Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Xukuumada DDSI Oo Hadhimo Sharafeed Usamaysay Waftigii Uu Hogaaminayay MW Jubaland.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 1da July 2017. Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabineega DDSI ayaa hadhima sharafeed usameeyay waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha dawlad goboleedka jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan .

Hadaba waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa bogaadin iyo mahadnaq usoo jeediyay sida quruxda badan ee ay mas’uuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabineega usoo dhaweeyeen laga bilaabo soo dhawayntii garoonka ee shalay ilaa hadhima sharafeeda maanta.


Tababar Loo Qabtay Xubno Kasocday 33 Degmo Oo Deegaanka Ah Oo Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad, 2da, July 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocday 33 degmo oo isugujira macalimiin iyo arday kuwaasoo lagu barayay casharo laxidhiidha kahortagida cudurka HIV-AIDS, ilaalinta nadaafada, iyo barnaamijka caafimaadka iyo nafaqaynta dugsiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ugu horayn kahadalay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in tababarkani uu kakoobanayahay 2 tababar oo kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo kaladuwan oo ay kamid yihiin barnaamijka caafimaadka iyo nafaqyanta dugsiyada,  ilaalinta nadaafada, kahortaga cudurka HIV-AIDS iyo waliba kohortagida guurka degdega ah islamarakaana ay kasooqaybgaleen 33 degmo kuwaasoo isugujira maaamulayaasha dugsiyada, xubno kamid ah ardayda dugsiyada iyo xubnaha  HIV-CLUBS ka.

Wuxuuna intaa kudaray in 25 dugsi oo ah dugsiyada quudinta leh oo kasooqaybgashay tababarkan loo qaybiyay qalab loogu talagalay wacyigalinta ardayda iyo waalidiinta kaasoo lagu magacaabo (Mini-Media) oo ah qalab muhiim ah oo wata microphonadii iyo sameecadihii codka, islamarkaana lagaga wacyigaliyo ardayda caadooyinka iyo dhaqamada xunxun.

Wasiir-kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kuladaradaamay dhamaan kaqaybgalayaasha 33 degmo in casharadii ay barteen sii gaadhsiiyaan bulshadii iyo goobihii ay kayimaadeen kana dhaqangaliyaan casharada ay barteen.

Dhanka kale, madax kooxeedka Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamed Yuusuf oo isna kahadalay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani yahay mid iskudhaf ah islamarkaana kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo muhiim ah oo laxidhiidha barnaamijka caafimaadka iyo nafaqaynta dugsiyada iyo waliba kahortagida caadooyinka/dhaqamada xunxun sida guurka degdega ah. Wuxuuna timaamay in qalabkan looqaybiyay dugsiyada quudinta leh ay ilaashadaan qalabkan sifiicana loogu qabto adeegii loogu talagalay.

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii kasooqaybgalay tababarkan oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin tababarkan islamarkaana cilmigii ay barteen ay kadhaqangalinayaan goobihii ay kayimaadeen qalabkan lasiiyayna ay ilaashanayaan.

Xuska 7aadka Adeega-shacabka Oo Si Heer Sare Ah looga Xusay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 2da, July 2017. Xuska sanadguurada 11aad ee 7aadka adeeg-bixinta ayaa maanta si meeqaam sare leh looga xusay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo munsaasabadana uu soo agaasimay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta golaha kabinetka deegaanka, agaasimayasha xafiisyada deegaanka iyo marti sharafkale.

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa khudbad muhiim ah kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo uguhorayn kahadlay marxaladihii kaladuwanaa ee uu soomaray deegaanku gaar ahaan dhanka cududa shaqaalaha deegaanka. wuxuun xusay wasiirku in cududa shaqaalaha ee deegaanku ay door muhiim ah kulee yihiin horumarka balaadhan ee deegaanka kahirgalaiy iyadoo sidookale ay doormuhiim ah kaqateen hirgalinta siyaasadaha shaqada iyo shaqalaha intaba. Wasiirka ayaa tilmaamay in laga bilaabo maanta ay lagama maarmaan tahay in cududa shaqaalaha deegaanku ay sii adkeeyaan adeegbixinta loohayo bulshada si loo xaqiijiyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala deegaanka ee uu ugu horeeyo qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad si deegaanku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Sidookale,Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar oo isna kahadlay munaasabadan ayaa sheegay in  cududa shaqaalaha deegaanku ay manta taagantahay meeshii ugu fiicnid islamarkaana fursad wayn ay u tahay shaqaalaha deeganka maadaama uu deegaanku hada kahor laha shaqaale noocan ah laakiin aan adeg hufan bulshada siinin islamarkaana ay hortaagnaayeen nabadgalyo xumo sida ururadii gabalkoodu dhacay ee UBB iyo Al-Itaxaad.

