Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

ICT ga Deegaanada Dalka Oo Loo Soo Gabagabeeyay Qiimayn U socotay

$
0
0

Adhisababa,(cakaaranews)Axad 5ta February 2017. Shir qiimayn ah oo ay kasooqaybgaleen dhamaan wakaaladaha iyo geedisocodyada xogaha iyo technologiyada casriga ah (ICT) ee 9ka deegaan iyo labada ismaamul magaalo ee JDFI islamarkaana lagu qiimaynayay waxqabadka 6dii bilood ee ICT ayaa si rasmi ah loogu soo unaanaday xarunta dalka e ADhisababa.

Hadaba, shirkan  ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay wasiirka wasaarada xogaha iyo Tignoolojiyada casriga ah (ICT) ee JDFI mudane mudane Dr. Debresion Gebre Makial oo sheegay in shirkani ahaa mid qiimayn ah islamarkaana socday mudo afarmaalmood ahujeedadiisuna ahayd qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee udanbaysay ee geedisocodyada ama wakaaladaha ICT ee dhamaan deegaanada dalka. Wuxuuna intaa kudaray in shirkani ahaa mid laiskula xisaaabtamo islamarkaana laqabto lxdii biloodba mar. wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in wasaarada ay ka go’antahay kor u qaadista iyo horumarinta technolojiyada casriga ah. Wuxuuna amaan u soojeediyay deeganada modelka ah islamarkaana dhiirigaliyay deegaanadii liitay isagoo tillmaamay in dhamaan deegaanadu iyo labad ismaamulba ay dardargaliyaan Shaqooyinka u yaala 6da bilood ee sooscota.

Ugudanbayna, kaqaybgalaayshii shirkan oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ka midho dhalinayaan qorshaha kobac iyo isbadlka dhaqaalaha ee kuwajahan wakaaladooda ama waaxyahooda ICTga.

 


Munaasabad Lacag Boqol Milyan Oo Birr Ah Lagu GudoonSiiyay Eheladii Dadkii Ku Shihiiday Nidaamka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 5ta February 2017. Munaasabad ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Kabaneega Deegaanka, Odayaasha Deegaanka, Agaasimayaasha, Heerarka kaladuwan ee shaqaalaha, islamarkaana ujeedadiisu ahayd lacago la siinayay eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo ay ugu horeeyaan ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka, maalishiyada, policeka, iyo maamulka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Kaali.

Hadaba munaasbadan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in lacag cadadkeedu dhanyahay boqol milyan oo kun oo birr oo ay shaqaysay shirkada agoonta lasiinayo eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo ay ugu horeeyaan ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka, maalishiyada, policeka, iyo maamulka , Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudary in lacagta lagu qaadnayo nidaamka bakhtiyaanisiibka islamarkaana ay kala yihiin 5 darajo oo kala ah darajada 1aad, 800,000 (sideed boqol oo kun) ilaa 1,500,000 (hal milyan shan boqol oo kun oo birr), Darajada 2aad 400,000 (afar boqol oo kun oo birr) ilaa 1,000,000 (hal milyan oo birr ) darajada 3aad 200,000 (laba boqol oo kun oo birr) ilaa 500,000 (shan boqol oo kun oo birr) darajada 4aad 100,000 (boqol kun oo birr) ilaa 500,000 (shan boqol oo kun oo birr) iyo darajada 5aad 50,000 (konton kun oo birr) ilaa 500, 0000 (shan boqol oo kun oo birr.)

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana aysan halkan kusoo koobi Karin farxadooda, Waxayna intaa ku dareen inay ku mahadsanyihiin xukuumada iyo XDSHSI oo mar walba utaagan ka jawaabida baahida shacabka oo uu mid walba meeshiisa kaga warhayo.

Sikastaba ha ahaatee munaasabadan lacagta lagusiinayay eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka ayaa kusoo dhamaatay jawi fiican iyadoo ay dhamaan eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka ay gacantooda ku wada qaateen bakhtiyaanasiibka lacagta loogu tala galay.

