Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

SHIRKI MAANTA EE JAAMACADA CAMBERRA AUSTRALIA

$
0
0

 Camberra ( cakaaranews) Sabti 11 June 2016, Shir maanta jaamacada camberra ka dhacay oo ay diyaariyeen arday tiro yar oo ka soo jeeday qoomiyadaha kale ee dalka itoobiya oo si heer sare ah u qabsoomay  iyo UBBO oo halgan keedii noqday inay wax edit garayso.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si habsami ah uga  jawaabay su’aalihii  ay ardaydu waydiisay kadib markuu dhameeyayna loo sheegay inay saacadii afurka gaadhay maadaama oo ay dad la afurayay sugayeena sidaas ku baxay.  islamarkaana dad uu la afurayay ay sugayeen hadaba su’aashu waxay tahay video la edit gareeyo iyo qaylo lagu korduubo ma halgan baa? Jawaabtu waa maya!!! waxaa kaloon waydiinaynaa Maxamed ismaaciil, cadaani, maxamed mursal iyo xaaskiisa  UBBO hadhcad baan cagta marinay  oo aan deegaanka ka saaray ee jawabtiinu ma qaylo iyo editing been abuur ahbaa. Tabartiinu ma intaasaa?


Safaarada Turkiga Oo Afur-sharafeed U Samaysay Madaxwayne Kuxigeenka DDSI

$
0
0

Adhisababa( cakaaranews ) sabti 11ka june 2016. Safiirka safaarada turkiga ee wadanka itobiya ayaa afur-sharafeed heer sare ah u sameeyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax.

Afur-sharafeedkan ayaa waxaa madaxwayne kuxigeenka ku wahelinayay madaxwaynaha deegaanka Herarida, afhayeenka herarida, iyo madax-xafiiseedka xafiiska maayorka diredhaba.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo safiirka  ayaa  kawada hadlay arrimo muhiim u ah deegaankeena oo ay kamid yihiin qalabaynta hospitaalka wayn ee meles-memorial referral hospital iyo dhanka waxbarashada gaar ahaan iskuulada modelka ah. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii la isugu xidhi lahaa labada magaalo ee jigjiga iyo stanbul khaasatan dhanka nidaamyada horumarinta

Ugu danbayna madaxwayne kuxigeenka ayaa ku casuuntay safiirka turkiga inuu yimaado magaalada jigjiga ee xarunta DDSI kaasoo imaanshihiisa lafilayo goor-dhaw.

Dufcadii 11Aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaraNews) sabti,  11ka June , 2016Xaflad si meeqaamsare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen  dufcadii 11aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga   xirfadlayaal caafimaadka  oo dhan 464 arday  ayaa ka dhacday madasha shirarka  Sayid MCX.

Xafladan  oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay   ayaa waxaa ka soo qaybgalay  masuuliyiin heer qaran iyo heer deegan oo ay ka mid yihiin wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka ee heer federal mudane Dr Amiin Amaan, madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir xasan, Wasiirka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid ,maareeyaha kuliyada caafimaadka mudane kamal cabdilaahi haybe, masuuliyii  heer deegaan ah iyo waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay.

Xafladan  qalinjabinta ayaa ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka ee heer deegaan iyo heer qaranba gaar ahaana fidinta adeegyada caafimaadka ay u dhaarteen in bulshada deegaanka ugu fidiyan sidaacadnimo leh oo ay u hagarbaxaan bulshadooda sidii ay ugu fidinlahaayeen xirfadihii ay barteen.

dhinaca kale waxaa Isna ka hadlay Wasiirka caafimaadka DDSI  mudane Cabditataax  Siciid oo ugu horayntii u hanbalyeeyay ardaydan qalinjabiyayaasha isaga oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tirada iyo tayada cududa waxbaratay. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay isbadal muuqda ka keenaan xoojinta adeegyada caafimaadka

dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi Haybe  oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan  iyo intii  kuliyada la aas aasay wuxuuna sheegay in ay maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 464, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka ee ay ka mid yihiin,  pharmacy, clinical, mid-wifery laboratary iyo public nurse iyo  anesthesia  ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo MDG.

Ugu danbayntii waxaa ka hadlay  wasiiru dawlada wasaarada caafimaadka  JDFI mudane Dr Amiir Amaan oo  ku booriyay ardayda qalinjabinayshay in ay isbedel Horumarineed ka keenaan hirgalinta qorshaha ee siyaasada caafimaadka dalka  ee qorshaha GTP2ga  islamarkaasna ka midhodhaliyaan dadaalkii ay  xukuumadu galisay Una adeegaan bulshadii ay wax u soo barteen.