Sikastaba ha ahaatee, munaasabadan xuska 7aadka adeeg-bixinta oo ah mid heer qaran ah dhamaana laga xusay deegaanada dalka ayaa waxa halkudhag looga dhigay ''adeega shacabka oo anshax leh ayaan kuxaqiijinaynaa dib-ucurashadeena''.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Qoraxey oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Jaamacada Qaridahar

$
0
0

Qabridahar (Cakaaranews)Axad 2da July 2017. Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo uu wehelinayo gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo madaxwynaha Jaamacada Qabridahar mudane Dr Yuusuf ayaa kormeer shaqo ku tagay jaamacada qabridahar  oo dhismaheedii gabagabo marayo.

Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad ayaa sheegay inuu dhismihii jaamacada qaridahar uu gabagabo marayo islamarkaana ay sanadan kusoo xaroonayaan ardaydii dalka ee hashay jaamacadaha dalka kuwaasoo ka kala iman doona dhamaan deegaanada dalka, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay diyaar yihiin goobihii waxbarasho ee loogu talagalay inay wax ku bartaan dhamaan ardayda ay qaabisho jaamacadu.  

MW Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Madbacada Cusub Ee Somali Print Press.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 2da July, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray dhismaha cusub ee madbacada daabacaada soomali print press oo uu dhismaheeda  hirgaliyay muwaadin u dhashay DDSI.

Waxaana xafladii xadhig ka jarka ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri iyo marta sharaf kale.

Waxaana madbacadan siwada jir ah xadhiga uga jaray  madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo ku simaha maayirka MM jigjiga  ahna maareeyaha MM jigjiga mudane fadxi shugri . kuwaasi oo xadhig ka jarkii ka dib soo kormeen  qaybaha kala duwan ee dhismaha madbacadan cusub  iyo noocyada ay daabacayso.

Waxaana intaasi ka dib la hadlay warbaahinta deegaanka ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha magaalada jigjiga mudane fadxi  shugri oo sheegay in caasimada DDSI ee jigjiga ay maalinba maalinta ka danbaysa si xawliya u koraysa bilicda iyo maalgashiga muga leh ee ay ka hirgalinayaa magaalada muwaadiniinta u dhashay DDSI ka dib markii ay xukuumada DDSI dajisay istaraatajiyada iyo qorshayaal cilmiyaysan oo muwaadiniinta u fududaynaya in ay ku dhibyar ku maalgashadaan deegaanka gaar ahaan caasimada Jigjiga , masuulka ayaa intaasi ku daray ahmiyada ay leedahay u leedahay adeegyada jijiga madbacadan maanta xadhiga laga jaray islamarkaana u mahad naqay mulkiilaha hirgaliyay dhismahan madbacadan cusub.

dhankiisa maareeyaha guud ee madbacada Somali print press mudane Tewodros Addisu ayaa ka warbixiyay jaran jarooyinkii uu soo maray hirgalinta dhismahan cusub iyo  qalabka lagu furay madbacadan isaga oo sheegay in ay dhismaha ku baxday 8 millyan oo bir halka ay qalabka madbacada daabacaadana ku baxday 7 millyan oo bir taasi oo ay isku gayntaynteeda ku baxday aduun lacageed oo dhan 15 millyan oo bir islamarkaana shaqo abuur u samaysay muwaadiniin dhan 70 qof  wuxuuna sheegay maareeyuhu in ay madbacadan leedahay daabacaad casriya oo ay ka mid yihiin noocyad kala duwan ee buugaagta, funaanadaha, soo saarida warqadaha noocyadooda kala duwan iyo dhamaan waxa looga baahan yahay oo dhan daabacadaha taasi oo siwayn u daboolaysa baahidii dhinaca daabacaada ee wakhtiyada qaar loo tagijiray meelka baxsan caasimada DDSI ee jigjiga wuxuuna ugu danbayntii u mahad celiyay maareeyuhu xukuumada DDSI oo uu sheegay in ay tahay ta u suurta galisay hirgalinta dhismaha madbacada daabacaada somali print press.

