ah masuuliyiinta ka socday maamulka magaalada jigjiga iyada oo isla goobtaasi loogu qaybiyay ardaydii laga soo kala xulay dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.   


Ogaysiis-Ogaysiis

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 29ka June 2017. waxaa dhamaan bulshada deegaanka   la ogaysiinayaa in subaxnimada maalinta sabtida ah uu bilaabmayo tartankii iibsashada guryaha gibiyada ah ee kuyaala wadada wajaale qiimahoodii horana hoos loo dhimay.

Hadaba dhismaha guryahan ayaa ah labo nooc oo kala ah kuwa saaran wajiga hore ee wadada wajaale  oo ah darajada 1aad qiimahooduna waa 805,000 (sideed boqol iyo shan kun oo birr ) iyo kuwa darajada 2aad oo ah 690,00 kun ( lix boqol iyo sagaashan kun oo birr)  Wuxuuna tartankan gibiyada casriga ah uu ka dhacayaa goobta ay ku yaalaan gibiyadan casriga ah, Wuxuuna tartanku dhacayaa subaxnimada maalinta sabtida ah  2da saac. Waxaana tartamayaasha gibiyadan la ogaysiinayaa in diwaan galinta gibiyadan ay tahay 10,000 birr oo lacag ah iyadoo cida ku guul daraysatana loo celin doono lacagtii diwaangalinta .

Ugu danbayna waxaa tartamayaasha la ogaysiinayaa inaysan moogaanin hanashada iibsashada guryahan casriga ah ee loo talagalay bulshada deegaanka. Waa wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI oo idin leh tartan wacan

Kulan Lagu Soo Bandhigayay Daraasaad Laga Soo Sameeyay Degmooyinka Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 29ka, June, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city crown kulan lagu soo bandhigayay daraasaad laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku salaysan sidii loo ogaan lahaa xaaladaha ee jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha loogu diyaar garoobilahaa  saamaynta ka imankarta xaaladaah isbadalka cimilada ee 6da bilood ee soo socda.

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisaka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan, masuuliyiin ka socda  xafiisyada heer deegaan ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska iyo masuuliyiinka socday hay’adaha aan dawliga ahayn ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI.

 

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in uu yahay kulan socday 2 maalmood oo lagu soo bandhigayay daraasaadyo laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku qotoma soo ogaanshaha xaaladaha baahiyaha jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta ay keeni karto cimilada isbadashay wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in mudada uu kulanku socday lagu qaadaa dhigayay hirgalinta qorshaha wax lagaga qabanayo isbadalka cimilada sidoo kalena lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka imankara isbadalka cimilada.

Tababar Ku Aadan Kobcinta Garaadka Aqoomeed Ee Kooxaha Horumarka Ee goobaha Dajinta Ayaa Lagawadaa Degmooyin Kamid ah Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa

$
0
0

Dolo-cado(cakaaranews)Jumce 30ka June, 2017. Tababar ay iska kaashadeen xafiiska Adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaala DDSI iyo wasaarada Adeega shacabka iyo Horumarinta cududa shaqaalaha oo ay ujeedadiisu ahayd kor uqaadista garaadka aqoomeed ee xubnaha Golaha ama kooxaha horumarka ee goobaha dajintu kajirto ee gobolada Afdheer, Liibaan iyo Daawa ayaa si habsami leh usocda.

Hadaba, madax kooxeedka kooxaha tababarka fulinaya ahna khabiir sare oo katirsan xafiiska adeega shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Ibraahim Cabdi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in tababarkan fulintiisa ay iska kaashadeen xafiiska Adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaala DDSI iyo wasaarada Adeega shacabka iyo Horumarinta cududa shaqaalaha islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadista garaadka aqoomeed ee xubnaha Golaha horumarka ee tuulooyinka dajinta. Wuxuuna intaa kudaray madax kooxeedku in kooxdoodani ay tababarka siinayso  tuulooyinka hoosyimaada degmooyinka Filtu, Boqolmayo, iyo Dollo-Ado. Si lamid ahna ay kooxo kale tababarka usinayaan 10 degmo oo kakalatirsan 3da Gobol ee kor uxusan.