Xuska Bisha Caafimaad Qabka Hooyada Oo Laga Xusay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 6da February, 2017  Munaasabad lagu xusayay bisha caafimaad qabka hooyada oo ah munaasabad sanadkiiba halmar bisha Tir laga xuso dalka  ayaa ka dhacday jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Munaasabadaasi  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo masuuliyiin heer deegaan ah ay ka  mid yihiin wasiirka  arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma maxamuud haybe, gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen, masuuliyiin ka socotay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in munaasabadan bisha caafimaad qabka hooyadu tahay mid laga xusayo dalka oo dhan maanta, wuxuuna ka warbixiyay dadaalada dalkeena itoobiya iyo deegaankuba ugu jiraan  sidii looga midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka ee  ku salaysan ka hortaga cudurada. wasiirk ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI sanadihii ugu danbeeyay guulo laxaad leh ka soo hooyay dhinaca tayada iyo tirada adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka wasiirka ayaa ku booriyay guud ahaanba hooyooyinka DDSI in ay ku xidhnaadaan xarumaha caafimaadka

Dhankeeda waxaa ka hadashay munaasabadan ka hadhay  wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Maxamuud Haybe oo ka warbixisay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto daryeelka hooyada maadaama oo ay hooyadu tahay warshada wax soo saar leh  wasiirka ayaa tilmaan dheerka bixisay adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiiyay bulshada Reerguuraaga ah iyo guulaha laga gaadhay 16ka xidhmood ee  adeegyada caafimaadka.

Munaasabadan oo la halku dhig looga dhigay” si Naxariis iyo xushmad leh aan u  daryeela hooyada” Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan iyo doorka ay diinta islaamku siisay daryeelka caafimaadka hooyada wuxuuna ku booriyay in ay hooyooyinku ku xidhnaadaan xarumaha caafimaadka si ay u  helaan daryeel caafimaad xiliga dhalmada

Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka, ka hortaga cudurada iyo faya dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo gagababadii munaasabadan la hadlay warbaahinta DDSI ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada xuskan munaasabada bisha caafimaad qabka hooyada isaga oo sheegay in ay tahay munaasabad lagu xoojinayo qorshayaasha kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka islamarkaana looga gol-leeyahay sidii ay hooyo kasta oo  uurlihii ugu yaraan afar jeer u la xidhiidhilahayd  xarumaha caafimaadka si ay u hesho xanaanada hooyada uurka leh, kuna dhasho xarumaha iyo cusbitaalad oo kaliya,  kana  faa’iidaysanaysa daryeelka caafimaadka dhalmada ka dib. Gadhwadeenka ayaa intaasi ku daray in dhanka kale lagu xoojiyo munaasabadan sidii ay xifradlayaasha caafimaadku  u bixin lahaayeen daryeel caafimaad oo Nasariis iyo Xushmad leh.

 

Gagababadii munaasabada  waxay masuuliyiintii iyo shaqaalihii ka soo gaqaybgalay munaasabadu  booqteen cusbitaalka Kaaraamardhe ee magaalada jigjiga, waxayna wasiirka caafimaadka mudane xasan ismaaciil iyo wasiirka arimaha haweenka iyo caruunta DDSI marwo raxma maxamuud habye  si wada jir ah hadiyada iyo shahaado sharaf gudoosiiyeen hooyooyinkii ku umulay todobaadkan aan ku jirno cusbitaalka wayn kaaraamardha. Iyada oo dhinac kale ay munaasabadan qaybka ahayd dhiig shubid loogu deeqayo hooyooyinka  ay soo wajahdo dhiig yaraantu.

Ogaysiis Muhiim ah: Shacabka DDSI Dal Iyo Dibadba

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Isniin, 6da February 2017. Sida lawada ogsoonyahay, Waxaa deegaankeena kajira abaaro saameeyay qaar kamid ah gobolada deegaanka oo ay keentay isbadalka cimiladu islamarkaana sababtay roob yaraan iyadoo dawlada federalka ah, Dawlada deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ahba ay wadaan dadaalo dheeri ah oo ay dadka iyo duunyadaba kaga samatabixinayaan abaaraha. Sidoo kalana dadka soomaalida ah ee ay deeqsinimadu dhaqanka utahay ayaa wada dadaalo ay dhankooda kaga qaybqaadanayaan xaaladan abaaraha.

Hadaba, maadaama ay jiraan dad isu xilqaamay inay si wadaninimo ah ugu gurmadaan dadkooda iyo kuwo magaca abaarta darteed gudaha iyo dibadaba lacago kaga ururinaya shacabka deegaanka taas oo aysan ogayn dawlada iyo shacabka ay u ururinayaanba halkaasna ay kacadahay inuu jiro musuq iyo danaysi gaar ah. Sidaas darteed, waxaa cidkasta oo lacag kuqaaday magaca abaaraha la ogaysiinayaa inay sida ugu dhakhsaha badan ulaxidhiidhaan gudiga abaaraha heer deegaan islamarkaana ay kuwareejiyaan hantigii ay ururiyeen maadaama oo aysan sharci ahayn nidaamka ay wax ku ururinayaan islamarkaana looga hortago shaqsiyaadka kafaaiidaysanaya deeqsinimada ama gacan-furaanshaha ay dhaqanka uleedahay soomaalidu oo ay kanaxayaan markii ay cidi lacag kuwaydiiso xaalada abaarta iyagoo aan kafiirsanina shacabku degdeg kubixinayaan.  