 

 

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Furmay

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Isniin 3da July 2017.Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey tartankii   Ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan degmooyinka Gobolka qoraxey, Tartankan oo loogu talagalay in lagu xusho ciyaartoydii gobolka qoraxey uga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa maanta la daah furay.

Hadaba tartanka kubada cagta ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad, mas’uuliyiinta ugu saraysa gobolka qoraxey oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo  mas’uuliyiin kale. Waxaana ugu horayn tartankan ka hadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay inuu tartankan yahay mid loogu talagalay dhamaan degmooyinka gobolka qoraxey islamarkaana lagu xulanayo ciyaartoy kala duwan oo lagasoo xulay dhamaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay ciyaartoyda degmooyinka inay si anshax leh u ciyaaraan mudada uu tartanku socdo islamarkaana iska ilaaliyaan waxyaabaha qaska iyo muranka uu kamid yahay.

Ugu danbayna waxaa halkaas ka furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolka qoraxey oo lagu furay labada degmo eek ala ah degmada qabridahar iyo degmada dhoobawayn, Iyadoo kooxahan labada degmo isku mari waayay barbaro 2-2 ah. Ciyaartiina ku sidaa ku dhamaatay.

Tababar Iyo Soo Jeedin qorshe Oo Ku Saabsan Tacadiyada Dumarka Ayaa Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 4ta July 2017. Tababar ay kasoo qaybgaleen barayaal ka kala yimid 8 degmo oo deegaanka ah islamarkaana ay ujeedadiisu ahayd  kahortaga tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii looga hortagi lahaa guurka degdega ah iyo sidii loo hirgaliyay qorshihii lakala qaatay bilowgii sanadka ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI

Hadaba khabiirka genderka waaxda kormeerka iyo tayada waxbarashad marwo Ifraax Cali Xuseen ee xafiiska waxbarashada DDSI marwo Ifraax  oo ka hadahashay xidhiitaakii tababarkan ayaa sheegtay in ujeedada  tababarkan uu yahay mid lagaga hortagayo tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ardayda gabdhaha ah islamrakaana looga hortagi lahaa guurka degdega ah iyo waliba qorashyaashii lakala qaatay bilawgii sanada sidii loo hirgaliyay oo ay barayaashu soo jeediyeen. Waxayna kula dardaantahay inay sii wadaa dadaalka shaqo ee xooga lagu soorayo sida looga hortagi lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee ku dhaca gabdhaha ardayda ah kana hirgali yaan dugsiyada degmooyinka ay ka kala yimaadeen barayaashan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha ah oo sheegay inay soo jeediyeen qorshihii bilowga sanadii lakala qaatay islamarkaana ay natiijo wax ka ool ah ka keeneen la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah ee lagula kaco dumarka. Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay ooga hirgalin doonaan goobihii ay ka kala yimaadeen.

192 Xubnood Oo Xirfadlayaasha Caafimaadka-Xoolaha Iyo Beeraha Ah Ayaa Loo Furay Tababar

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 4ta July 2017. Xirfadlayaasha beeraha iyo caafimaadka xoolaha oo tiradoodu dhantahay 192 xubnood islamarkaana kakala yimid 16 degmo oo deegaanka ah ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga loogu bilaabay tababar kaasoo socon doona mudo 20 cisho ah.

Hadaba, tababarkan oo soo agaasimay mashruuca horumarinta reeguuraaga ee looyaqaano PCDP ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reerguuraaga marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo sheegtay in tababarkani yahay mid xirfadlayaasha lagu barayo casharo laxidhiidha xirfadooda islamarkaana ay muhiim tahay in ay sifiican uga faaiidaystaan tababarku intuusocda kadibna cilmigii ay barteen ay kadhaqan galiyaan goobihii iyo degmooyinkii kakala yimaadeen.