Wuxuuna carabku ku adkeeyay in Tababaradan xubnaha lasiinayo ay yihiin xubno laga aasaasay shacabka dhaxdooda ee tuulooyinka deegaanka islamarkaana lagu magacaabo golaha horumarka liyadoo tababarkana lagu barayo casharo ay ka mid yihiin xilka iyo waajibaadka golaha iyo kooxaha horumarinta goobaha dajinta, xidhmada maamulka suuban iyo ciidanka horumarka  iyo waliba dhamaan shuruucaha maamulka suuban iyo saraynta sharciga. Iyadoo tababarkana lasiinayo guud ahaan xubno dhan 1485 oo ka kala tirsan 99 goobood oo dajin ah ee hoosyimaada sadexda gobol Afdheer, Liibaan iyo Daawa.

Sikastaba ha ahaatee ,tababarkan ayaa waxa uu  si hab samileh uga socdaa  13 degmo oo kala ah Filtu, Boqolmayo, Dollo-Ado, Gorobaqaqsa, Gorodhamole, Dekasuftu, Qarsadula, Mubaarak, Hudet, Hargeele, Jarati & Dollo-bay halkaas oo lagu tababarayo kooxaha horumarka ee goobaha dajinta.

 

MW CMC Oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Garaad Wiil Waal Ku Soo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo MW Jubaland.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 30ka June 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan   qaarka mid ah golaha kaabineega DDSI ayaa si meeqaam sareleh  ugu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil-waal wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan iydoo waftiga lasii mariyay guryaha Real Stateka   dulqabow ee magaalada jigjiga islamarkaana soo indha indheeyay dhismayaasha xaafadaha dulqabow oo ah dhismayaal casriya sidoo kale waxay waftigu  boodeen  booyadaha cusub ee loogu talagalay in shacabka abaaruhu saameeyeen wax loogu qabto oo tiradoodu dhantahay 200 oo booyadood.

Ugu danbayn Waftigan ayaa waxa la filayaa inta ay joogaan xarunta deegaanka in ay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSi mudane Cabdi Maxamuud Cumar

MW CMC Oo Kulan Wadatashiya La Yeeshay Qaybaha Kala duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Caasimada jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 30ka, June , 2017 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu wehelinayo wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mdane Cabdimahad Maxamed Cabaase ayaa kulan wadatashiya oo ay ka soo  qaybgaleen  masuuliyiinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiinta wakaalada biyaha ee mm jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha caasimada jigjiga kula yeeshay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xalwaara looga gaadhilahaa biyo galinta maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mduane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii kor loogu sii qaadilahaa bilicda iyo tayada adeeg bixinta  caasimada DDSI ee jigjiga madaxwaynaha ayaa sheegay qorshe xalwaara lagaga gaadhayo  dhinaca biyo galinta magaalada jigjiga islamarkaana guri ilaa guri loogu galinayo qasabadaha biyaha kaasi oo mudo kooban lagu oo gabagabaynayo. Madaxwaynaha DDSI ayaa  qaybaha kala duwan ee bulshada  ku booriyay in ay soo bandhigaan  meelaha ay golda-looladu ka jirto ee dhinaca biyo galinta maamulka magaalada jigjiga kana qaataan fikirkooda qorshahan  si loo buuxiyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirto.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jigjga ayaa soo soo dhaweeyay dadaalka xukuumada DDSI ee ku salaysan kor u qaaditaanka bilicda iyo tayada  adeegyada magaalada jigjiga waxayna talooyin iyo fikiro muhiim ah ka dhiibteen qorshaha xal waara lagaga gaadhayo biyo galinta caasimada DDSI.

Gabagabadii kulankan waxaa laysla qaatay meelmarinta qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga iyada oo gudi ka kooban xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI iyo wakaalada biyaha maamulka magaalada jigjiga loo xil saaray fulinta iyo hirgalinta qorshahan xal waara lagaga gaadhayo biyo galinta maamulka magaalada jigjiga.