FG: Cidkasta oo lacag ku ururisay magaca abaaraha waa inay mudo labo maalmood gudahood ah ay kuwareejiyaan gudiga abaaraha heer deegaan hadii kale waxaa laga qaadi talaabo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale, cidkastoo muwaadin ah oo raba inuu kaqaybqaato xaalada abaaraha deegaanka waxaa la ogaysiinayaa in degmo kasta oo deegaanka ah loo furi doono Account number ay maamuli doonaan shacabka deegaanku iyagoo si cadcadaan ah loola xisaabtami doono.

FG: hadaba ciddii rabta inay si shaqsinimo ah gacan uga gaysato xaalada abaaraha ama ucaawiso shaqsiyaad gooni ah ama goob gaar ah waa in la ogaado xiliga, waxa uu kudeeqayo, cidda ama goobta uu ugu deeqayo si ay unoqoto mid sharciga waafaqsan.

 

Ogaysiis: Dhamaan Ganacsatada Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 6da february 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada deegaanka heer kasta oo ay yihiin inuu jiro shir muhiim ah  4ta bisha yekaatiit oo ku aadan maalinta sabtida ah ee inagu soo beegan oo kadhici doona hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan. kaasoo kusaabsan gurmadka xaalada abaaraha saamaysay deegaanka.

Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada deegaanka heer kasta oo ay ahaadaanba inay kasoo qaybgalaan shirkaas lagaga qaybqaadanayo xaalada abaaraha ee loogu gurmanayo inaysan saamayn kuyeelanin dad iyo duunyaba.

 

Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo sameeyay Fanaaniinta dalka Jabuut.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews),talaado, 7da February, 2017.  Waxaa xaflad hadhimo sharafeed ah  loogu sameeyay Huteelka City Crown ee magaalada jigjiga fanaaniinta caanka ah ee  dalka Jabuuti.

Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo uu soo diyaariyay xafiiska maamulka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamuud Maxamed, wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo masuuliyiin sare oo ka mid ah  xukuumada DDSI.

Fanaaniinta caanka ah ee dalka  jabuuti  oo ay ka mid yihiin fanaanada  Kaltuun Bacado, Deeqa Gaydh iyo Cabdiraxmaan Xan-xanteeye oo todobaadadii ina soo dhaafay ku sugnaa caasimada DDSI ee jigjiga ayaa habeenimadii axadii aan soo dhaafnay ku soo bandhigay caasimada DDSI ee jigjiga  bandhig faneed  ay aad ula dhaceen shacab waynaha Reer jigjiga.

Isku soo wada duub oo isbadalka balaadhan ee  ay ku talaabsaday  DDSI ayaa waxa  uu sanadihii ugu danbeeyay  soo jiitay indhaha caalamka, kuwa shaqsiyaadka caanka ah,  aqoon-yahano, siyaasiyiin, maalqabeeno  iyo Ganacsadayaal caalamiya kuwaasi oo dhamaantood ka markhaati kacay isbadalka horumarineed iyo midka  nabadgalyo  ee DDSI ka taaba galay. 

Ololaha Dawo Qaybinta cudurka Bakoorada Oo Ka Bilowday Senterka Goboblay Ee Degmada Awbare

$
0
0

Gobobley(Cakaaranews) Talaado 7da February 2017. Ololaha dawo qaybinta cudurka bakoorada oo uu wado xafiiska caafimaadka DDSI oo kaa shaynaya wasaarada caafimaadka JDFI iyo Hay’ada caalamiga ah ee ITI ay senterka gobobley ee degmada awbare ka  bilaabeen wajiga 1aad ee ololaha dawo qaybinta cudurka bakoorada.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDSI,  Hay’ada caalamiga ah ee ITI iyo maamulka degmada awbare, Ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Faarax oo sheegay inuu ololahan yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in laga faaiidaysto sida loogu talagalayna loo qaato dawada lasiiyay, Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in la ilaaliyo nadaafada maadaama xanuunkan keeno nadaafad daro.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada iyo fayodhowrka mudane Caydaruus Axmed Maxamuud oo sheegay inuu ololahan lagu qaybinayo dawoda lagaga hortagayo cudurka bakoorada yahay wajigii 1aad islamarkaana hadaan cudurkan bakoorada laga hortagin uu sababo indha la aan, Wuxuuna agaasinku ku baraarujiyay bulshada inay dawada uqaataan sidii loogu talagalay ilaaliyaan nadaafada maadaama uu cudurkan saamayn wayn ku leeyahay guud ahaan caalamka gaar ahaan Africa, Sidoo kale wuxuu agaasinku xusay inuu cudurkan kajiro ku dhawaad 30 degmo oo deegaanka ah iyadoo 30kaas degmo ay 10 goobood ka jiraan sentarada awbare.