Sidookale, Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolodhaqatada ah Mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil  oo sheegay in tababarkani uu yahay mid kasocda dhamaan deegaanka oo dhan islamarkaana ujeedadiisu tahay in kor loogu qaado aqoonta xirfadlayaasha xoolaha iyo beeraha ee deegaanka. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan uu lasocdo qalab korloogu qaadayo awooda goobaha iyo xarumaha caafimaadka xoolaha iyo waliba xafiisyada iyo goobaha xirfadlayaasha beeraha.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan ayaa waxaa lasiinayaa xirfadlayaal kakala socda 16 degmo oo kakala tirsan 4 gobol oo deegaanka ah. Waxaana laga filayaa in wax wayn katari doono awooda fulineed ee xirfadlayaasha  


Shirwaynihii 5aad Ee Ururka Macalimiinta DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 5ta,July 2017. Waxaa hoolka shirarka ee kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajid Xuseen  lagu soo gabagabeeyay Shirwaynihii 5aad ee ururka macalimiinta DDSI iyadoo intii uu shirku socdayna lagu doortay hogaaminta cusuub ee ururka hogaamin doonta 4ta sano ee soosocota.

Shirwaynahan ururka macaliinta oo ah mid afartii sanoba halmar laqabto ayaa waxaa kasooqaybgalay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo waliba Madaxwaynaha ururka macalimiinta ee Dalkeenan Itoobiya  Mudane yohanes binti

Hadaba, shirkan waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in xukuumada dalka iyo ta deegaankeenaba ay qaadatay in kor looqaado tayada waxbarashada dalka islamarkaana lahelo macalimiin karti iyo aqoon hufan leh, maadaama oo waxbarashada tayada leh lagu heli karo macalimiin tayo leh. Oo iskuxidhan ahna macalimiin Horumarineed. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in xafiiska waxbarashada DDSI ay kago’antahay sugida xaquuqda macaliminta iyo kor uqaadida tayadooda aqoomeedba.

Sidookale,shirkan ayaa  Waxaa  lagu doortay 7 xubnood oo ah xubnaha hogaaminta 4 sano ee ururka macalimiinta waxaana laga sii dhaxdoortay gudoomiyaha ururka macalimiinta DDSI oo loodoortay mudane khadar yuusuf meesha gudoomiye kuxigeenkana loo doortay xaliimo ibraahim iyo waliba  xoghaya ururka oo loodoortay faysal ceelaabe.

Ugudanbayna,Waxaa halkaasi kahadlay gudoomiyaha cusub ee ururka macalimiinta DDSI mudane khadar Yuusuf oo ugu horayn kaqaybgalayaasha u mahadceliyay doorashada ay udoorteen gudoomiyaha ururka macalimiinta DDSI. Waxuuna xusay in ay ka go’antahay in uu kasoobaxo xilka iyo waajibaadka xilkan balaadhan  ee loodoortay.

 

 

 

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Xarumaha Caafimaad Ee Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 5ta July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha caafimaadka ee xarumaha caafimaadka deegaanka islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa adeega bixinta caafimaad ee health centerada deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta Iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil iyo maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntada marwo Faisa Xasan Ibraahim  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor uqaadaya garaadkiina xirfadeed islamarkaana waxbadan ka badali doona qaab shaqeedka xarumaha caafimaad ee deegaanka. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in mudada uu cashirku socdo la ilaaliyo saacada uu cashirku baxayo maadaama uu tababarku yahay mid muhiim ah. Islamarkaana bulshada loogu adeego si hagar la aan ah.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qar kamid kasoo qaybgalayaasha tababarka oo sheegay inuu tababarkan yahay mid muhiim u ah islamarkaana waxbadan ka badali doono qaab shaqeedkooda ku aadan dhanka adeegbixinta xarumaha caafimaad ee deegaanka, Iyagoo intaa ku daray inay waxay ka faaiidaan tababarkan ugu adeegi doonaan bulshada deegaanka.