Gobolka Nogob iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Oo Kabilowday Degmada Garbo

$
0
0

Garbo(cakaaranews)Sabti 1da July 2017. Waxaa si rasmi ah uga furmay degmada Garbo  Ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan degmooyinka Gobolka nogob taaso ay furitaankeedii kasooqaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka nogob oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane  Axmed Aadan Axmed iyo mas'uuliyiin kale.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Aadan Axmed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilawdeen ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan kooxaha kubada cagta ee degmooyinka gobolka Nogob islamarkaana  ay maanta wada ciyaareen kooxda kubada cagta ee degmada Garbo iyo degmada Sagag iyadoo ciyaartana ay guushu  ku raacday degmada Garbo oo kubadisay 1-0. wuxuuna gudoomiyuhu xusay in maalinkii shalay ahayd lagu furay ciyaarta kooxda kubada cagta ee kasocotay degmada ceelwayne ee xarunta gobolka Nogob iyo Degmada xaraareey. Halkaasoo guushu kuraacday degmada ceelwayne oo kubadisay 4-0. Sidookale  galinkii hore ee maanta ayaa waxaa iyana wada ciyaaray degmada Dhuxun iyo  Degmada cayuun halakaas oo ay guushu kuraacday degmada Dhuxun, kunabadisay 2-0.

dhanka kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in ciyaaruhu ay u socdaan si quruxbadan oo nabad iyo isjacayli kudheehantahay.

Sikastaba ha ahaatee, ciyaarahan oo ah mid koob lagu kalaqaado, sanadwalbana looqabto kooxaha kubada cagta ee degmooyinka gobolka ayaa lafilayaa inay bari wada ciyaaraan 2da kooxood ee kala ah degmada cayuun iyo xaraarey.

Jaamacada Jigjiga Oo Ay Dufcadii 9aad Ka Qalinjabiyeen Arday Dhan 4,738.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),sabti,  1da, July, 2017. Munaasabad  si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 9aad ee ka qalinjabisa jaamacada jigjiga  ayaa  maanta si heer sare ah uga qabsoomtay hoolka wayn ee jaamacada Jigjiga.

Munaasibadan qalinjabinta dufcadii 9aad ee ardayda jaamacada Jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta ugu saraysa jaamacada Jigjiga  oo uu  ugu horeeyo madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr cabdicasiis ibraahin,  hogaaminta odayaal dhaqameedka DDSI waalidiinta ardayda qalinjabinaysa, kooxaha fanka iyo sugaanta ee deegaanka iyo dalka iyo marti sharaf kale.

Waxaana munaasabadan ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celiyay dadaalka ay wado jaamacada jigjiga madaxwaynaha ayaa sheegay in isbadalka horumarineed ee ka jira dalkeena itoobiya ay suurta galiyeen aqoon yahanada kala duwan ee ka soo qalinjabiyay jaamacadaha kala duwan ee dalka madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay in ka midho dhaliyaan aqoonta ay sanadaha baray baranayeen. Wuxuuna madaxwaynaha DDSI sigaar ah ugu mahad naqay shaqalaha dawlada ee iyaga oo waajibaadkoodii shaqo gudanaya   maanta qalinjabinay

Dhankiisa madaxwaynaha jaamacada jigjiga Dr cabdicasiis ibraahin oo ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadinta iyo hambalyada uu u jeedayay ardaydan ka dib ka warbixiyay dadaalada iskaashi ee ay dawlada jfdi iyo dawlada deegaanku ugu jiraan kor u qaaditaanka tayada waxbarashada dalka gaar ahaan deegaanka somalida itoobiya  si loo soo saaro cudud aqoon yahan oo ku gaashaaman aqoon iyo xirfado ay ugu adeeegaan shacabkooda isaga oo tilmaamay in ay maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayso heerka aqooneed ee ay jaamacada jigjiga bixiso  madaxwaynaha jaamacada ayaa sidoo kale sheegay in ay jaamacadu dadaal balaadhan ugu jirto sidii ay kaalin wayn uga qaatan lahayd wax ka qabashada dadaalada lagu horumarinayo bulshada dawlada deegaanka somalida itoobiya.

