Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 13ka, July 2017.Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo hay’ada Save the children oo taageero lacageed kahelaya Hay’ada USAID oo kaashanaysa mashruuca READ TA iyo Research Triangle Institute(RTI) ayaa tababarka tababarayaasha u qabtay qaar kamid ah macalimiinta deegaanka. kaasoo si habsami leh uga bilowday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, iyo waliba magaalada dhagaxbuur ee xarunta Gobolka jarar.
Tababarkan ayaa waxaa kasooqaybgalay macalimiin laga soo kalaxulay dhamaan degmooyinka gobolada deegaanka kuwaasoo tiradoodu dhantahay 350 macalin oo loogu talagalay inay qaaataan tababarka tababaranimo ee macalimiinta luuqada afka soomaaliga.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kawarbixiyay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkani uu kabilawday magaalada jigjiga iyo waliba magaalada dhagaxbuur islamarkaana macalimiinta kasooqaybgashay labada tababar ay dhanyihiin 350 macalin. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in magaalada dhagaxbuur ay tababarka kuqaadanayaan 170 macalin oo lagsoo kala xulay degmooyinka gobolada kala ah Jarar, Qoraxey, Shabeele, Afdheer, Doolo iyo Nogob meesha sidookalana ay magaalada jigjiga tababarka kuqaadanayaan macalimiinta laga soo kala xulay degmooyinka Gobolada Faafan, Siti, Dhaawa, liibaan iyo Erer. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay intababarkan ay iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, hay,ada Save The Childeren oo taageero lacageed kahelaya mashruuca READ TA iyo waliba Hay’ada USAID. Wuxuna tilmaamay wasiirku in ujeedada tababarkani yahay kor uqaadida barashada iyo nidaamka baris barasho ee luuqada afka hooyo ee dhamaan macalimiinta luuqada afka soomaaliga iyo ardayda dugsiyada ee fasalada 5aad ilaa 8aad.
Sidookale, Gadh-wadeenka Geedisocodka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in tababarkani yahay Training of Trainers (TOT) tababarka tababarayaasha macalimiinta luuqada afka hooyo ee fasalada 5aad ilaa 8aad, kaasoo dhamaan macaliinta afka soomaaliga ay sii tababari doonaan kadib markii ay macalimiintani qaataan tababarkan. Wuxuuna xusay in tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah kadibna loo diyaar garoobi doono tababaradii ay sii qabanlahaayeen tababarayaashu ee dhamaan gobolada deegaanka. wuxuuna kuladardaarmay macalimiinta in inta uu tababarku socdo ay casharada siffican uqataan wakhtiga iyo nidaamkana ilaaliyaan.
Ugudanbayna, macalimiintii kasooqaybgashay tababarkan tababaranimo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay sifiican uga faa'iidaysanayaan inta uu socdo tababarku. Waxayna tilmaameen inay casharada ay bartaan usii gudbinayaan macalimiintii kale ee loogu talagalay sida ugu wanaagsan.