Ciidanka Booliska DDSI Oo Deeq Lacageeed Oo Dhan 1,683,734. Birr Ku Wareejiyay Gudiga Abaaraha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 5ta July 2017. ciidanka booliska DDSI Ayaa deeq lacageed oo dhan 1,683,734. birr oo ay ka soo jareen mushaarkooda  uguna talagaleen in ay ku caawiyaan bulshada abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay gudiga abaaraha ee deegaanka.

waxaana deeqdan lacageed ku wareejiayay gudiga abaaraha komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir Barkhadle iyada oo uu ka la wareegay deeqdan lacageed gudoomiyaha gudiga abaaraha ee ganacsatada deegaanka  mudane Khadar Macalin Cali oo sheegay inay ciidanka booliska deegaanku uu aad mahadsanyahay islamarkaana ay markay amniga deegaanka meel saareen usoo gudbeen ka qaybqaadashada horumarka iyagoo bil mushaarkoodii ah iskasoo jaray kunasoo wareejiyay gudiga abaaraha. Wuxuuna intaa kudaray inay ciidanka booliska deegaanku ku dayasho mudanyahay.

Ugu danbayna waxaa goob joog ka ahaa goobta lagula kala wareegayay deeqdan lacageed mas’uuliyiinta xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI.

Shir Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Xarunta Gobolka Dhaawa Ee Leeyi

$
0
0

Leeyi(cakaaranews)Khamiis, 6da, July, 2017. Maamulka Gobolka Dhaawa oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Dhaawa mudane Maxamed Kaahin ayaa shir wada tashi ah layeeshay shaqaalaha iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan. Shirkaas oo lagaga wada arrinsanayay dhinacyada adeeg bixinta shaqaalaha, kaqaybgalka bulshada dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban.

Hadaba, shirkan oo kaqabsoomay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Dhaawa ee leeyi ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudomiyaha Gobolka Dhaawa mudane Maxamed Kaahin oo sheegay in shirkan lagaga wada hadlayo dhanka adeeg bixinta shaqaalaha,  kaqaybgalka bulshada ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba kamidho dhalinta qorshayaasha Kobaca iyo Isbadaka dhaqaalaha wajigiisa 2aad.  Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid lagu saxayo galdalooladii kajiray dhanka adeeg-bixinta ee sanad miisaaniyadeedkan 2009T.I islamarkaana maamulka iyo shaqaalauhu ay jihooyin horumarineed ku kalaqaadanayaan hirgalinta qorshayasha sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I.

Dhankiisa, Gudoomiyaha Degmada Mooyaale mudane Idiris Xasan oo isna shirkan kahadlay ayaa sheegay in cududa sahqaalahu ayyihiin tiirasha ugu muhiimsan ee horumarka islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in shaqaaluhu uu bixiyo adeeg hufan oo tayoleh.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii oo adreenkooda kahadlaya ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan dadaalada shaqo ee adeeg-bixintaislamarkaana ay balan-qaadayaan inay kaqaybqaataan horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee kasocda deegaanka.

Safiirka DalkaTurkiga u fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagusoo Dhaweeyay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 7da July 2017. Waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal si meeqaam sare leh lagusoo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya mudane Fatih ulusoy, Waxaana garoonka caalamiga ah ee garaad wiil kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, iyo mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah.

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Qoraxey Iyo Doolo

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Jumce 7da July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee gobolada qoraxey iyo doolo islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo maamulkeeda ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba khabiirka fuliyaha kormeerka tayada waxbarashada Maxamed Rashiid oo kamid ah kooxda haysay tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidii shaqaalahan cuntada ee ka hawlgala schoolada quudinta leh ee gobolada qoraxey iyo doolo fahan buuxa looga siin lahaa qaabka loo maamulo cunta karinta dugsiyada quudinta leh. Wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale labarayo sidii fayadhowrka cuntada guud ahaan loo hagaajin lahaa looguna Karin lahaa nidaam caafimaad qab leh. Wuxuuna khabiirku kula dardaarmay tababar qaatayaasha in ay tababarkan ka dhaqan galiyaan dhamaan schoolada ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobaha ay kala yimaadeen.

MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga U Fadhiya Dalkeena Itoobiya.

$
0
0

Jigjiga(Cakaarnews) Jumce 7da July 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay waftigii uu hogaaminayay safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya mudane fatih ulusoy oo isla maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo safiirka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qorshayaal lagu sii joojinayo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac gaar ahaan arimaha horumarka aas aasiga ah ee ay ka mid yihiin  beeraha, waraabka iyo biyaha.Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray inay soo dhawaynayaan cid walba oo ka caawinaysa horumarka deegaanka gaar ahaa dhanka waxsoo saarka beeraha.

Dhankiisa safiirka turkiga ufadhiya dalkeena itoobiya ayaa hadiyad gudoonsiiyay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. Intaasi ka dib waxay waftigan uu hogaaminayo safiirka turkiya u fadhiya dalkeena itoobiya booqdeen qaar kamid ah mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka oo ay ka mid yihiin cusbitaalka wayn males Zenewi referral ee magaalad jigjiga, mashruuca wayn biyo galinta dhurwaale, qabribayax iyo kaaha.

Ugu danbayna  waxay waftigan uu hogaaminayo safiirka dalka turkiga u fadhiya dalkeena itoobiya ay kulan la yeesheen gudiga ganacsadata DDSI oo ay ka wada hadleen nidaamka geedi socodka ganacsiga deegaanka iyagoo halkaas iskula qaatay inay wada shaqayn doonaan.


Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Wadayaasha Gaadiidka Oo ka furmay jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 7da July, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga, gaadiidka  iyo warshadaha DDSI  oo loo qaybtay xubnaha geedi socodka xaqiijinta kartida wadaha ee xafiiska gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI  ayaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga

Tababarkaasi ayaa  waxay  ujeedadiisu tahay  sidii xubanahan fahan buuxa looga siin lahaa hanaanka iyo tubaha loo maareeyo imtixaanka laga qaadayo wadayaasha gaadiidka, maaraynta soo saarida dirawaliin xirfadoodu sarayso oo tayadooda la xaqiijiyay  iyo sidii  loo yareeyo shilalka loona xaqiijiyo bad-baadada jidadka

Haddaba, waxaa furitaankii  tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan ayaa  sheegay in uu  yahay mid ku salaysan nidaamka maaraynta imtixaanaadka wadayaasha gaadiidka iyo nidaamka maaraynta dirawalnimda  taasi oo suurta galinaysa sidii adeeg hufan loo siin-lahaa macaamiisha iyo xirfadlayaasha dirawaliinta ka soo baxaya kuliyada kala duwan ee deegaanka ee  doonaya in ay qaataan aqoonsiga dirawalnimada wasiir ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in sidoo kale tababarkan lagu xoojinayo nidaamka casriga ah ee  kaydinta xogaha wadayaasha gaadiidka  taasi oo ah mid kor u qaadaysa awooda fulineed ee shaqaalaha bixinaya adeega wasiir ku xigeenka ayaa kula dar-daarmay xubnahan loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysaan casirada lagu baranayo mudada uu socdo tababarkani si loo gaadho ujeedooyinka laga leeyahay.

Tababarkan ayaa socondoona muddo 10 maalmood ah taasi oo fahan buuxa lagaga siindoona xubnahan hanaanka xaqiijinta iyo maaraynta imtixaanada laga qaado dirawaliinta, nidaamka maaraynta xogaha casriga ah iyo waliba nidaamka adeeg bixinta ee loo soo saaro sharciga dirawaliinta.

 

 

Ogaysiis Muhiim Ah Xubnaha Golaha Xildhibaanada DDSI,

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Sabti,  8daJuly,  2017 waxaa  dhamaan xubnaha golaha  xildhibaanada DDSI la ogaysiinayaa in ay iska soo diwaan galiyaan xafiiska golaha xildhibaanad DDSI laga  bilaabo maanta oo ah sabti taariikhduna tahay 1da Hamle 2009TI.