Ardaydan maanta qalinjabisay oo ay tiradoodu dhan tahay 4,738 arday isugu ,heerka  koowaad  degree iyo heerka 1aad masterta  ayaa, isugu jira ah ardayda  joogtada ah iyo ardayda aan ku xeraysnay jaamacada . waxaana xusid mudan in dufcadan maanta qalijnabisay tahay dufcadii ugu badnayd ee tan iyo intii la aas aasay  jaamacada jigjiga

Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha.


Xukuumada DDSI Oo Hadhimo Sharafeed Usamaysay Waftigii Uu Hogaaminayay MW Jubaland.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 1da July 2017. Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabineega DDSI ayaa hadhima sharafeed usameeyay waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha dawlad goboleedka jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan .

Hadaba waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa bogaadin iyo mahadnaq usoo jeediyay sida quruxda badan ee ay mas’uuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabineega usoo dhaweeyeen laga bilaabo soo dhawayntii garoonka ee shalay ilaa hadhima sharafeeda maanta.

Tababar Loo Qabtay Xubno Kasocday 33 Degmo Oo Deegaanka Ah Oo Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad, 2da, July 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocday 33 degmo oo isugujira macalimiin iyo arday kuwaasoo lagu barayay casharo laxidhiidha kahortagida cudurka HIV-AIDS, ilaalinta nadaafada, iyo barnaamijka caafimaadka iyo nafaqaynta dugsiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ugu horayn kahadalay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in tababarkani uu kakoobanayahay 2 tababar oo kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo kaladuwan oo ay kamid yihiin barnaamijka caafimaadka iyo nafaqyanta dugsiyada,  ilaalinta nadaafada, kahortaga cudurka HIV-AIDS iyo waliba kohortagida guurka degdega ah islamarakaana ay kasooqaybgaleen 33 degmo kuwaasoo isugujira maaamulayaasha dugsiyada, xubno kamid ah ardayda dugsiyada iyo xubnaha  HIV-CLUBS ka.

Wuxuuna intaa kudaray in 25 dugsi oo ah dugsiyada quudinta leh oo kasooqaybgashay tababarkan loo qaybiyay qalab loogu talagalay wacyigalinta ardayda iyo waalidiinta kaasoo lagu magacaabo (Mini-Media) oo ah qalab muhiim ah oo wata microphonadii iyo sameecadihii codka, islamarkaana lagaga wacyigaliyo ardayda caadooyinka iyo dhaqamada xunxun.

Wasiir-kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kuladaradaamay dhamaan kaqaybgalayaasha 33 degmo in casharadii ay barteen sii gaadhsiiyaan bulshadii iyo goobihii ay kayimaadeen kana dhaqangaliyaan casharada ay barteen.

Dhanka kale, madax kooxeedka Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamed Yuusuf oo isna kahadalay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani yahay mid iskudhaf ah islamarkaana kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo muhiim ah oo laxidhiidha barnaamijka caafimaadka iyo nafaqaynta dugsiyada iyo waliba kahortagida caadooyinka/dhaqamada xunxun sida guurka degdega ah. Wuxuuna timaamay in qalabkan looqaybiyay dugsiyada quudinta leh ay ilaashadaan qalabkan sifiicana loogu qabto adeegii loogu talagalay.

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii kasooqaybgalay tababarkan oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin tababarkan islamarkaana cilmigii ay barteen ay kadhaqangalinayaan goobihii ay kayimaadeen qalabkan lasiiyayna ay ilaashanayaan.

Xuska 7aadka Adeega-shacabka Oo Si Heer Sare Ah looga Xusay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 2da, July 2017. Xuska sanadguurada 11aad ee 7aadka adeeg-bixinta ayaa maanta si meeqaam sare leh looga xusay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo munsaasabadana uu soo agaasimay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta golaha kabinetka deegaanka, agaasimayasha xafiisyada deegaanka iyo marti sharafkale.