Isku soo wada duub oo   xukuumada DDSI ayaa sanadihii u danbeeyay ku talaabsaday horumar baaxad leh oo dhinacyada waxbarashada nuucyadeeda kaladuwan taas oo soojiidatay indhaha caalamka gaar ahaan  wadamad aan  dariska nahay  waxayna awooday xukuumada DDSI in ay sanadihii ugu danbeeyay deeq waxbarasho siiso wadamada aan dariska nahay ee somaliland, putiland iyo  jubaland waxaanay xusid mudan in ay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka ee jigjiga ay ka mid ahaayeen  30 arday oo bartay  xirfadaha caafimaadka  kuwaasi oo ahaa ardayda deeqda waxbarasho ay siisay xukuumda DDSI kuwaasi oo ah arday   u dhasha somaliland iyo putiland.

 

Tababar Ku Saabsan Qorshaha Qoyska Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Sabti, 11ka, June, 2016 Tababar  ay  si wadajir ah u soo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI, Ururka horumarinta soomaalida Itoobiya  iyo hay'adda ACPA oo ku saabsanaa Qorshaha Qoyska (Comprehensive family planning) islamarkaana  socday muddo 12 maalmood  ayaa lagu soo gabagabeeyay  hoolka shirarka ee Meles zinawi memorial Referal Hospital.

Tarbarkan oo loo hayay 23 xirfadlayaal caafimaad  oo ka kala socday  gobolada;- Sitti, Nogob, Afder iyo Faafan gaar ahaan degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca RIF ayaa waxay  ujeedadiisu ahay in la kobciyo garaadka aqooneed  xirfadlayaasha caafimaadka ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee ku aadan bixinta adeega qorshaha qoyska ee casriga ah (modern family planning) waana qorshee ah istaraatiigiyadaha hoos loogu dhigo dhimashada hooyada iyo dhalaanka

soo xidhitaankii tababarka ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaano RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo yidhi "Tababar la qaataa oo kaliya macno ma keenayso ee waxaa loo baahan yahay in lagu daro muwaadinimo, ka go'naansho, qadarin iyo u danqasho u madeena". Masuulka ayaa kula dardaarmay xubnihii tababarka qaatay inay bulshada uga faaiideeyaan uguna adeegaan cilmigii ay 12ka maalmood baranayeen.

Waxaa kale oo ka hadlay Ku xigeenka ahna ku simaha maareeyaha guud ee Ururka hormarinta soomaalida itoobiya mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf oo sheegay in hadii la helo hooyo caafimaad qabta la helayo ilno/cunug caafimaad qaba, haddii la helo  hooyo iyo ilmo/caruur caafimaad qabta in la helay  qoys caafimaad qaba, kadib bulsho caafimaad qabta kadib umad iyo wadan caafimaad qaba, waana mid kamida qorsha yaasha GTP-2ga.  Ayuu yidhi masuulku.

 

Waxaa dhankiisa hadala kooban ka soo jeediyay wakiilkii hay'ada ACPA ka socday mudane Badal Faarax, oo sheegay tababarkani inuu aad muhiim ugu yahay xirfadlayaasha caafimaadka ka hawlgala xurumaha caafimaadka ee ku hawlan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh maadaama uu aqoon tooda dhanka qorshaha qoyska kor u qaadayo.

Jawaab celintii Deg Dega Ahayd Ee Xafiiska Ka Hortaga Iyo U diyaar Garowga Masiibooyinka Uu Ka Bixiyay fatahaadihii Togaga Iyo Wabiyada

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Isniin 2da May 2016 Jawaab celin deg deg ah oo xukuumada DDSI uga Talagashay dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ee ku sugnaa agagaarka togaga iyo wabiyada ayaa saaka Qaybintii u horeysay laga bilaabay qabaleeyo kamid ah maamulka magaalada qabridahar iyo kuwo Degmada ahba.

Hadaba wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed Daahir ismaaciil oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay goobihii ugu horeeyay ay Gaadh siyeen gurmad isugu jira raashin bustayaal iyo teendhooyin wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay Gaadhsiin doonaan dhamaan goobaha ay fatahaada togaga iyo kuwa wabigaba sameeyeen tanina aysan Ahayn midi ugu horeysey ee uu xafiisku qabto balse uu xafiisku kasoo qayb qaatay goobaha ay ka Dhaceen masiibooyinka dabiiciga ah .