Ugu danbayna waxaa dhankkoda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan sentarka gobobley ee degmada awbare oo sheegay inay aad oogu faraxsanyiin ololahan dawo qaybinta ah  islamarkaana ay sidii loogu talagalay ooga faaiidaysan doonaa.

Xaflad lagu daah-furay hirgalinta nidaam casriya oo lagu bixinayo lacagta mashruuca PSNP.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 8da February 2017. Xaflad lagu daah-furay hirgalinta nidaam casriya oo lagu bixintoona lacagaha uu gaadhsiiyo dadka danyarta ah  ee ka faaiidaysta mashruuca PSNP ayaa ka dhacday huteelka city crown ee magaalada jigjiga.

Waxaana furitaankii xafladan ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI,  masuuliyiin ka socday xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin mashruuca PSNP.

Hadaba waxaana furitaankii xafladan daah-furka ah ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal faarax warmooge oo ka warbixiyay isbadaladii iyo jaran jarooyinkii uu soo maray nidaamka mashruuca PSNP isaga oo sheegay in markii hore laga soo bilaabay in mashruucani gaadhsiiyo dadka dan yarta ah raashin iyada oo markii danbana loo badalay in deeqda mashruucan lagu siiyo dadka danyarta ah caash/ lacag cadaan ah si ay iyagu wax soo saarka ula soo baxaan . Wuxuuna wasiir ku xigeenku intaa ku daray  ayaa  in xafladan maanta la daah furayaana tahay sidii  loo hirgalin lahaa nidaam casriya oo la adeegsanayo aaladaha casriga ah in bulshada lagu gaadhsiiyo deeqaha lacagta nidaamka hello cash ah iyada oo qofkasta moobilkiisa lacagta loogu shubidoono.

 


53 Gaadhi Oo Sida Calafka Xoolaha Oo U Ambabaxay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 9ka February 2017. Iyadoo baryahanba Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Reer-guuraaga oo kaashanaya xukuumada DDSI uu ku hawlanyahay gargaarka bulshada deegaanka ee roobyaraantu lasoo daristay sanadkan isagoo mararbadan oo kaladuwan gaadhsiyay deeq isugujirta calafka xoolaha iyo raashin ayaa sidookale maantana ay 53 gaadhi oo ah calafka xoolaha loo diray degmooyink Gobolda ay abaarta saamaysay.

Hadaba, deeqdan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixisay Wasiirka xafiiska horumarinta xoolaha iyo Reerguuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo sheegtay in deeqdani  ay tahay deeq ka kooban 53 gaadhi oo calafka xoolaha ah islamarkana loogu talagalay in loo qaybiyo dhamaan xoolo-dhaqatada ku dhaqan degmooyinka gobolada ay abaartu saamaysay iyadoo calafkan xoolahana lagu dajindoono islamarkaana lagu qaybin doono ceelasha ay xooluhu ka cabbaan ee ay isugu yimaadaan.

Ugu danbayna Wasiirada ayaa tilmaamtay in deeqdani ay san ahayn tii ugu horaysay islamarkaana aysan noqondoonin tii ugu danbaysay lana sii wada doono dadaalka ay xukuumadu ugu jirto siday bulshada ooga samatabixin lahayd abaarta ay roob yaraantu keentay, Waxayna u mahadcelisay xukuumada DDSI iyo haaydaha dawliga ah ee heer dal iyo heer deegaanba oo marwalba utaagan ka jawaabida baahida bulshada.

Shir Lagaga Hadlayay La Dagaalanka Musuqa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Diridhaba.

$
0
0

Diridhaba,(cakaaranews) , khamiis, 9ka February, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada deridhiba shir muddo 3 maal-mood ah socday kaasi oo ay  ujeedadiisu ahayd sidii loo sii dar-dargalin lahaa shaqooyinka  iyo nidaamka ka hortaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

shirkan oo uu soo diyaariyay komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa JDFI ayaa  loo hayay  dawlad deegaanada ay ka mid yihiin  Canfarta, deegaanka Somalida itoobiya, Hararida iyo maamulka magaalada diredhaba. Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa JDFI oo uu ka mid yahay  komishineer ku xigeenka  komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa JDFI mudane Wadhe Ado iyo masuuliyiin ka socday deegaanadaasi kor ku xusan gaar ahaan xafiisyada horumarka iyo komishinada anshaxa iyo la dagaalanka musuqa ee deegaanadaasi.