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa khudbad muhiim ah kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo uguhorayn kahadlay marxaladihii kaladuwanaa ee uu soomaray deegaanku gaar ahaan dhanka cududa shaqaalaha deegaanka. wuxuun xusay wasiirku in cududa shaqaalaha ee deegaanku ay door muhiim ah kulee yihiin horumarka balaadhan ee deegaanka kahirgalaiy iyadoo sidookale ay doormuhiim ah kaqateen hirgalinta siyaasadaha shaqada iyo shaqalaha intaba. Wasiirka ayaa tilmaamay in laga bilaabo maanta ay lagama maarmaan tahay in cududa shaqaalaha deegaanku ay sii adkeeyaan adeegbixinta loohayo bulshada si loo xaqiijiyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala deegaanka ee uu ugu horeeyo qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad si deegaanku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Sidookale,Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar oo isna kahadlay munaasabadan ayaa sheegay in  cududa shaqaalaha deegaanku ay manta taagantahay meeshii ugu fiicnid islamarkaana fursad wayn ay u tahay shaqaalaha deeganka maadaama uu deegaanku hada kahor laha shaqaale noocan ah laakiin aan adeg hufan bulshada siinin islamarkaana ay hortaagnaayeen nabadgalyo xumo sida ururadii gabalkoodu dhacay ee UBB iyo Al-Itaxaad.

Sikastaba ha ahaatee, munaasabadan xuska 7aadka adeeg-bixinta oo ah mid heer qaran ah dhamaana laga xusay deegaanada dalka ayaa waxa halkudhag looga dhigay ''adeega shacabka oo anshax leh ayaan kuxaqiijinaynaa dib-ucurashadeena''.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Qoraxey oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Jaamacada Qaridahar

$
0
0

Qabridahar (Cakaaranews)Axad 2da July 2017. Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo uu wehelinayo gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo madaxwynaha Jaamacada Qabridahar mudane Dr Yuusuf ayaa kormeer shaqo ku tagay jaamacada qabridahar  oo dhismaheedii gabagabo marayo.

Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad ayaa sheegay inuu dhismihii jaamacada qaridahar uu gabagabo marayo islamarkaana ay sanadan kusoo xaroonayaan ardaydii dalka ee hashay jaamacadaha dalka kuwaasoo ka kala iman doona dhamaan deegaanada dalka, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay diyaar yihiin goobihii waxbarasho ee loogu talagalay inay wax ku bartaan dhamaan ardayda ay qaabisho jaamacadu.  

MW Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Madbacada Cusub Ee Somali Print Press.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 2da July, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray dhismaha cusub ee madbacada daabacaada soomali print press oo uu dhismaheeda  hirgaliyay muwaadin u dhashay DDSI.

Waxaana xafladii xadhig ka jarka ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri iyo marta sharaf kale.

Waxaana madbacadan siwada jir ah xadhiga uga jaray  madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo ku simaha maayirka MM jigjiga  ahna maareeyaha MM jigjiga mudane fadxi shugri . kuwaasi oo xadhig ka jarkii ka dib soo kormeen  qaybaha kala duwan ee dhismaha madbacadan cusub  iyo noocyada ay daabacayso.

Waxaana intaasi ka dib la hadlay warbaahinta deegaanka ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha magaalada jigjiga mudane fadxi  shugri oo sheegay in caasimada DDSI ee jigjiga ay maalinba maalinta ka danbaysa si xawliya u koraysa bilicda iyo maalgashiga muga leh ee ay ka hirgalinayaa magaalada muwaadiniinta u dhashay DDSI ka dib markii ay xukuumada DDSI dajisay istaraatajiyada iyo qorshayaal cilmiyaysan oo muwaadiniinta u fududaynaya in ay ku dhibyar ku maalgashadaan deegaanka gaar ahaan caasimada Jigjiga , masuulka ayaa intaasi ku daray ahmiyada ay leedahay u leedahay adeegyada jijiga madbacadan maanta xadhiga laga jaray islamarkaana u mahad naqay mulkiilaha hirgaliyay dhismahan madbacadan cusub.

