Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kabineetka MM Godey Oo Loo soo jeediyay Barnaamijka Ciidanka Horumarka Caafimaadka

$
0
0

Godey(cakaaranews)khamiis 16ka February 2017.  Shir ay isugu yimaadeen xubnaha kabineega Maamulka magaalada Goday islamarkaana lagu soo jeedinayay dhismaha barnaamijka ciidanka horumarinta caafimaadka si fahan midaysan looga yeesho barnaamijka ayaa si habsamileh uga qabsoomay Xafiiska Maayorka Maamulka Magaalada Godey.

Hadaba,shirkan ayaa waxaa ugu horayntii furay maayorka maamulka magaalada godey mudane Caabdisamad Aadan Cusmaan oo ugu sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay soo jeedinta iyo dhagaysiga barnaamijka ciidanka horumarinta caafimaadka. Wuxuuna intaa kudaray in xubnaha kabineetku ay ka talo bixinayaan barnaamika islamarkaana laga doodi doono tubtii loohirgalinlahaa. Kadibna maayorka ayaa kusoo dhaweeyay Iskuduwaha Waaxda Fidinta Caafimaadka iyo Wacyigalinta DDSI mudane Cabdi Faarax oo si qoto dheer u soo jeediyay isagoo kahadlay ueedooyinka laga leeyahay hirgalinta barnaamijkan iyo faa’iidooyinka  uu u leeyahay bulshada deegaanka gaar ahaan  m.m godey.

Kadib Soojeedintii iskuduwuhu soo jeediyay barnaamijka ayaa xubnaha kabineetku ka talobixiyeen islamarkaana gurigu islaqaatay jihooyinkii loo hirgalin lahaa iyadoo halkaas lagu dhisay gudiga hagida guud ee barnaamijka ee heer magaalo, xilka iyo waajibaadkiisuna noqon doono mid si joogta ah uqiimeeya xaalada iyo geedisocodka labadii 7aadba halmar.

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi kudheehantahay.


Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolka Af dheer

$
0
0

Jarati(Cakaaranews) Khamiis 16ka February 2017. Tababar Kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka-soomaaliga islamarkaana ay soo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI loona hayay macalimiinta luuqada afka- hooyo ee dhamaan degmooyinka hoosyimaada  gobolka af dheer ayaa ka qabsoomay degmada jaraji ee gobolka af dheer.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay iskuduwaha kooxda tababarka bixinaysa ahna khabiir katirsan xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamed Cumar oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka hooyo. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay casharada bixinayaan macalimiin u xeel dheer barashada luuqada afka hooyo islamarkaana tababaro sare u soo qaatay.

Sidoookale, iskuduwaha kooxda oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in tababarkani uu socon doono mudo 10 maalmood ah islamarkaana markuu dhamaado faaiido balaadhan u yeelan doona macalimiinta iyo ardaydaba iyagoo fahan buuxa oo dhanka luuqada ah ka heli doona tababarkan. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah macalimiintii tababarka qaadanayay oo sheegay inay inuu tababarkan mid muhiim ah uyahay islamarkaana fahanka ay ka helaan tababarkan ay ugasii faaiidayn doonaan ardayda ay macalimiinta uyihiin.

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Barnaamijka Public Work Ee Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 17ka February 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI waaxdiisa khayraadka dabiiciga oo ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha waaxda ee heer deegaan iyo iyo kuwa barnaamijka ee heer degmo iyo xafiisyada bahwadaagta la ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay agaasinka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Khadar Carab Hirad oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay isku xidhka ama kor uqaadida awooda fulineed ee gudiga farsamada ee xooga dadwaynaha (Public work technical comity) ee heer deegaan iyo heer degmo, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in mudad cashirku socdo laga faaiidaysto maadaama la danooyo inaad kusii shaqaysaan miskaxda ku haysaan ugana sii faaiidaysaan shaqaalaha kale kusagan deegaanka iyo degmooyinkaba.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay iskuxidhaha xafiiska iyo barnaamijka public work mudane Cabdirixiin Maxamed Shugri oo sheegay in shaqaalahan loo hayo tababarka ay yihiin qaar kamid ah shaqaalaha heer deegaan ee xafiiska, Xafiisyada bahwadaagta la ah xafiisaka iyo shaqaalaha barnaamijka PSNP ee ka howlgala degmooyinka, Isagoo iskuxidhihu xusay inuu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana socon doona mudo sexed cisho ah loona baahan yahay in looga faaiidaysto sidii loogu talagalay.

MM Godey Iyo Shir Kusaabsan Dhisida Ciidanka Horumarka Caafimaadka

$
0
0

Godey (cakaaranews)Jumce 17ka February 2017. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka magaalada godey, dhamaan maamulka xaafadaha magaalada godey, maamulka xaafad hoosaadyada, iyo waliba qaarkamid ah shacabka magaalada islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa hirgalinta barnaamijka ciidanka horumarka caafimaadka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee mm godey.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa kahadlay Iskuduwaha waaxda fidinta caafimaadka iyo wacyigalinta ee Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Cabdi Faarax oo ugu horayn u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiinta magaalada godey iyo waliba masuuliyiinta xaafadaha godey sida wanaagsan ee shirka loo soo abaabulay islamarkaana looga soo qaybgalay. Wuxuuna iskuduwuhu si wayn u tibaaxay faaiidooyinka ay leedahay in la hirgalinyo ciidanka horumarka caafimaadka. Isagoo kahadlay ujeedooyinka loogu baahday barnaamijkan iyo doorka balaadhan uu kuleeyahay caafimaadka bulshada ku dhaqan maamulka magaalada godey.