Waxaana soo xidhitaankii shirkan ka hadlay  komishineer ku xigeenka  komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa JDFI mudane wadhe ado  oo ka warbixiyay dadaalada dalka iyo deegaanadu ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa loona  xakamayn lahaa dhibaatooyinka musuq maasuqa si looga midho dhaliyo istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee wadanku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay. Komishineer ku xigeenka komishinka anshaxa iyo  la dagaalanka musuqa JDFI ayaa sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu lahaa shirkan iyo ujeedooyinkiisa isaga oo tilmaamay in shirkan lagaga hadlayay xoojinta iyo dar dargalinta nidaamka la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa iyo sidii ay deegaanadu isku waydaarsan lahaayeen khibrad wadaaga ku dayashada mudan.

 

 

Ogaysiis: Dhamaan Ganacsatada Degaanka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 10ka February 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka inay yimaadaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan bari aroorta 2 saac oo subaxnimo oo ay taariikhdu tahay 4/6/2009TI.

Hadaba waxaa marlabaad la ogaysiinayaa heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka inay kasoo qaybgalaan kulankan wadatashiga ah ee looga hadlayo xaalada abaaraha ee deegaanka, Waxaana laga codsanayaa heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka inay ilaaliyaan saacada shirka, Sidaas iyo kasoo qaybgal wanaagsan.

Tababar Loo qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Luuqada Afka-Hooyo Ee Gobolka Shabeele

$
0
0

Godey(cakaaranews)Jumce 10ka February 2017. Tababar ay si wada jir ah Usoo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI  islamarkaana ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta barayaasha afka soomaaliga ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday xarunta Gobolka shabeele ee Magaalada Godey.

Tababarkan oo ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah macalimiinta degmooyinka Gobolka shabeele iyo MMGoday ayaa waxaa casharada bixinayay macalimiin aqoonsare uleh dhanka luuqada afkasoomaliga islamarkana tababaro kaladuwan u sooqaatay.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixisay marwo Abshiro Shariif Axmed oo kamid ah macalimiinta casharka bixinaysa waxayna sheegtay in tababarkani uu yahay mid kor loou qaadayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka soomaaliga ee waxkabara dugsiyada maamulka magaalada Goday iyo waliba degmooyinka Gobolka shabeele. Waxayna intaa kudartay marwadu in casharada labixinay ay isugujiraan qoraal, (Theory) iyo mid ficil ahaan lagu muujinayo (Paractical)

Ugudanbayna waxay tilmaantay in tababarkani uu socon doono mudo 10 maalmood ah islamarkaana laga filayo in ay kasoobaxdo natiijo wax ku ool ah, macalimiinta iyo ardayda ay waxbarayaana faaiido balaadhan u yeelan doona.

 

Wafti Ka Socday Somaliland Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Sabti,  11ka, February, 2017. Wafti balaadhan oo ka socday soomaliland oo uu hogaminayay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha xisbiga kulmiye ee haya talada  somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran  loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad Wiil-waal ee magaalada jigjiga.

Waftigan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI  oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed faarax, Afhayeenka Golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI anha madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,  wasiir ku xigeenka madaxtoooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada DDSI.

Waftigan ka socda soomaliland ee uu hogaaminayo gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha xisbiga kulmiye ee haya talada somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ku hewelinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud, ku xigeenka qusuliyada somaliland ee dalka itoobiya mudane Ayaale Salaad Diiriye iyo axmed xaaji daahir oo  ah xubinka mid ah xisbiga talada haye ee kulmiye.

waftigan ka socda somaliland ayaa inta ay joogaan DDSI kulamo la qaadan doona xukuumada DDSI kulamadaasi oo ah kuwa lagu sii xoojiyano xidhiidhka wanaagsan  ee wada shaqayneed iyo iskaashi ee  ka dhexeeya somaliland iyo DDSI.  