Ugu danbayna waxa uu wasiirku sheegay  inuu xafiisku shaqadiisii haysto una taaganyahay sidii uu uga Jawaabi lahaa baahida bulshada deegaanka waxa uuna wasiirku xusay in qaybinta agabkan uu kala qayb Qaatay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane yuusuf aadan yuusuf iyagoo siwada jir ah uga bilabaay Xarunta gobolka qoraxey ee degmada qabridahar.

Talaalka isku dhafka ah oo la soo gabagabeeyay qaybtii dabaysha(polio)

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 2da May , 2016. xidhiidhiyaha kor uqaadida caafimaadka, nadaafada iyo fayadhowrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews wakhti uu ka soo noqday kormeer shaqo oo uu ku soo maray degmooyinka gobolka Erer  ayaa sheegay in natiijo guul ah lagu soo gabagabeeyay talaalkii isku dhafka ahaa qaybtiisa talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio)  ee todobaadkii hore laga bilaabay guud ahaanba deegaanka.

Wuxuuna sheegay in talaalkan oo iskugu jiray laba nooc oo kala ah talaalka ka hortaga cudurka dabaysha/polio  oo ahaa nooca  afka qalaad lagu yidhaahdo  trivalent OPV   uu ahaa kii ugu danbeeyay ee la siiyo caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano jir kaasi oo    sidii loogu talagalay loo gaadhsiiyay caruur tiradoodu dhan tahay 998,917 oo u dhigan in la gaadhay 99% qorshihii yaalay talaalkan. Wuxuuna   sheegay masuulku in hada ka dib  loo guurayo nooca loo yaqaano Bivalent ,OPV kaasi oo lagu bixindoona goobaha caafimaadka ee barnaamijka talaalka joogtada ah.

Wuxuuna sheegay masuulku in talaalka 2aad oo ahaa talaalka ka hortaga cudurka jadeecada oo laga talaalayay caruurta dadoodu u  dhaxayso lix bilood ilaa shan iyo toban sano  jir in uu wali goobaha qaar ka sii socto si loo gaadhi ilmo kasta oo ay da’diisu ka hoosayso 15 sano jir oo ku dhaqan deegaanka gaar ahaan kuwa ku nool miyiga fog-fog.

 

Ugu danbayntii masulka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay fariin uu u dirayo waalidiinta dhashay  caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir in ay ku xidhnaadaan goobaha caafimaadka ee ay xukuumadu ugu diyaarisay talaalka joogtada ah si looga hortaga cudurada dilaaga ah ee talaalka lagaga hortagi karo.

Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Maamulka Miisaaniyadaha oo la soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) isniin, 2da, May , 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka kulan lagaga hadlayay kor u qaadida nidaamka miisaaniyadaha(PFM) kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa  loo qabtay maamulada degmooyinka sida gudomiyeyaasha degmooyinka , madax xafiiseedyada maaliyadaha , madax xafiiseedyada biyaha & gadhwadeenada qorshaynta iyo miisaaniyada,

Kulankaasi oo socday mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiirka ku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  oo ka hadlay soo gabagabadii  kulankaasi ayaa sheegay  in   mudadii uu socday kulankaasi  lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa kor u qaadida  nidaamka maamulka maaliyadeed ( PFM ) kaasi oo aas aas u ah gaadhida hiigisa horumar waara oo dhinac kasta leh. Wuxuuna sheegay wasiirku in deegaankeenu uu safka hore kaga jiraa kor u qaadida maamulka  nidaamyada maaliyadeed ee degaanada dalka taas oo ku timid Dadaal  iyo  ka go’naansho dhanka hogaaminta ugu saraysa deeganka  iyo shaqooyin lagu Diirsaday  ee  ay qabteen heerarka kala duwan ee qaabdhismedka DDSI, haddaba si loo joogteeyo guulahaas  kor-u- qaadida nidaamka maaliyadeed Waxa lagama marman ah in marwalba laga wada tashado halka la marayo nidaamka miisaaniyadaha.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa ka  soo baxay fikir midaysan oo ah sidii loo sii xoojin lahaa nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) ee dhinacyada : shuruucaha maaliyadeed, qorshaynta miisaaniyada, Dakhli ururinta, kharash bixinta, maaraynta lacagaha, xisaabaadka, Iibka iyo maamulka hantida, hanti dhawrka gudaha iyo barnaamijka cadcadaanta iyo islaxisabtanka maaliyadeed ( FTA ).