dhankiisa maareeyaha guud ee madbacada Somali print press mudane Tewodros Addisu ayaa ka warbixiyay jaran jarooyinkii uu soo maray hirgalinta dhismahan cusub iyo  qalabka lagu furay madbacadan isaga oo sheegay in ay dhismaha ku baxday 8 millyan oo bir halka ay qalabka madbacada daabacaadana ku baxday 7 millyan oo bir taasi oo ay isku gayntaynteeda ku baxday aduun lacageed oo dhan 15 millyan oo bir islamarkaana shaqo abuur u samaysay muwaadiniin dhan 70 qof  wuxuuna sheegay maareeyuhu in ay madbacadan leedahay daabacaad casriya oo ay ka mid yihiin noocyad kala duwan ee buugaagta, funaanadaha, soo saarida warqadaha noocyadooda kala duwan iyo dhamaan waxa looga baahan yahay oo dhan daabacadaha taasi oo siwayn u daboolaysa baahidii dhinaca daabacaada ee wakhtiyada qaar loo tagijiray meelka baxsan caasimada DDSI ee jigjiga wuxuuna ugu danbayntii u mahad celiyay maareeyuhu xukuumada DDSI oo uu sheegay in ay tahay ta u suurta galisay hirgalinta dhismaha madbacada daabacaada somali print press.

 

 

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Furmay

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Isniin 3da July 2017.Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey tartankii   Ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan degmooyinka Gobolka qoraxey, Tartankan oo loogu talagalay in lagu xusho ciyaartoydii gobolka qoraxey uga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa maanta la daah furay.

Hadaba tartanka kubada cagta ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad, mas’uuliyiinta ugu saraysa gobolka qoraxey oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo  mas’uuliyiin kale. Waxaana ugu horayn tartankan ka hadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay inuu tartankan yahay mid loogu talagalay dhamaan degmooyinka gobolka qoraxey islamarkaana lagu xulanayo ciyaartoy kala duwan oo lagasoo xulay dhamaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay ciyaartoyda degmooyinka inay si anshax leh u ciyaaraan mudada uu tartanku socdo islamarkaana iska ilaaliyaan waxyaabaha qaska iyo muranka uu kamid yahay.

Ugu danbayna waxaa halkaas ka furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolka qoraxey oo lagu furay labada degmo eek ala ah degmada qabridahar iyo degmada dhoobawayn, Iyadoo kooxahan labada degmo isku mari waayay barbaro 2-2 ah. Ciyaartiina ku sidaa ku dhamaatay.

Tababar Iyo Soo Jeedin qorshe Oo Ku Saabsan Tacadiyada Dumarka Ayaa Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 4ta July 2017. Tababar ay kasoo qaybgaleen barayaal ka kala yimid 8 degmo oo deegaanka ah islamarkaana ay ujeedadiisu ahayd  kahortaga tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii looga hortagi lahaa guurka degdega ah iyo sidii loo hirgaliyay qorshihii lakala qaatay bilowgii sanadka ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI

Hadaba khabiirka genderka waaxda kormeerka iyo tayada waxbarashad marwo Ifraax Cali Xuseen ee xafiiska waxbarashada DDSI marwo Ifraax  oo ka hadahashay xidhiitaakii tababarkan ayaa sheegtay in ujeedada  tababarkan uu yahay mid lagaga hortagayo tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ardayda gabdhaha ah islamrakaana looga hortagi lahaa guurka degdega ah iyo waliba qorashyaashii lakala qaatay bilawgii sanada sidii loo hirgaliyay oo ay barayaashu soo jeediyeen. Waxayna kula dardaantahay inay sii wadaa dadaalka shaqo ee xooga lagu soorayo sida looga hortagi lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee ku dhaca gabdhaha ardayda ah kana hirgali yaan dugsiyada degmooyinka ay ka kala yimaadeen barayaashan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha ah oo sheegay inay soo jeediyeen qorshihii bilowga sanadii lakala qaatay islamarkaana ay natiijo wax ka ool ah ka keeneen la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah ee lagula kaco dumarka. Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay ooga hirgalin doonaan goobihii ay ka kala yimaadeen.