Sidookale, Madaxa Xafiiska Caafimaadka Maamulka Magaalada Godey mudane Xuseen Cali Warfaa oo dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka maamulka magaalada godey uu dadaal balaadhan oo aan kalago lahayn ugu jiro hirgalinta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha uyaala xafiiska islamarkaana uu door balaadhan kuleeyahay hirgalinta barnaamijkan sifiicana uu doorkiisa uga qaadan doono isagoo maamulka xaafadaha kacodsaday in iayaguna doorkooda ay kaqaataan hirgalinta barnaamijkan.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan ayaa waxaa lagu dhisay gudi hoosaadyada ciidanka horumarka caafimaadka ee heer xaafadeed oo laga dhisay 10 ka xaafadood ee maamulka magaalada godey. Iydoo laislaqaatay in siwada jir ah loogu sii dhaadhiciyo ilaa heer qoys.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanayihiin islamarkaana ay qayblibaax kaqaadanayaan hirgalinta barnaamijkan iyagoo sifiican ula shaqayn doona gudiyada hagida barnaamijka.

Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolka Liibaan

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Sabti 18ka February 2017. Tababar Kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka-soomaaliga islamarkaana ay soo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI loona hayay macalimiinta luuqada afka- hooyo ee dhamaan degmooyinka hoosyimaada  gobolka liibaan ayaa ka qabsoomay degmada Filtu  ee xarunta gobolka liibaan.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay iskuduwaha kooxda tababarka bixinaysa ahna khabiir katirsan xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xaashi Macalin Cabdulaahi   oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka hooyo. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay casharada bixinayaan macalimiin u xeel dheer barashada luuqada afka hooyo islamarkaana tababaro sare u soo qaatay.

Sidoookale, iskuduwaha kooxda oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in tababarkani uu socday mudo 8 maalmood ah islamarkaana uu gababo marayo, Iyadoo markuu tababarku dhamaado faaiido balaadhan u yeelan doona macalimiinta iyo ardaydaba iyagoo fahan buuxa oo dhanka luuqada ah ka heli doona tababarkan. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah macalimiintii tababarka qaadanayay oo sheegay inay inuu tababarkan mid muhiim ah uyahay islamarkaana fahanka ay ka helaan tababarkan ay ugasii faaiidayn doonaan ardayda ay macalimiinta uyihiin.

Wasiirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI Oo Ka Warbixiyay Dadaalka loogu Jiro Wax Ka Qabadka Xaaladaha abaaraha.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Sabti, 18ka February, 2017.  Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay shabakada wararka ee caraanaNews ayaa ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI ugu jirto sidii bulshada DDSI ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen looga samata bixin lahaa xaaladaha   abaaraha ee ay keentay cimilada isbadashay.

Wasiirka yaa sheegay in degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee DDSI ay xukuumada DDSI ka samaysay 53 goobood  oo lagu quudiyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen. Waxaana xusid mudan ayuu yidhi wasiirku in goobahaasi laga wado quudinta maalin kasta xoolo aad u tiro badan oo ay soo iibisay xukuumada DDSI lagu qalo oo bulshada ay abaaruhu saameeyeen looga dhigo cunto iyada oo ay deeqaha kale oo dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen la  gaadhsiiyo ay garab socdaan. wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay xukuumada DDSI qorshe ahaan  u qaadatay  in aanu qofna u dhiman xaalada abaaraha isla markaana la bad-baadiyo duunyada u dhimanaysa xaaladaha baaraha ee ay keentay cimilada isbadashay.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa aad ugu mahad celiyay qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI  sida ganacsatada, shirkadaha iyo iskaashatooyinka DDSI sida ay uga  qayb-qaadanayaan deeqaha la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

 

 

Tababar Loo Hayay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolada Faafan,Jarar, Siti Iyo Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 19ka February 2017. Tababar Kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka-soomaaliga islamarkaana ay soo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI loona hayay macalimiinta luuqada afka- hooyo ee dhamaan degmooyinka hoosyimaada  gobolada, Faafan, Jarar, Siti, iyo Erer  ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay agaasinka horumarinta macalimiinta iyo hogaaminta waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkani ahaa mid lagu kobcinayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka hooyo ee gobolada Faafan, Jarar, Siti Iyo Erer oo socday mudo 10 cisho, Isagoo  agaasinku intaa kudaray in tababarkan ay casharada bixinayeen macalimiin u xeel dheer barashada luuqada afka hooyo islamarkaana tababaro sare u soo qaatay.