MW CMC Oo Furay Shirka Qorshaha Horumarinta Xoolaha ee GTP2

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 4ta may 2016. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ka furay shir lagaga wada hadlayay qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa labaad ee dhanka horumarinta xoolaha ee heer qaran iyo heer deegaan. Kaas oo socon doona mudo sadex maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiiru dawlayaasha wasaarada Horumarinta xoolaha iyo Kaluumaysiga JDFI, marwo Dr Misraaq Mokonon iyo mudane Dr Gabre-isgaaber yohanis, Madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha Kabineega, Maaamulka Degmooyinka iyo dhamaanba heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer miyiga DDSI.
Furitaankii shirka ayaa waxaa madaxwaynaha madasha kusoo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaaraha horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Dr. Misraaq Mokonen.

Hadaba madaxwaynaha DDSI oo furay shirkan ayaa kahadlay muhiimada uu qorshahan horumarinta xoolo dhaqatada wajiga 2aad uu u leeyahay dalka iyo deegaankaba isagoo gaar ahaan xusay in isha kaliya ee nolosha bulshada Deegaanku ay kutiirsan tahay dhaqashada xoolaha. Wuxuuna madaxwaynuhu guriga kubooriyay in mudada uu socdo shirku ay si dhugleh u dhagaystaan soo-jeedinta qorshaha kadibna ay si cilmiyaysan uga doodaan qorshaha iyagoo waliba wakhtiga ilaalinaya.

Shirkan ayaa waxaa lagu maamusay halku-dhagyo ay kamid yihiin: anagoo raacayna habka casriga ah ee dhaqashada xoolaha waxaan xaqiijinaynaa in shaqooyinka laga qabanayo dhinaca xoolaha iyo waxsoosaarkooda ay noqdaan kuwo saldhig u ah Horumarka Cagaaran, iyo waliba hirgalinta yoolasha qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha, doorka hogaaminta iyo xirfadlayaasha heerarkooda kaladuwan waa mid muhiim ah.

Ugudanabayna shirka ayaa ku sii soconaya jadwalkii loogu talagalay ee soo jeedinta qorshaha iyo ka doodistiisa.


Dajinta Iyo Wax-soosaarka Beeraha 9kii Bilood Ee U Danbeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Khamiis 5ta May 2016, Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSi mudane Suldaan Maxamed (suldaankhayre) oo xafiiskiisa ugu waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa ka warbixiyay waxsoosaarka 9kiibilood ee u danbeeysay dhinaca dib-u dajinta gaarahaan gobolada laga hirgaliyay dib-udajinta. Wuxuuna sheegay wasiirku in 9kii bilood guulo waawayn laga soo hooyiyay qorshihii u dajisnaa xukuumada ee dhinacyada dajinta ee bulshada xoolodhaqatada ah loogu badalayo xoolodhaqato-beeraleey. Taasi oo looga faa’iidaynayo waxsoosaarka beeraha si ay u noqdaan bulsho wax soosaar leh oo iskufilaansho gaadha.

Sidookale wuxuu masuulku kawarbixiyay gobolada Afdheer , Shabeele iyo liibaan in ay 9 kii bilood ee u danbaysay ee sanadkan ladajiyay qoysas tiradoodu dhantahay 5,534 qoys oo markii horeahaa xoolo dhaqato hadana loo badalay xoolo dhaqato beeraleey. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in lagu guulaystay in labeero dhulbeereed dhan 119,695.50 hecter taas oo laga soosaaray dalag dhan 3,227,413.60 oo kiintaal islamarkaana ay kafaa’iidaysanayaan qoysas tiradoodu kor u dhaafayso144,093

 

 

 

Shirkii Qorshaha Horumarinta Xoolaha Oo La soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)  jimce, 6da May, 2016, Waxaa  hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunga deegaanka  lagu soo gabagabeeyay shir   lagaga hadlayay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaah GTP2 qaybtiisa dhinaca horumarinta xoolaha oo mudo 3maalmood ah socday.

shirkaa  oo loo hayay hogaaminta heerar keeda kala duwan ayaa  waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed faarax, wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga mudane Cabdinuur Colow iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo uu ugu horeeyo  wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe  Getaye,