Tababar ku saabsan istaraatiijiyada Waxbarashada baahida gaarka ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 12ka February 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo qabtay 50 macalimiin ah ujeedadiisuna yahay kor uqaadida barayaasha waxbarashada  baahida gaarka ah ee gobolada faafan iyo jarar ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor loogu qadayo barayaasha inay waxbarasho siman siiyaan ardayda baahida gaarka ah islamarkaana uu ujeedadiisu yahay inay barayaashu kor uqaadaan ardayda ubaahan baahida gaarka ah si ay uhelaan waxbarasho siman, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay barayaashu ka faaiidaystaan tababarkan mudada uu cashirku socdo maadaama uu yahay mid muhiih.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay agaasinka waxbarashada baahida gaarka ah iyo reerguuraaga mudane Cabdiqafaar Xasan oo sheegay inay dhulka oo lamaal gashadaa uu ka fiicanyahay dadka oo la maalgashadaa islam islamarkaana si taa loo gaadho la helaa barayaal soo saarta arday tayo leh, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in tababarkan oo socon doona mudo sedex cisho ah loogana faaiidaysto sidii loogu talagalay tababar qaatayaashuna sii gaadhsiiyaan goobaha waxbarasho ee ay ku sugan yihiin.

Ganacsatada DDSI Oo 32 Millyan Oogu Deeqay Bulshada Ay Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 12ka February 2017. Kulan ay ujeedadiisu tahay sidii ganacsatada DDSI uga  qaybqaadan lahaayeen  gar gaarka la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen oo ay soo diyaariyeen ganacsatada DDSI ayaa ka dhacay madasha  shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ganacasatada DDSI, shirkadaha iskaashatooyinka DDSI iyo odayaasha deegaanka.

Waxaana furitaankii kulanka ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka ka bixiyay xaalada guud ee saamaynta abaaruhu ku yeesheen qaarka mid ah bulshada DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI iyo xukuumada federalkuba u gashay sidii looga samata bixin lahaa bulshada xaaladaasi abaaraha. Madaxwaynaha ayaana tilmaamay in qorshaha xukuumada DDSI qaadatay yahay in uuna qofna u dhiman  xaaladaha abaaraha. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa intaa ku daray inay 53 oo goobood oo ah ceelasha ay xooluhu ka cabaan lagu diyaariyay calafka xoolaha iyo cuntaba,

Ganacasata DDSI, shirkadaha  ay ka mid ka yihiin kaah iyo dahabshiil iyo hayada lacagaha yar yare e DDSI ayaa kulankaasi ku yaboohay aduun lacageed oo dhan 32 millyan oo bir in ay kaga qayb-qaadanayaan gar gaarka la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen. Waxaana halkaa lagu doortay xubno gudiga abaaraha ah.

 


Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay Wafti Ka Socday Somaliland.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), Isniin, 13ka February, 2017. Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI  marwo Raxma Suldan Maxamud Haybe ayaa Maanta xaflad  hadhimo sharafeed gurigeeda ugu samaysay wafti ka socday somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland Dr Saleebaan Ciise (xagletoosiye) ayna ku wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaarada arimaha shaqada iyo arimaha bulshada somaliland  mudane Maxamed Cilmi aadan iyo afhayeen  ku xigeenka madaxtooyada somalilind mudane Cabdiqani Askar kuwaasi oo shalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI ku  soo dhaweeyay magaalada tog jawaale uu xuduuda labada wadan ee somaliland iyo itoobiya.

Xafladan hadhimo sharafeedka ah  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin  wasiirka  Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha X.D.SH.S.I mudana Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane  maxamuud axmed nuur (heeryo) wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada DDSI.

Dhinaca kale waxaa maalmihii la soodhaafay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ku sugnaa wafti ka socday somaliland oo uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga kulmiya ahna musharaxa madaxwaynaha somaliland ee xisbiga kulmiye ee haya talada dalka somaliland mudane muuse biixi cabdi  kuwaas oo soo booqday soona arkay mashaariicaha horumarineed ee dawlada deegaanka soomlida itoobiya ka hirgalisay caasimada ddsi ee magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Waxaa kale oo  xusid mudan in DDSI  ay ku sugan yihiin arday aad u tiro badan  oo ka yimiday somaliland  oo deeq waxbarasho ay siisay DDSI  taasi oo muujinaysa sida xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya ahmiyad wayn u siinayso daris wanaaga iyo wadashaqaynta dariska wanaaga ee dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, iskaashiga, nabadgalyada iyo xidhiidhka dhaqan dhaqaale.   