Sidoookale, agaasinka ayaa kula dardaarmay  in barayaasha qaatay tababarkan looga baahan yahay inay ugasii faaiideeyaan ardayda ay macalimiinta u yihiin isalmarkaana fahan buuxa kasiiyaan ardayda si loo soo saaro arday tayo leh .

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah macalimiintii tababarka qaatay oo sheegay inay  tababarkan waxbadan ka faaiideen  islamarkaana fahanka ay ka helaan tababarkan ay ugasii faaiidayn doonaan ardayda ay macalimiinta uyihiin. Sikastaba ha ahaatee tababarkan oo mudo 10 cisha ah ka socday goobo kamid ah gobolada deegaanka ayaa soo gabagaboobey isagoo waxbadan ka badali doona garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka-hooyo.

 

 

 

 

Xarumo Caafimaad Oo Xadhiga Laga Jaray.

$
0
0

Gurdumi(cakaaranews) Isniin, 20ka February, 2017. Masuuliyiin isugu jira heer deegaan heer, gobol iyo heer degmo oo ay ka mid yihiin Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan  ayaa xadhiga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay tuulooyinka abakor iyo gurdumi oo ka tirsan degmooyinka Awaare iyo Daroor oo ka mid ah degmooyinka gobolka jarar.

Xarumahan caafimaadka ayaa  waxaa hirgaliyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya hay’adaha ay bahwadaagta yihiin waxaana xadhig ka jarkii ka dib la hadlay bulshada ka faa’iidaysanaysa xarumahan caafimaadka wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii shacabka DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh. Wuxuuna ka warbixiyay wasiirku amhiyada ay u leeyihiin bulshada xarumahan caafimaadka ee xadhiga laga jaray oo ah  kuwa loo dhisay nidaam casriya lana dhigay qalab casriya. Isaga oo ku booriyay bulshada in ay ka faa’iidaysaan adeegyada caafimaad ee ay bixinayan xarumahan islamarkaana ilaal-shadan daryeelka xarumahan caafimaadka.

Dhankiisa gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo faa’iidooyinka  ay bulshada u leeyihiin  xarumahan caafimaadka ee laga hirgaliyay qaarka mid ah degmooyinka gobolka jarar wuxuuna intaasi ku daray in ay xarumahan caafimadku qayb ka yihiin dadaalada  ay xukuumada DDSI kor ugu qaadayso adeegyada caafimaadka.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi laga hirgaliyay xarumaha cafimaadka ayaa siwayn ugu mahad celiyay xukuumada DDSI ee u hirgalisay xarumaha caafimaad kuwaasi oo sheegay in ay xarumahan caafimaadka ee xadhiga laga jaray  daboolayaan baahidii ahayd helitaanka adeegyo caafimaad oo tayaysan. Waxayna sheegeen in ay sifiican uga faa’iidaysanayaan adeegyada ay bixinayaan xarumaha caafimaadku islamarkaana ilaalinayan  daryeelka xarumaha caafimaadka.  


Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Dawooyin iyo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyay Xarunta Caafimaadka Degmada Galxamur.

$
0
0

Galxamur,(cakaaranews),Isniin, 20ka February, 2017. Masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDSI ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo kala duwan gaadhsiiyay xarunta caafimaadka ee degmada galxamur ee gobolka Doolo. Waxayna ku wareejiyeen dawooyinka iyo qalabkan caafimaadka masuuliyiinka xarunta caafimaadka galxamur iyada oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiinta maamulka  degmada galxamur.

Maareeyaha   mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka mid ahaa masuuliyiinta wareejisay daawooyinka iyo qalabka caafimaadka  ayaa uga warbixiyay shabakada wararka ee cakaaranews faa’iidooyinka ay bulshada u leeyihiin dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee la gaadhsiiyay xarunta caafimaadka ee degmada galxamur isaga oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan ugu jiro sidii bulshada DDSI meelkasta oo ay joogto loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh. Wuxuuna intaasi ku daray in aanay ahayn oo kaliya in hadda xarunta degmada galxamur  la soo gaadhsiiyay dawooyinka iyo qalabka caafimaadka. waxaan  ku soo wareejinay ayuu yidhi masuulku  dawooyinkan iyo qalabkan kala duwan xarunta caafimaadka ee degmada Danood, Cusbitaalka Wardheer iyo waliba xarumo caafimaad oo ka tirsan degmooyinka gobolka jarar.

 

   

Warshada Biyaha Ee Aqua Dire Oo Deeq 8 Gaadhi OO Calaf Ah Iyo Lacag Soo Gaadhsiiyay Bulshada Ay Abaartu Saamaysay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 20ka February 2017. Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga soo gaadhay deeq 8 gaadhi ah oo isugu jira calafka xoolaha iyo raashin iyo waliba 400,000 (afar boqol oo kun oo birr ) oo lacag ah  oo ay soo gaadhsiiyeen warshada biyaha ee Aqua Dire oo ay leeyihiin maalqabeen udhashay DDSI.