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo xidhitaankii shirkaa ka soo jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee ay soo mareen xoolaha deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah  gaar ahaan  dhibaatooyinkii ku xeernaan jiray bulshada  xoolo dhaqatada  deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dadaal dheer oo loogalay sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay in kor looqaato tayada xoolaha deegaanka islamarkaana la hirgaliyay suuqgaynta xoolaha deegaanka, madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshahan isbadalka  koboca dhaqaalaha qayntiisa 2aad  ee dhinaca xoola xooga  la saarayo sidii loo sii awood siinlahaa  tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda gaar ahaan wax soo saarka xoolaha sida hilibka, caanaha iyo  subaga taasi oo lagaga faa’iidaysandoona dhinaca warshadaha  maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay xoolo dhaqato.

wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka  JDFI mudane Selashe Getaye oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya hodan ku yahay xoolaha nool iyo dhul  ku haboon saaqsinta xoolaha wuxuuna sheegay wasiirku in hadda loo furay albaabadii suuqgaynta xoolaha deegaanka. Waxa kale oo uu tilmaamay   wasiirku in kulankan mudadii uu socday lagaga wada hadlayay  hirgalinta qorshaha GTP2ga  ee dhinaca horumarinta xoolaha iyo ka faa’iidaysiga xoolaha.   Wuxuuna sheegay in kulanka noocan oo kale ah laga hirgalinayo dhamaanba deegaanada dalka wasiirka ayaa kula dar-daarmay hogaaminta heerarkeeda kala duwan in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumariyeen xoolaha deegaanka.

 

 

Mashruuca Dhismaha Maxjarka Ee Centerka Harre Oo Gabogabo maraya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews )Axad 8da May 2016, Mashruuca dhismaha ee maxjarka oo ay fulinayso Wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaar ka ah ee booliska DDSI ayaa maraya 92%. Kaasoo dhismihiisu ku fadhiyo 4 km2  islamarkaana loogu talagalay in uu adeega siiyo 100,000 oo neef oo isagujira Geel, Adhi iyo lo’a.

Hadaba maxjarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaarka ah ee Booliska mudane Cabdishugri Maxamuud Odowaa oo sheegay in maxjarkan dhismihiisu uu meel wanaagsan oo gabogabo ah  marayo islamarkaana ay rajaynayaan in maalin dhaw  xadhiga laga jari doono. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in maxjarkani uu faa iido balaadhan ku soo kordhin doono Dalka iyo deegaankaba maadaama uu yahay maxjar aad u wayn oo qaadi kara 100,000 oo neef. Kaasoo siin doona xoolaha adeeg caafimaad iyo waliba adeegii calafka iyo naaxinta. Ugudanabayna wuxuu xusay masuulku in maxjarkani uu dabooli doono in badan oo ah baahidii dhanka maxjar la’aanta ee bulshada DDSI.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kawarbixiyay  Site-managerka Mashruuca Dhismaha Maxjarka mudane Cabdinaasir Huruufe oo sheegay in mashruucani uu ka kooban yahay qaybo badan  oo kaladuwan kuwaas oo kala ah xerooyinkii xoolaha, baraagihii biyaha, Guryihii jiifka ee dhakhaatiirta xoolaha, guryihii jiifka ee shaqaalaha maxjarka iyo goobihii dawaynta iyo naaxinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in maxjarkani markuu dhamaado uu dad farabadan oo deegaanka ah shaqo abuur u samayn doono.

 

MW CMC Oo Furay Tababarkii Hogaaminta XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Kali kafuray tababarka hogaaminta XDSHSI heerarkiisa kaladuwan oo soconaya mudo 10 bari ah.

Furitaankii tababarkan hogaaminta XDSHSI ayuu madaxwaynuhu sheegay casharada lagu qaadanayo oo ay kamid yihiin: sooyaalkii taariikheed ee deegaanka dhinaca siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo ladagaalanka aragtida dulsaarnimada sida: musuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga iyo argagixisada.

Waxaana tababarkan kasoo qaybgalay heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo oo tiradoodu kor udhaafayso 1,500 oo xubnood.

Casharada tababarkan ayaa waxaa bixinaya hogaaminta ugu saraysa XDSHSI oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeen XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xil-dhibaanada mudane Maxamedrashiid isaaq iyo mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo waliba mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaana casharkii ugu horeeyay ee tababarkan kubilaabay dhanka nabadgelyada iyadoo galikii hore ee maanta halkaa kusoo xidhmay. Niska danbana lagalayo doodii casharkii saaka.