Haddaba, waxaa xubnaha golaha xildhibaanada lala socodsiinayaa in kalfadhiigii 5aad ee golaha xildhibaanada DDSI furmayo 3da bisha Hamle 2009TI sidaasi awgeed waxaa  lagu wargalinayaa xubnaha xildhibaanada DDSI in ay iska  diwaangaliyaan xafiiska golaha xildhibaanada DDSI.   

 

 

Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayay Hirgalinta Qorshaha Sanadka 2010TI Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), sabti, 8da July, 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay meelmarinta iyo hirgalinta qorshaha sanad miisaaniyeedka 2010TI. kulankaasi oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka  soo qaybgalay hogaaminta maamulada degmooyinka, gobolada iyo maamul magaalooyinka DDSI.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii looga wada hadli lahaa meelmarinta jihooyinka qorshaha sanad miisaaniyeedka cusub ee 2010TI madaxwaynaha ayaa sharax dheerka bixiyay jihooyinka sanadkan xooga la saarayo taasi oo ay ka mid tahay dhinaca wax soo saarba beeraha, dhaqashada xoolaha iyo dhinaca biyaha islamarkaana loo baahan yahay in sanadkan dhamaadkiisa la arko ka  midho dhalinta qorshayaasha  hadda la guda galayo fulintooda.

Dhankooda hogaaminta maamulada degmooyinka, gobolada, iyo maamul magaalooyinka DDSI oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ay sidii loogu talagalay u meelmarinayaan fulinta iyo hirgalinta qorshayaashan sanad miisaaniyeedka  cusub ee 2010TI.

Degmada Shaykoosh Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolka Qoraxey

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Sabti 8da July 2017. Waxaa xarunta gobolka qoraxey ee Magaalada Qabridahar lagu soo gabagabeeyay Tartankii kubada cagta ee usocday dhamaan degmooyinka uu kakoobanyahay Gobolka qoraxey. Kaasoo maalmihii u danbeeyay kascoday.

Hadaba tartankan kubada cagta ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa waxaa ku guulaystay degmada shaykoosh dhibco dhan 7 dhibcood iyo 8 gool islamarkaana koobkii kubada cagta ee gobolka kuqaaday, halka kaalinta 2aad ay gashay degmada marsin kaalinta 3aadna ay gashay degmada shilaabo.

dhankakale, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo kawarbixiyay taratankan ayaa sheegay in tartankan kubada cagta ay ku tartamayeen  degmooyinka gobolka qoraxay. Wuxuuna xusay in ciyaaruhu si nabadgalya ah oo ciyaar wanaag leh ku soo dhamaadeen maanta guushuna ay kuraacday degmada shaykoosh.

iskusoo wada duuboo, taratankan ayaa ahaa mid gobolku uu kusoo xushay ciyaartawgii uga qaybgali lahaa tartanka heer deegaan ee ay kutartamidoonaan gobolada deegaanka soomaalida itoobiya ee kadhici doona xarunta deegaanka e magalada jigjiga.

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 9ka July 2017. Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee  gobolada faafan  islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo fayadhowrka loona ilaalin lahaa nadaafada dugsiyad  ayaa ka lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, agaasinka waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali iyo qaar kaimd ah shaqaalaha waaxda Kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada waxaana ugu horayn ka hadlay tababarkan Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad Oo Sheegay in tababarka ujeedadiisu yahay sidii loo ilaalin lahaa nadaafada cunto iyo mida fayadhawr ee dugsiyada maadaama nadaafadu tahay mid muhiim ah islamarkaana ka hortagayso xanuuno badan.. Sidoo kale wuxuu wasiiku kukla dardaarmay tababar qaatayaasha inay tababarka faaiidadiisa ka dhaqangaliyaan dugsiyada aya kala yimaadeen.

Sikastaba ha ahaatee xafiiska waxbarashada DDSI ayaa wada dadaalo uu kor oogu qaadayo tayada waxbarashada ee deegaanka iyadoo waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI sidii loogu talagalay ufilyaan waxqabadka loo idmay inay qaybtaan islamarkaana ay doonayaan inay ka midha dhaliyaan dadaalka uu xafiisku rabo inuu sii xoojiyo tayada waxbarashada ee deegaanka.

ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobihii ay kala yimaadeen.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>