Hadaba maareeyaha warshada biyaha ee Aqua Dire mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay inay deeqdan ka koobantahay 8 gaadhi oo isugu jira calafka xoolaha iyo raashin iyo lacag dhan 400,000 (afar boqol oo kun oo birr ) islamarkaana ay oogu talagaleen inay ku tageeraan bulshada ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan gobolada ay abaartu saamaysay.

Ugu Danbayna shirkada ayaa waxaa deeqdan ka gudoomay gudiga abaaraha deegaanka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gudiga abaaraha ee ganacsatada deegaanka mudane Khadar Macalin Cali oo bogaadiyay deeqdan ay shirkadu sida quraxda badan usoo gaadhsiiyeen bulshada walaalahood ah ee ay saamaysay abaartu, Wuxuuna gudoomiyuhu u mahad celiyay masuuliyiinta iyo mulkiilaha shirkada isagoo sheegay inay deeqdan ay shirkadu soo gaadhsiisay bulshada ay abaartu saamaysay ay tahay mid ku dayasho mudan islamarkaana ay shirkadu aad oogu mahadsantahay deeqdan ay sida quruxda badan usoo gaadhsiyeen.

Kal-fadhigii Golaha Kabineega DDSI Oo Furmay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 20ka February 2017. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI ka furmay Kal-fadhigii caadiga ahaa ee golaha kabineega DDSI oo uu hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba kal-fadhigan golaha kabineega DDSI ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar soona hordhigay golaha ajandaha kulankan oo ahaa waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee xafiisyada heer deegaan iyadoo xooga lasaarayo xafiisyada horumarka sida biyaha, Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka, Jidadka iyo xafiisyada kale ee ku howlan qaybaha kaladuwan ee horumarka ka socda deegaanka iyo isticmaalka miisaaniyada, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in lafuliyay qorshayaashii loogu talagalay in lafuliyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay , Sida loo fuliyay iyo hadaan lafulinin sababta loo fulin waayay.

Kadibna golaha kabineega DDSI ayaa falanqeeyay islamarkaana kadooday waxqabadkii 6dii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarka ee 2009 T.I islamarkaana loo sixi lahaa goldalooladii Jiray. Golaha ayaana cod buuxa iskulaqaatay in lasii adkeeyo geediga horumarka iyo nabadgelyada DDSI si looga midho-dhaliyo qorshaha sanadka iyo waliba qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa 2,aad

Ugudanbayna, Kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan sidii shacabka deegaanka horumar waara oo aan dib unoqosho lahayn loo gaadhsiin lahaa.

Tababar Kusaabsan Maaraynta Miisaaniyada Iyo Diyaarinta Qorshaha Istratijiyadeed

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 21ka February 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen 49 xubood oo kakalasocda xafiisyada horumarka ee degmooyinka hoosyimaada gobolada Qoraxey, Faafan, Siti iyo Jarar ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, Tababarkan oo socday mudo 8 maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay in tababarkan lagu baranayay casharo muhiim ah kuwaas oo ay kamid ahaayeen nidaamka diyaarinta iyo maaraynta miisaaniyada iyo sidii loogu salayn lahaa baahida dhabta ah ee lagamamaarmaanka ah. Iyo waliba Nidaamka diyaarinta qorshaha startijiyadeed. Wuxuuna intaa kudaray wasiirkuxigeenku in waxkasta uu sal u yahay qorshe diyaarinta islamarkaana tababartayaasha looga baahanayhay in casharada ay barteen ay ficilkeeda muujiyaan, iyagoo si lahaansho iyo wadaniyadi kamuuqato u dhaqangalinaya.

Ugudanbayna, qaarkamid ah tababartayaasha oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan lasiiyay. Waxayna tilmaameen in tababarkani ahaa mid muhiim ah islamarkaana ay sitoos ah wadiniyadi ku dheehan tahay uga dhaqan galinayaan xafiisyadii ay kayimaadeen.

Kulan Lagaga Hadlayay Doorka ay Hay’aduhu Ku Leeyihiin Ka Qayb-qaadashada Xaaladaha Abaaraha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 21ka, February, 2017. Kulan uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo lagu gorfaynayay  sidii haay’adaha aan dawliga ahayn ee ay  bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  u sii xoojin lahayeen ka qayb-qaadashada wax ka qabadka  xaaladaha abaaraha ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI ayaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka city crown.

Waxaan,  furitaankii kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo masuuliyiin ka socday 40 hay’adood oo ah kuwa ay xafiiska caafimaadka DDSI bah-wadaagta yihiin ee aan dawliga ahayn.

Waxana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil Cali oo si qoto dheer uga warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi.  wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay xaaladaha abaaraha ka jira  qaarka ka  mid ah degmooyinka DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada looga samata bixin lahaa abaarahaasi sameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI . Wasiirka ayaa sheegay  in hay’adaha looga baahan yahay sidii   ay u  sii xoojin lahaayeen  doorka ay ku leeyihiin wax ka qabadka xaaladaasi abaaraha ee ay  keentay cimilada isbadashay gaar ahaan dhinaca adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhankooda masuuliyiinta ka socday haay’adahan loo qaybtay kulanka ayaa sheegay in ay si baladhan uga qayb-qaadanayaan dadaalka loogu jiro wax ka qabadka xaaladaha abaaraha ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI waxayna hoosta ka xariiqeen in ay taageero dhinac kasta leh ka gaysanayaan dadaalada loogu jiro sidii bulshada ay saameeyeen abaaruhu looga samata bixin lahaa xaaladahaasi abaaraha.