   

 

   

M.M Qabridahar iyo Tababar Looqabtay Macalimiinta Luuqada Afka-Hooyo

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Isniin 13ka February 2017. Tababar Kor loogu qaadayo aqoonta barayaasha luuqada afka-soomaaliga islamarkaana ay soo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI loona hayay macalimiinta luuqada afka- hooyo ee dhamaan degmooyinka hoosyimaada Gobolka Qoraxey iyo qaarkamid ah Gobolka Doolo ayaa si habsami leh uga bilowday magaalada Qabridahar ee xarunta gobolka Qoraxey.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay iskuduwaha kooxda tababarka bixinaysa ahna khabiir katirsan xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka hooyo. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay casharad bixinayaan macalimiin u xeel dheer barashada luuqada afka hooyo islamarkaana tababaro sare u soo qaatay.

Sidoookale, iskuduwaha kooxda oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in tababarkani uu socon doono mudo 10 maalmood ah islamarkaana markuu dhamaado faaiido balaadhan u yeelan doona macalimiinta iyo ardaydaba.

Ugdanbayna dhankooda macalimiintii tababarka qaadanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan. Waxayna carabka kudhufteen in casharo cilmi ah islamarkaana faaiido badan uleh.

 

Madaxwaynaha JDFI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Si Heer Sare Ah Loo soo Dhaweeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 13ka February 2017. Waxaa galinkii danbe ee maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal Air-port si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Tosheme iyo wafuud uu hogaaminayay, waxaana si meeqeem sare leh usoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  Wasiirka wasaarada  gaashaandhiga JDFI mudane Siraaj Fergesa, abuunduulaha guud  ee ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane jeneral Samora Yohanis,Taliyaha ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya ee koonfur bari Literal jeneral Abraham Wolde Mariam, Maxadwaynaha JDFI  ayayna salaam sharafeed kusoo dhaweeyeen ciidanka difaaca qaranka dalkeena. Sidoo kale waxaa madaxwaynaha garoonka kusoo dhaweeyay odayaasha deegaanka iyo kooxaha fanka deegaanka.

Sidoo kale waxaa galinkii horee maanta si heer sare ah loogusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal Air-port Wasiirka wasaarada  gaashaandhiga JDFI mudane Siraaj Fergesa, abuunduulaha guud  ee ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane jenerala Samora Yohanis,  Wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide iyo masuuliyiin sare ah oo heer federal ah islamarkaana ka qaybgali doona xuska maalinta ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya.

Hadaba masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee garaad wiilwaal airport kusoo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Taliyaha ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya ee koonfur bari Literal jenerala Abraham Wolde Mariam, masuuliyiin sare oo heer deegaan ah iyo masuliyiin ciidanka difaaca qaranka dalkeena ah,

Sikastaba ha ahaatee masuuliyiintan ka socaday JDFI ee uu ugu horeeyo madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Tosheme iyo wafuudan kala duwan ee lagusoo dhaweeyay garoonka caalimiga ah ee garaad wiilwaal Air-port ayaa uyimaaday inay ka qaybgalaan xuska maalinta ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya oo maalinta bari ah ka dhaci doona deegaankeena.

Xaflad Casho Sharaf Ah Oo Loo Qabtay Masuuliyiinta Ka Qaybgalaysa xuska Ciidamada Qaranka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Isniin, 13ka February, 2017. waxaa caawa ka dhacay barxada wayn ee kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI xaflad casho sharaf ah oo lagu soo dhawaynayay  masuuliyiinta ka qaybgalaysa munaasabada xuska ciidamada difaaca qaranka dalkeena itoobiya  oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu teshome, wasiirka wasaarada gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj fergesa, abaanduulaha guud ee ciidamada difaaca qaranka JDFI mudane Jeneraal Samore Yohanis iyo taliyaha guud ee ciidamad difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya Literal Jeneraal Abraham Wolde mariam.

Dhinaca kale waxaa xafladan casho sharafta ah  ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

 

 

Xuska 5aad Ee Ciidamada Difaaca Qaranka JDFI Oo Si Heer Qaran ah Loogu Xusay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), talaado, 14ka February, 2017. Waxaa maanta si qurux badan oo heer qaran ah  loogu dabaal dagay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan  garoonka kubada cagta ee jigjiga munaasabada  xuska 5aad ee ciidamada difaaca qaranka JDFI.

Hadaba Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan  loo soo agasimay  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa JDFI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha JDFI mudane Mulatu Teshome,  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj  Fergesa, abaanduulaha guud ee ciidamada difaaca qaranka mudane general Samore Yohanis, taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya literal general  Abrahan  wodle mariam, saraakiisha kala duwan ee ciidamada Difaaca qaranka JDFI,  taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI general cabdiraxmaan cabdilahi buraale, saraakiisha kala duwan ee ciidanka amniga DDSI, golaha wasiirada DDSI, odayaasha dhaqanka deegaanka, masuuliyiin ka socday soomaliland oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha somaliland ee xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi   iyo  wafti ka socday dalka jabuuti.