Dood Cilmiyeedkii Casharkii Saaka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9kii may 2016. Kadib casharkii saaka uu madaxwaynuhu siiyay hogaaminta XDSHSI heerarkooda kaladuwan kuna saabsanaa sooyaalkii dhanka nabadgelyada deegaanka ee kadhacaa kadagta ahaan jiray iyo isbadalka nabadgelyo ee maanta ayay galinkii danbe kooxihii, kooxo-hoosaadyadii iyo unug-kooxeedyadii isugu xidhnaa 120, 60, 30 iyo 1 ilaa 5 xubnood ay si cilmiyaysan ugadoodeen islamarkaana ay fikiradoodii dooda oo qoraal ah u gudbiyeen horjoogayaashoodii iyadoo iskuhabayn kadibna ay horjoogayaasha kooxuhu guriga usoo jeedin doonaan ururinta fikirada doodaas si aqoon korodhsi, waayo aragnimo iyo talaba looga faaiido.

Hadaba dood cilmiyeedka casharka nabadgelyada ayaa kusalaysnayd xaaladihii kalagadisnaa ee ay nabadgelyada deegaanku soo martay, hogaamintii iyo ururadii wakhtiyadaas ladaalaa dhacaysay marxaladahaas nabadgelyo daro, nolol daro iyo jiritaan la’aaneed iyo tabaha cilmiyaysan ee lagaga gudbay laguna gaadhay nabadgelyada taamka ah ee maanta cid walba oo deegaanka ahi kunaaloonayso.

Soo Jeedintii Fikirada Dooda Kooxaha

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) talaado 10ka May 2016, tababarkii hogaaminta XDSHSI oo galay maalinkiisii labaad ayay saaka 9kii kooxood ee ka koobnaa 120ka xubnood  ee isugu xidhnaa 60,30,1 ilaa 5 xubnood ay bilaabeen soo jeedintii fikirada doodii casharkii shalay iyadoo ay fikirada oo urursan ay horjoogayaasha hogaaminta  kooxuhu soo jeedinayeen.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta kale ee XDSHSI ayaa ka dhagaysanayay  soo jeedinta fikirada kala duwan ee dooda kooxaha islamarkaana ay ka talo-bixinayeen kadib dhagaysashada soo jeedinta fikirada kooxaha hogaaminta.

Waxaana ilaa hada dooda fikiradoodii la dhagaystay koxdii 9aad iyo kooxdii 8aad iyadoo 7bada koxood ee hadhayna laga dhagaysan doono galinka danbe ee maanta .

MW CMC Oo Lakulmay Mas'uuliyiin Heer Federal iyo Bangiga Aduunka Kasocotay

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 11ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada mudane Cabdifataax ayaa saaka lakulmay mas'uuliyiin kasocotay bangiga aduunka oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kaadhiyaki Gezahun oo ay kamidyihiin: maamulaha bangiga aduunka ufadhiya itoobiya marwo Carolyn Turk iyo maareeyaha sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee beeraha.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan bangiga aduunka ayaa kawada hadlay dhinaca horumarka deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa gaar ahaan mashaariicaha ay maal-galiyaan bangiga aduunku ee PCDP.

Waxayna waftigani ka marag-kaceen horumarka laxaadka leh ee guud ahaan kahanaqaaday deegaanka iyagoo bogaadiyey deg-degsiinyaha horumarku usocdo. Waxayna sheegeen inay dhankooda si dar-dargalin ah ay taageera buuxda kagaysan doonaan horumarkan talaabsaday.

Ugudanbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay la kulankan masuuliyiintan isagoo halkaa kugudoonsiiyay hadiyaddo kaladuwan oo katarjumaya dhaqanka deegaanka. 


Xubno Al-shabaab Looga Shakisan yahay Oo Gacanta Lagu Dhigay

$
0
0

Afdheer(Cakaaranews) Khamiis, 12ka may 2016. Xubno looga shakisan yahay Al-shabaab balse deegaanka looga yaqaano al-qushaash ayuu sirdoonka deegaanku gacanta kusoo dhigay iyagoo sitay aqoonsiyo kaladuwan oo isugu jira kenya, maraykanka iyo ingiriiska islamarkaana kayimid dhanka Kenya. Kuwaas oo shirar ay ku abaabulayeen falal argagixiso oo kadhan ah deegaaanka iyo wadamada dariska ah kuhayay magaalooyinka buulo-xaawo, salalaw, agagaarka mandheera iyo xagar-dheer oo kamid ah meelaha ay alqushaashtu qorshayaashooda argagixisanimo kusamaystaan iyagoo waliba buulo-xaawo kulan kulayeeshay kooxo alqushaash ah oo halkaa tababar uga socday.