Buundada Caalamiga Ee Geeldoox Oo Si Rasmi Ah Xadhiga Looga Jaray

$
0
0

Geeldoox(Cakaaranews) Talaado 21ka February 2017. Waxaa si rasmi ah xadhiga looga jaray buunadada caalamiga ee geeldooxd  kuna baxday lacag dhan 6.3 million oo dollor dheerarkeeduna dhanyahay 79.3m balaceeduna yahay 4.6m  oo ay kajareen wafti balaadhan oo ay horkacaysay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wahelinayaan Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, Agaasimaha guud  hay’ada WFP ee deegaanka mudane Simon, agaasime ku xigeenka hay'ada WFP ee dalka mudane Samiir, Islamarkaana ay kasoo qaybgaleen Maamulka gobolka, Kuwa degmada iyo shacabkaba.

Hadaba munaasabadan buundada xadhiga lagaga jarayay ayaa waxaa xadhiga kajaray madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn umahad celisay hay’ada WFP oo ay ka heshay lacagta ay ku fulisay dhismaha buundadan waaxda horumarinta caalimaga ah ee (DFID Department of international development ) taas oon hada ka hor ka dhicin deegaanka hay'ad fulisay mashruuc intan la eg, Sidoo kalane waxay madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay in buundadan isku xidhi doonto gobolada erer iyo nogob oo run ahaantii wareeg dheer oo 3000 km ugasoo wareegi jiray isu gudubka dhanka socdaalka iyagoo isu jira 70 km oo kali ah islamarkaana ay buundadani tahay mid aad muhiim u ah, Waxayna madaxwayne kuxigeenka oo shegtay inuu madaxwaynaha DDSI usoo wakiishay munaasabadan ay aad oogu faraxsantahay xadhiga ka jarka buundadan oo qayb wayn ka ah horumarka ka socda deegaanka faaiido bandana uleh guud ahaan shacabka deegaanka gaar ahaan shacabka labada gobol oo ka heli doona adeeg dhanka socdaalka ah una fududayn doona ganacsiga oo aysan fursad uhaysan jirin.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiinta hay’adaha fuliyay buundadan oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin hirgalinta buundadan oo wax wayn uteri doonta guud ahaan deegaanka gaar ahaan shacabka ku dhaqan labada gobol ee erer iyo nogob oo wareeg dheer usoo mari jiray isu gudubka dhanka socdaalka.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka lagahida iyo cayuun oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin hirgalinta dhismaha buundadan islamarkaana ay ka caawindoonto isu gudubka labada degmo.

Shaqaalaha Gobolka Doolo Iyo Cusbitaalka Magaalada Wardheer Oo Bulshada Xoolo-Dhaqatada Ah Ugu Deeqay Haamaha Biyaha lagu kaydiyo.

$
0
0

Wardheer (cakaaranews) Arabco 22ka February 2017. Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Gobolka Doolo iyo Cusbitaalka Magaalada Wardheer ayaa Deeq kakooban Haamaha biyaha lagu kaydiyo ugu deeqay bulshada ay saamaysay isbadalka cimiladu ee roobyaraanta keentay ee ku dhaqan isla gobolka  

Hadaba, Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Doolo ahna gudoomiye kuxigeenka Gobolka Doolo mudane Malow Ibraahim Cabdi (Mandheela) oo kawarbixiyay deeqdan ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid si iskood ah ay isugu xilqaameen masuuliyiinta iyo shaqaalaha Gobalku. Wuxuuna intaa kudaray in deeqdani ay tahay mid qokasta wixii ka gu’i karay mushaarkiisa ay iskasoojareen shaqaaluhu islamarkaana siwadaniyad leh ay ugu soo gadeen  adeeg ay bulshadu u baahantahay oo ah haamaha biyaha lagu kaydiyo. Wuxuuna tilmaamay in haamahani ay tiradoodu tahay 8 haamood islamarkaana ay yihiin wajigii koobaad iyadoo wajiga 2aadna ay dhaxda kusoojirto maacuunta iyo adeegyada waxlagu karsado. Wuxuuna xusay gudoomiye kuxigeenku in haamahani ay faaiido balaadhan u leeyihiin bulshada aysaamaysay isbadalka cimiladu ee roobyaraanta keentay.

Dhankooda qaarkamid ah shaqaalihii deeqdan bixiyay oo dareenkooda kahadalay ayaa tilmaamay in ay aad ugu rajowayn yihiin in bulshada xoolodhaqatada ah ee kudhaqan gobolka doolo ay wixii taakulayn ah ee karaankooda ah ay lagarbtaaganyihiin Hiil iyo Hooba.iyagoo ilaahay kabaryay in roobkhayrqaba uusiiyo dhamaan deegaanka soomaalida itoobiya.