192 Xubnood Oo Xirfadlayaasha Caafimaadka-Xoolaha Iyo Beeraha Ah Ayaa Loo Furay Tababar

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 4ta July 2017. Xirfadlayaasha beeraha iyo caafimaadka xoolaha oo tiradoodu dhantahay 192 xubnood islamarkaana kakala yimid 16 degmo oo deegaanka ah ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga loogu bilaabay tababar kaasoo socon doona mudo 20 cisho ah.

Hadaba, tababarkan oo soo agaasimay mashruuca horumarinta reeguuraaga ee looyaqaano PCDP ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reerguuraaga marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo sheegtay in tababarkani yahay mid xirfadlayaasha lagu barayo casharo laxidhiidha xirfadooda islamarkaana ay muhiim tahay in ay sifiican uga faaiidaystaan tababarku intuusocda kadibna cilmigii ay barteen ay kadhaqan galiyaan goobihii iyo degmooyinkii kakala yimaadeen.

Sidookale, Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolodhaqatada ah Mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil  oo sheegay in tababarkani uu yahay mid kasocda dhamaan deegaanka oo dhan islamarkaana ujeedadiisu tahay in kor loogu qaado aqoonta xirfadlayaasha xoolaha iyo beeraha ee deegaanka. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan uu lasocdo qalab korloogu qaadayo awooda goobaha iyo xarumaha caafimaadka xoolaha iyo waliba xafiisyada iyo goobaha xirfadlayaasha beeraha.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan ayaa waxaa lasiinayaa xirfadlayaal kakala socda 16 degmo oo kakala tirsan 4 gobol oo deegaanka ah. Waxaana laga filayaa in wax wayn katari doono awooda fulineed ee xirfadlayaasha  

Shirwaynihii 5aad Ee Ururka Macalimiinta DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 5ta,July 2017. Waxaa hoolka shirarka ee kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajid Xuseen  lagu soo gabagabeeyay Shirwaynihii 5aad ee ururka macalimiinta DDSI iyadoo intii uu shirku socdayna lagu doortay hogaaminta cusuub ee ururka hogaamin doonta 4ta sano ee soosocota.

Shirwaynahan ururka macaliinta oo ah mid afartii sanoba halmar laqabto ayaa waxaa kasooqaybgalay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo waliba Madaxwaynaha ururka macalimiinta ee Dalkeenan Itoobiya  Mudane yohanes binti

Hadaba, shirkan waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in xukuumada dalka iyo ta deegaankeenaba ay qaadatay in kor looqaado tayada waxbarashada dalka islamarkaana lahelo macalimiin karti iyo aqoon hufan leh, maadaama oo waxbarashada tayada leh lagu heli karo macalimiin tayo leh. Oo iskuxidhan ahna macalimiin Horumarineed. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in xafiiska waxbarashada DDSI ay kago’antahay sugida xaquuqda macaliminta iyo kor uqaadida tayadooda aqoomeedba.

Sidookale,shirkan ayaa  Waxaa  lagu doortay 7 xubnood oo ah xubnaha hogaaminta 4 sano ee ururka macalimiinta waxaana laga sii dhaxdoortay gudoomiyaha ururka macalimiinta DDSI oo loodoortay mudane khadar yuusuf meesha gudoomiye kuxigeenkana loo doortay xaliimo ibraahim iyo waliba  xoghaya ururka oo loodoortay faysal ceelaabe.

Ugudanbayna,Waxaa halkaasi kahadlay gudoomiyaha cusub ee ururka macalimiinta DDSI mudane khadar Yuusuf oo ugu horayn kaqaybgalayaasha u mahadceliyay doorashada ay udoorteen gudoomiyaha ururka macalimiinta DDSI. Waxuuna xusay in ay ka go’antahay in uu kasoobaxo xilka iyo waajibaadka xilkan balaadhan  ee loodoortay.