Hadaba xubnahan oo kakooban 6 xubnood ayaa  sida uu wariyahanaga ku sugun jiida hore ee degmada mooyaale noo sheegay inay xubnahani sheeganayaan beesha Guruur.Wuxuuna ka warbixiyay in goobaha ay kamidka yihiin tuulo barwaaqo, dodon-dhowe oo xero tababar ah, ceelcade oo dhanka kenya ah, golwayn oo ay habeen hore kasoo tageen iyo Carmada intaba inay kula kulmeen kooxda al-qushaash iyagoo wacyigalin argagixisanimo waday.

Si kastaba ha ahaatee hay’adaha amniga DDSI ayaa ku hawlan baadhista iyo xaqiijinta xubnahan looga shakisanyahay al-qushaash iyagoo hay’adahani hadh iyo habeenba si balaadhan uga warhaya xadka xuduuda dheer ee wadanka itoobiya uu laleeyahay wadamada dariska la ah.

Tacsi Tiiraanyo Leh. Inaalilaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun.

$
0
0

Minnesota( cakaaranews ) jimce, 13 may 2016, Jaaliyada DDSI ee North America oo Tacsi tiiraanyo leh udiraysa Qaraabadii iyo qoyskii uu kageeriyoodey marxuun Abdiraxman Mohamud Hussein Dalab (Ilkacase) Samir iyo Iimaan allaha kasiiyo Qoyskii iyo Qaraabadii uu kageeriyoodey Marxuun kana Qabriga Allaha Uwaasiciyo.

Maamulka jaaliyada iyo guud ahaanba jaaliyada DDSI ee kudhaqan North America waxay Siguud tacsi uga dirayaan  geerida Kutimid Marxuun ABDIRAHMAN MOHAMUD HUSSEIN (Ilkacase)oo maanta ku geeriyoodey Abad Hosbital ee kuyaala  magaalada Minneapolis gobolka Minnesota

War Deg-deg ah: Wakaalad Cusub Iyo Magacaabis Cusub

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 14ka may 2016. Waxaa saaka maareeyaha wakaalada  diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI oo ah wakaalad cusub loo magacaabay marwo Aamina Ibraahin Ismaaciil  oo ah muwaadinad u dhalatay deegaanka ahna marwo heerka aqoonteedu tahay degree. Lehna karti, khibrad dheer oo shaqo, bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba.

Hadaba wakaaladan oo ah wakaalad heer federal laga soo dhaadhiciyay ayaa waxqabad muhiim ah uyeelan doonta deegaankeena.

Gal-mudug Oo Katalaaba-qaaday Maleeshiyaad Waxyeelo Ugaystay Shacabka Gudaha Itoobiya

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Sabti, 14ka may 2016. Kadib heshiiskii qoraalka ahaa ee ay dhawaantan kalasixiixdeen dawlada federalka ah ee itoobiya iyo soomaaliya ee ay gaar ahaan wadagaleen dawlada deegaanka soomaalida itoobiya iyo dawlad goboleedka galmudug soomaaliya ee xadka wadaaga ayaa waxaa dhacday in maleeshiyaad kaxun heshiiskaas labada dhinac oo kasoo jeeda dhinaca galmudug inay si gardaro ah kusoo galeen gudaha itoobiya oo ay kudileen 3 ruux oo shacab ah gaadhina kugubeen.

Balse dawlad goboleedka galmudug oo kaxun arintaasi ayaa islamarkiiba gacanta kudhigtay maleeshiyaadkii oo kaga talaabo-qaaday xabsi iyagoo waliba sharciga latiigsan doona.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii labada dhinac ay wadagaadheen oo ahaa heshiis midaynaya nabad kuwada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah ayaan ahayn mid marnaba kuburaya shaqsiyaad kaxun walaaltinimada shacabka labada wadan ee xuduuda wadaaga.