Iskusoowada duuboo waxaa xusid mudan in bulshada abaartu saamaysay ee kudhaqan gobolada qaar ayaa si isdabajoog ah taageero hiil iyo hooba leh uga helayan  xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.


Kulankii Wadatashiga Iskaashiga DDSI Iyo Somaliland Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 23ka February, 2017. Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  gaar ahaan madasha  shirarka ee qaryaan dhoodan kulankii wadatashiga ahaa  ee xoojinta  xidhiidka  iskaashiga DDSI iyo somaliland. Kulankan wadatashiga ah oo ah mid joogta ah oo 3dii  bilood mar la qabto  ayaa waxay ujeediisu  tahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dhinacyada  daris wanaaga iyo Nabadgalyada

kulankaa ayaa waxaa ka  soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan  xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, ku simaha hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada  DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudane general Cabdiraxmaan Cabdilahi Buraale,  saraakiil  sare oo ka socday taliska  ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya, gudoomiyayaasha gobolada Faafan, Jarar, Doolo iyo Siti  iyo masuuliyiin ka socday soomaliland oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ay ku wehelinayaan saraakiil ka socoday hay’adaha amaanka somaliland iyo gudoomiyayaasha gobolada somaliland ee xuduuda la leh dalkeena itoobiya.  

Waxaana furitaankii kulankan wadatashiga ah ka hadlay wasiirka ganacsiga  iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha X.D.SH.S.I  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil  oo sheegay   in uu kulankani yahay mid joogta ah  ujeedadiisuna tahay sidii loo sii xoojin lahaa  xidhiidhka iskaashi ee dhinacyada nabadgalyada, la dagaalanka ganacsiga sharci darnada ah, daris wanaaga iyo xoojinta isku socodka labada shacab ee walaalaha ah ee itoobiya iyo somaliland. wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya dalka itoobiya iyo somaliland oo ah   mid xoogan  islamarkaana uu  kulankani uu yahay mid diirada lagu saarayo  waxqaadkii wada shaqayneed ee bilihii la soo dhaafay ka dhexeeyay somaliland iyo itoobiya.

Dhinaca  kale  waxa kulankaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in uu kaulnani yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee wada shaqayneed ee ka dhexeeya itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dawlad  deegaanka somalida itoobiya  iyo somaliland  si looga hortaga wax kasta oo wax yeelayn kara   labada shacab ee walaalaha ah. wasiiru dawlaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay xidhiidhka wanaagasan ee iskaashiga ee  dhinacyada daris wanaaga, nabadgalayda iyo adkaynta  iskaashiga ganacsiga sharciga ah  ee ka dhaxeeya itoobiya iyo somaliland.

Kulankaasi waxaa si qoto dheer loogu qiimanayaa  waxqabadkii bilihii la soo dhaafay ee dhinacyada iskaashiga  hawlaha daris wanaaga, xoojinta xidhiidhka  nabadgalyada , adkaynta ganacsiga sharciga ah iyo  guud ahaan xaaladaha gobolka.

Dowlada Federalka Ah Oo 16 Gaadhi Oo Raashin Ah Ugu Deeqay Somaliland

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 23ka February 2017. Dowlada federalka ah oo wakiilatay xukuumada DDSI ayaa deegaanka dariskeena ah somaliland ay abaartu saamaysay ugu deeqay 16 gaadhi oo raashin ah oo isugu jira bur, Bariis, Caano, iyo qaybaha kale ee raashinka.

Hadaba deeqdan raashinka ah ayaa waxaa gudoonsiiyay Somaliland lataliyaha madaxwaynaha dhanka bini'aadamnimadka iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ahna wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo udiyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali oo ay soo wakiilatay dowlada federalka ah ayaa sheegay inay deeqdan ka koobantahay 16 gaadhi oo ka kooban noocyada kaladuwan ee raashinka, Wuxuuna masuulku intaa ku daray inay deeqdan ka timaaday dowlada federalka ah islamarkaana ay oogu talagaleen deegaanka dariskeena ah ee Somaliland ee ay abaartu saamaysay, Tasoo ka turjumaysa sida ay dowlada federalku ugu war hayso deegaanada dariskeena ah ee lasoo daristay abaarta ay keentay isbadalka cimilada.

Ugu danbayna 16ka gaadhi ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ugu dhaqaaqay dhanka maamulka magaalada wajaale halkaas oo ay kula wareegi doonaan masuuliyiinta ka socda somaaliland, Sikastaba ha ahaatee xukuumada federalka iyo xukuumada DDSI ayaa marwalba gargaar u sameeya deegaanada dalka gudihiisa ah iyo kuwa dariskeena ahba.

kal-fadhigii Caadiga ahaa Ee Golaha Dhexe Ee XDSHSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jamce, 24kii February 2017. Waxaa si rasmi ah hoolka shirarka ee kaali2 uga furmay kulankii caadiga ahaa ee golaha dhexe ee XDSHSI oo lagu qiimaynayay waxqabadyada qorshayaashii udhignaa xisbiga iyo xukuumada 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadaba, kalfadhigan oo socday mudo 4 maalmood ah ayaa qiimayn qotodheer, lahalgan iyo islahalgan kadib waxaa kasoo baxay natiijooyin waxku-ool ah oo uu goluhu codbuuxa iskula-qaatay oo ay kamid ahaayeen: jihooyin siyaasadeed oo kucabiran sii joogtaynta natiijooyinka horumarineed, nabadgelyo iyo nidaamka maamulka suuban oo udhignaa sidan: inaysan marnaba shacabka deegaanka, XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba iloobaynin:

1.       Sida ururka EPRDF uu taageerada joogtada ah usiiyo XDSHSI

2.       Halgankii ciidamada difaaca qaranka ee dalkeena iyo ciidanka booliska gaarka ah ee deegaankeenuba ay naftooda, maalkooda iyo dhiigoodaba ugu huraan nabada deegaanka iyo guulihii taariikhiga ahaa ee ay kasoo hoyiyeen

3.       Boardiga taakulaynta gaarka ah ee heer federal sida uu ucaawiyo DDSI

4.       Wasaaradaha heer federaal sida ay ucaawiyaan xafiisyada heer deegaan ee dhigooda ah

5.       Kago'naanshaha dawlada federalka ah oo tusaale loogu soo qaadan karo socdaalkii taariikhda galay ee uu raisal wasaaraha dalkeena mudane Hailemariam Desalegn kuyimid deegaankeena oo uu kujoogay mudo 3 cisho iyo 2 habeen ah isagoo dadkii ay abaartu saamaysay ugu tagay goobihii ay kusugnaayeen sida gaashaamo iyo jawaab bixinta degdega ah ee dhinac walba ay dawlada federalka ah ee dalkeenu lagarab taagan tahay deegaanka.

Dhanka kale, waxay golaha dhexe ee XDSHSI islaqaateen in deegaanka ay kajiraan shaqooyin natiijo keenay oo ay kamarag-kaceen shacabka DDSI dal iyo dibadba, dawlada federalka ah oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalkeena, boardiga taakulaynta gaarka ah ee dalkeena, ciidamada difaaca qaranka,  xafiiska EPRDF iyo caalaamkuba marka laga eego dhinaca horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban ee guud ahaanba maanta kajira deegaankeena marka labar-bardhigo 7sano kahor siduu deegaanku ahaa.

Sidaasdarteed, ayaa wuxuu goluhu codbuuxa iskulaqaatay in si loo sii wado shaqooyinkaas iyo kuwo kale oo muhiim ah in habeen iyo maalinba loo adeego shacabka deegaanka iyadoo laladagaalamayo  qodobadan khatarta ku ah kamidho-dhalinta waajibaadyada shaqo iyo jiritaanka xisbiga iyo xukuumada si aynaan dib uga noqonin halka aan maanta taaganahay una gaadhno higsigeena fog. waxaana kamid ah:

1.       kamid ahaanshaha urur siyaasi ah oo diimeed noocuu doonaba ha ahaadee

2.       Xagjirnimada

3.       Ubbonimada, Itixaadnimo, SSInimada

4.       Tataqisim

5.       Qalin-shubatanimada

6.       Xoolo-cirdoonimada

7.       Haad-fuulnimada

8.       Qabilism

9.       Xaabo urursi kusalaysan kalsooni-daro

10.   Kalsooni-daro

11.   Laba-wajiile

12.   Siyaasada call boxka ah

Iskusoo wada duuboo, golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay in si loo sii wado isbadalkan markhaati-madoo  nka ah ee kahanaqaaday deegaanka ay sii dardargalinayaan qodobadan hoos kuqoran:

1.       Inay sii laba-jibaarayaan shaqooyinkii iyo kago'naanshihii keenay natiijooyinkan horumarineed, nabadgelyo iyo maamul suuban

2.       In si nabadgelyada deegaankeenu unoqoto mid waarta oo aan dib unoqosho lahayn lasii adkeeyo tabihii ladagaalanka xagjirnimada islamarkaana ay waajib tahay in si aysan ururada xagjjirka ahi uhawaysanin inay soo galaan deegaankeena laga hortago

3.       Inay sii xoojinayaan shaqooyinkii kudayashada mudnaa ee dal iyo dibadba lagaga tirtiray Ubbo

4.       Inay sii xoojinayaan ladagaalanka musuqa, qabyaalada iyo xoolo-cirdoonimada

5.       Inay sii xoojinayaan qorshayaasha horumarineed ee gaar ahaan dhinaca biyaha-qodista ceelasha dhaadheer, biyo-xidheenada iyo waraabka