Xuskan ayaa  ujeedadiisu ahayd sidii ay ciidama qaranku u muujin lahaayeen balantii ilaalinta dastuurka JDFI islamarkaana abaalmarino kala duwan iyo bilad  geesiyeed loo gudoonsiin lahaa  ciimada difaaca qaranka ee guulaha ka keenay la dagaalanka argagixisa gaar ahaan kooxda alshabaab ee ka dhaq-dhaqaaqda dalka soomaliya

Munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay madaxwaynaha JDFI mudane mutale teshome isaga oo ugu harayntii ugu hambalyeeyay munaasabadan xuska 5aad dhamaan ciidamada difaaca qaranka JDFI .Wuxuuna sheegay in ciidamada difaaca itoobiya tusaale kudayasho mudan  u yihiin Dhamaanba ciidamada  Africa . madaxwaynaha ayaa ku amaanay  ciidamada difaaca qaranka  guulaha geesinimo ee ay soo hooyeen la dagaalanka argagixisada alshabaab iyo kaalinta  ay ka  gaysteen  hawlaha nabadgalyada geeska Africa.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in munaasabadan lagu qabto xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Madaxwaynaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay sooyaalkii taariikheed ee deegaanka iyo dalka gaar ahaan dhibaatooyinkii ay shacabka DDSI ku hayn jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kaligii taliska dhergiga.  Madaxwayne  cabdi maxamuud cumar  Wuxuuna  sheegay sida ciimada difaaca qaranka dalkeena itoobiya isku garab taageen bulshada DDSI ee u badan xoolo dhaqatada gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo horumar.  madaxwaynaah DDSI   ayaa tilmaamay in garoonka munaasabada xuska ciidanka qaranka maanta lagu qabtay ahaan jiray xiligii dhergiga xarun ay yaalaan oo kaliya Kaarayaal, Hubabka cul-culis iyo xarumo ciidan balse maanta dhalashadii itoobiya cusub ka dib  guulaha waawayn ee dhaxal galka ah ee ay keeneen ciidanka difaaca qaranku  ay noqotay  goobtani iyo guud ahaanba deegaanka soomalida itoobiya goob horumar. Madaxwaynaha ayaa sheegay in goobtii uu kaaruhu yaalay lagu badalay gaadiidka horumarka sida cagafyo iyo mishiinada kale ee loo adeegsado mashaariicaha horumarka.

Abaanduulaha guud ee ciidamda difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane gereraal Samore Yohanis oo munaasabadan  ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsatay sida ciidamda difaaca garanku guulo waawayn uga soo hooyeen la dagaalanka iyo baabiinta kooxda argagixisada alshabab iyada oo ay ciidamada difaaca qaranku garab siinayaan shacabka aan walaalaha nahay ee  dalka soomaliya.

Dhankiisa taliyaha guud ee ciidamda qaranka qaybta koonfur bari toobiya mudane literal Jeneral Abraham Wodle Mariam ayaa Si qoto dheer uga hadlay kaalinta muga leh ee ay ka qaadanayaan ciimada difaaca qaranka JDFI  hawlaha gobolka ee dhanka nabadaynta iyo la dagaalanka argagixisada isaga oo sheegay in ay sii wadidoonaan garabsiinta shacabka dalka  soomaliya ee aan dariska nahay  si ay uga adkaadaan kooxda argagixisada alshabaab ciidankeena difaaca qarankuna ay qabwayn ka qaateen hawlgalada Amnison  ka wada dalka soomaliya.

Munaasabadan oo ahayd mid soo jiidasho gaar ah leh oo ay ciidamda qaranka, iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu boolisku ay ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar  iyo anshax wanaaga ciidannimo iyada oo ay intaasi dheerayd  Dabaal daga iyo damaashaadka ay ku muuniyayeen dhanka technology casriga ah ay ka gaadheen ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya    ee mulatarinimo  ee dhinaca  cirka kuwaasi oo ay diyaarado xawaaro dheerayna ku socda ay dul weehaamayeen garoonka ay  munaasabadani ka socoto  iyo magaalada jigjigaba.

 

Gabagabadii munaasabadan ayaa madaxwaynaha JDFI mudan Dr mulatu teshome uu  abaalmarino kala duwan iyo bilado geesiyo   gudonsiiyay ciidamada guusha ka soo hooyay la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee alshabaab ee ka dhaq- dhaqaaqa dalka soomaliya. 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live