Dhanka kalana, dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa soo dhawaysay talaabada deg-dega ah, kaxumaanshaha arintan iyo waliba go’aan qaadashada dawlad goboleedka galmudug oo kutilmaantay mid hirgalisay heshiiskii islamarkaana kuboorisay galmudug inay halkaa kasii wadaan dadaalka nabadaynta labada shacab iyo waliba kamidaysnaanta ladagaalanka cadawga shacabka labada dhinac ee walaalaha ah.

Arintan oo xalkeeda lagu dhameeyay si xeer dhaqameed ah oo raali galinaysa xeerka iyo dhaqanka labada shacab ee walaalaha ah siina xoojinaysa daris wanaaga labada wadan ayaa maalmihiiba waxaa kulan kayeeshay gudiyo kasocday labada dhinac iyadoo dhanka deegaanka soomaalida itoobiya ay kasocdeen: gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamuud Cali, janaralka ciidamada difaaca qaranka ee kifladoorka 13,aad mudane janaraal Khadiir, janaraalka ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska mudane janaraal Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale iyo xubno kale. dhanka galmudugna wasiirka madaxtooyada galmudug mudane xuseen qaasim yuusuf, wasiirka amniga galmudug mudane Cismaan Ciise Nuur, taliyaha nabadsugida galmudug mudane saadiq cumar xasan iyo taliye kuxigeenka ciidanka galmudug qaybta 21,aad mudane cabdulaahi aadan xuseen (ciro).

Abaalmarino Lagudoonsiiyay Shirkadaha Farsamada Gacanta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews )Axad 15 May 2016. Munaasabad lagu abaalmarinayay waxsoosaarka faaiidada shirkadaha farsamada gacanta oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, Heer Gobol iyo Heer Degmo oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirudawlayaal heer federal ah iyo marti sharaf kale ayaa caawa kadhacday Hoolka shirarka ee Kaali.

Hadaba mid kamid ah qorshayaasha ay xukuumadu u qaadatay in ay saboolnimada kaga saarto shacabka ayaa ah kor u qaadida waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha iyadoo sagaalka gobol ee deegaanka ka samaysay 9 kuliyadood oo lagu barto nooc kasta oo farsamo gacan ah.

Sidaadarteed, ardaydii  kaqalinjabisay kuliyadaha farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha ee gobolka shabeele, Qoraxay iyo jigjiiga ayaa la isugu xidhay shirkado soosaara qalabyada kaladuwan sida kuraasta, miisaska, sabuuradaha, sariiraha, iyo marfashyada kuwaas oo ay kamidyihiin shirkada Halgan, Tayo-wanaag, Bulxan,  Miyir, Daruuri iyo Dahare iyagoo caawa hoolka shirarka ee kaali lagu abaalmariyay kadib markii ay hirgaliyeen qorshihii ay xukuumadu saboolnimda kaga saaraysay shacabkeeda iyo kagudubkii fikirkii cidhiidhyanaa ee mashaqaystenimada.

Sikastaba ha ahaatee, shirkadahan oo isugu jira agoontii ciidanka gaarka ah, hormuudkii nabada qaatay ee horay uga midka ahaan jiray nabad diidkii UBBO, dhalintii deegaanka ee kuliyadaha farsamooyinka ka soo qalinjabisay ayaa waxaa lagu abaalmariyay waxsoosaarkoodii farsamada gacanta iyagoo dugsiyada deegaanka u sameeyay in kabadan 40kun oo kursi iyo miisas. Waxayna faa’iidada ay ka heleen waxsoosaarkoodu uu noqday sidan: shirkada Halgan 1.784,861, Tayowanaag 1.757,251,Bulxan 1,784,861, Miyir 1,512,275, Daruuri 1,092,352, Dahare 1.512,275. Kuwaas Oo wadarta faaiidada ay heleen ay noqonayso 9,443,875.

Abaalmarintan ayaa waxaa gudoonsiiyay shirkadaha wasiiiru dawlaha wasaarada isgaadhsiinta xogaha casriga ah JDFI Marwo ifraax cali muuse, wasiiru dawlaha xafiiska Raisal wasaaraha JDFI marwo farxiya Maxamed Cumar, wasiirka Xafiiska Tababarada Farsamada iyo Xirfadaha DDSI mudane Naasir Xasan Axmed iyo waliba Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad

Ugudanbayna waxaa halkaas iyana lagu abaal mariyay kuliyadaha farsamada gacanta iyo xirfadahada DDSI ee shabeele, Qoraxay, iyo Jigjiga.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>