6.       Hirgalinta jidadka iyo dhisida buundooyinka

7.       Kor uqaadida caafimaadka, kahortaga iyo daawaynta cudurada iyo kashaqaysiinta xarumaha caafimaadka

8.       Kor uqaadida waxsoosaarka xoolaha iyo beeraha

9.       Kor uqaadida waxbarashada iyo shaqo-abuurka

10.   Kor uqaadida haweenka ee dhinaca siyaasada

11.   Hirgalinta iyo sii xoojinta barnaamijka xoolo-dhaqato beeralaynimada

12.   Kor uqaadida xidhiidhka dadwaynaha ee dibada iyo dalka gudihiisaba

13.   Ladagaalanka kontarabanka iyo dhiiri-galinta ganacsiga sharciga ah

14.   Kobcinta awooda iyo horumarinta khayraadka dadka

15.   Horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha

16.   Kor uqaadida dakhliga

17.   Hirgalinta saraynta sharciga iyo cadaalada

Ugudanbayna, golaha ayaa balanqaaday inay shacabka ugu adeegayaan si kago'naanshiiyo iyo dareen wadaniyadeed leh  si ay uga midho-dhaliyaan yoolasha horumarineed ee uyaala. waxayna intaa kudareen in XDSHSI oo kufaanaya itoobiyanimadiisa islamarkaana sii labajibaaraya xidhiidhka bahwadaagnimo ee uu laleeyahay ururka EPRDF kana faaiidaysanaya taageerada aan kalago'a lahayn ee dawlada federalka ah iyo ururka EPRDF ay shacabka ugu shaqaynayaan si daacadnimo ah.

 

 

Bulshada kudhaqan Degmada Bilcil-buur Oo Bogaadisay Taakulaynta Iyo Daryeelka Loo Fidiyay

$
0
0

Bilcilbuur(cakaaranews)Jumce 24ka February 2017. Bulshada kudhaqan nawaaxiga Centerka golsololeey ee hoosyimaada degmada bilcilbuur ee Gobolka Jarar ayaa siwayn u soo dhaweeyay taageerada iyo garab qabashada ay xukuumada DDSI u fidinayso bulshadeeda islamarkaana bulshada xoolo dhaqatada ah ee roobyaraantu saamaysay loosoogaadhsiiyay adeegyadii ay ubaahnaayeen ee sida biyaha, dawaynta dad iyo duunyaba iyo waliba quudinta dadka iyo duunyadaba.

Hadaba, kusimaha gudoomiyaha degmada bilcilbuur ahna  gudoomiye kuxigeenka degmada  mudane  fuaad sheekh xasan ayaa sheegay in bulshada kudhaqan centerka golsololeey ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI iyo waliba ciidamada gaarka ah ee liyuupolice

Sidookale, qaarkamid ah bulshada kudhaqan centerka golsololeey oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in taageero balaadhan loo fidyay islamarkaana ay umahadcelinayaan ilaahay iyo xukuumada DDSI ee uu majaraha uhayo XDSHSI maadaama oo si rasmi ah loo soo gaadhsiiyay biyihii, dawayntii iyo calafka xoolaha.

Dhankiisa, samajaaga rajmintiga 2aad ee fadhigiisu yahay centerka golsololeey mudane maxamed siyaad oo sheegay in mar hadii ay nabadgalyadii meelsaareen ay hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin bulshadooda islamarkaana ay si wadaniyad leh uqaybinayaan adeegyadii daruuriga ahaa ee ay xukumadu ufidisay iyagoo iskaashanaya maamulka degmada bilcilbuur.

Iskusoowada duuboo, xukuumada DDSI ayaa adeegyadan taageerada ah kudiyaarisay dhamaan sabooyinka ceelasha ay xooluhu kacabaan iyadoo lagu diyaariyay calafkii xoolaha, daawooyinkii dadka iyo duunyadaba islamarkaana si bilaash ah loo siinayo bulshada.

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Ka Hortaga Musuqa Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), jumce, 24ka, February, 2017 Waxaa lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saadsan  nidaamka looga hortaga loona xakameeyo musuq maasuq.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI oo kaashanaya wakaalada dakhliga DDSI ayaa waxaa loo qabtay  shaqaalaha  waaxaha xisaabaadka xafiisyada heer deegaan. Waxayna ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa  nidaamka la dagaalanka musuqa, sida looga sifeeyo  musuqa dakhliga ka  go’ah miisaaniyadaha heer deegaan iyo cashiro kale oo ku taxa luqa la dagaalanka musuqa.

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadalay gadh-wadeenka geedi socodka ka hortaga danbiyada musuqa ee komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane Daahir Cilmi Goohe oo sharax dheer ka bixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga foogin naan lahaa loogana hortagi lahaa aafooyinka musuqa ee marin-habaabiya Qorshayaasha horumarka  iyo Qulqulka Miisaaniyada ee lagu fulinayo adeegyada horumarka bulshada. Masuulka ayaa sheegay in mudadii uu socday tababarkan lagu lagu qaadanaya cashiro ku salaysan nidaamka looga hortaga musuqa, sharicyada ka dhanka ah ee danbiyada musuqa ee heer caalam, heer qaaradeed, heer qaran iyo heer deegaanba isaga oo ku booriyay tababartayaasha in ay ujeedooyinkii tababarka sidii loogu talagalay u hirgaliyaan.

Dhankooda  tababartayaashan qaatay tababarkan ayaa ka warbixiyay  faa’iidooyinkii ay ka heleen mudadii uu socday tababarku kuwaasi oo sheegay  in  sidii loogu talagalay u hirgalinayaan ujeedooyinkii tababarkan.

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>