 

 

 

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Xarumaha Caafimaad Ee Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 5ta July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha caafimaadka ee xarumaha caafimaadka deegaanka islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa adeega bixinta caafimaad ee health centerada deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta Iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil iyo maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntada marwo Faisa Xasan Ibraahim  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor uqaadaya garaadkiina xirfadeed islamarkaana waxbadan ka badali doona qaab shaqeedka xarumaha caafimaad ee deegaanka. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in mudada uu cashirku socdo la ilaaliyo saacada uu cashirku baxayo maadaama uu tababarku yahay mid muhiim ah. Islamarkaana bulshada loogu adeego si hagar la aan ah.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qar kamid kasoo qaybgalayaasha tababarka oo sheegay inuu tababarkan yahay mid muhiim u ah islamarkaana waxbadan ka badali doono qaab shaqeedkooda ku aadan dhanka adeegbixinta xarumaha caafimaad ee deegaanka, Iyagoo intaa ku daray inay waxay ka faaiidaan tababarkan ugu adeegi doonaan bulshada deegaanka.

Ciidanka Booliska DDSI Oo Deeq Lacageeed Oo Dhan 1,683,734. Birr Ku Wareejiyay Gudiga Abaaraha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 5ta July 2017. ciidanka booliska DDSI Ayaa deeq lacageed oo dhan 1,683,734. birr oo ay ka soo jareen mushaarkooda  uguna talagaleen in ay ku caawiyaan bulshada abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay gudiga abaaraha ee deegaanka.

waxaana deeqdan lacageed ku wareejiayay gudiga abaaraha komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir Barkhadle iyada oo uu ka la wareegay deeqdan lacageed gudoomiyaha gudiga abaaraha ee ganacsatada deegaanka  mudane Khadar Macalin Cali oo sheegay inay ciidanka booliska deegaanku uu aad mahadsanyahay islamarkaana ay markay amniga deegaanka meel saareen usoo gudbeen ka qaybqaadashada horumarka iyagoo bil mushaarkoodii ah iskasoo jaray kunasoo wareejiyay gudiga abaaraha. Wuxuuna intaa kudaray inay ciidanka booliska deegaanku ku dayasho mudanyahay.

Ugu danbayna waxaa goob joog ka ahaa goobta lagula kala wareegayay deeqdan lacageed mas’uuliyiinta xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI.

Shir Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Xarunta Gobolka Dhaawa Ee Leeyi

$
0
0

Leeyi(cakaaranews)Khamiis, 6da, July, 2017. Maamulka Gobolka Dhaawa oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Dhaawa mudane Maxamed Kaahin ayaa shir wada tashi ah layeeshay shaqaalaha iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan. Shirkaas oo lagaga wada arrinsanayay dhinacyada adeeg bixinta shaqaalaha, kaqaybgalka bulshada dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban.

Hadaba, shirkan oo kaqabsoomay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Dhaawa ee leeyi ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudomiyaha Gobolka Dhaawa mudane Maxamed Kaahin oo sheegay in shirkan lagaga wada hadlayo dhanka adeeg bixinta shaqaalaha,  kaqaybgalka bulshada ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba kamidho dhalinta qorshayaasha Kobaca iyo Isbadaka dhaqaalaha wajigiisa 2aad.  Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid lagu saxayo galdalooladii kajiray dhanka adeeg-bixinta ee sanad miisaaniyadeedkan 2009T.I islamarkaana maamulka iyo shaqaalauhu ay jihooyin horumarineed ku kalaqaadanayaan hirgalinta qorshayasha sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I.

Dhankiisa, Gudoomiyaha Degmada Mooyaale mudane Idiris Xasan oo isna shirkan kahadlay ayaa sheegay in cududa sahqaalahu ayyihiin tiirasha ugu muhiimsan ee horumarka islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in shaqaaluhu uu bixiyo adeeg hufan oo tayoleh.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii oo adreenkooda kahadlaya ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan dadaalada shaqo ee adeeg-bixintaislamarkaana ay balan-qaadayaan inay kaqaybqaataan horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee kasocda deegaanka.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>