Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo U Ambabaxay Qabridahar

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Jamce, 3da june 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti aad ubalaadhan oo ay kamidyihiin mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ayaa saaka socdaal gaadiid ah xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka wadada dheer ee laamiga magaalada qabridahar.

Hadaba, ujeedada socdaalkan oo ah in maalinta bari ah xadhiga laga jaro garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar ayaa wax lasii socdo oo lasii maro gobolo, maamul magaalo, degmooyin iyo tuulooyin farabadanba waxaa xili gaaban lagaadhay qabridahar iyadoo islamarkiiba loo sii gudbay qabalaha maraacaato oo uu kasocdo dhismaha mashruuca biyo-xidheenka wayn. Halkaas oo kormeer iyo indha-indhayn lagu soo sameeyay qaab-shaqeedka mashruuca iyadoo kadibna loo soo dheelmaday xarunta gobolka qoraxey ahna maamulka magaalada qabridahar ee qabridahar.

Xadhig-kajarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar bari kalasoco www.cakaaranews.com


Imtixaanka Xaqiijinta Xirfada Ardayga Oo Goday Ka Furmay

$
0
0

Goday(cakaaranews) sabti, 4ta June 4, 2016, Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI qaybteeda  Goday  imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga  ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan  121 oo  arday kuwaasi oo  hore u soo dhamaystay waxbarashada level 1ka ee kuliyada  gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)

Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta   Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu  talagalay in lagu xaqiijiyo  tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii, xirfadiisa  iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay. 

Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo laguna xaqiijinayo  tayada aqoonta iyo xirfada ardayga.

 

 

 

Munaasabada Xadhig-kajarka Garoonka Caalamiga ah Ee Qabridahar

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Sabti 4ta june 2016. Munaasabad si heer qaran, heer deegaan, heer gobol iyo heer maamul magaalo ah  loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar ayaa kadhacday isla qabridahar gaar ahaan gagida diyaaradaha cusub ee magaalada qabridahar iyadoo waftigii heer federaal  ee kaqaybgalayay munaasabadan oo uu hogaaminayo Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal-wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalastarka dhaqaalaha iyo maaliyadaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonkan cusub. Taasoo ahayd diyaaradii ugu horaysay ee soo cagadhigatay islamarkaana kaduushay garoonkan heer caalam ee deegaanku dakhligiisa dheeriga kudhisay.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kamid ah hogaaminta dawlada dhexe iyo xukuumada DDSI oo ay kamidyihiin: Dr.Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka maaliyadaha iyo dhaqaalaha, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka gaadiidka dalka Dr. Warqineh Gebeyaw, wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada dalka mudane Axmedshide, maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka Engineer Tewodros, madaxwayne kuxigeenada DDSI, hogaaminta gobolada deegaanka, odoyaal dhaqameedka deegaanka, dhalinyarada, hooyooyinka, shacabka magaalada qabridahar iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Hadaba, munaasabadan oo ahayd mid taariikhi ah ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf isagoo shacabwaynaha dalka gaar ahaan shacabka DDSI ugu hambalyeeyay xadhigkajarka garoonkan cusub oo noqonaya kii 3,aad kadeegaan ahaan kadibna wuxuu madasha kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka Engineer Tewodros oo runtii qiray awooda waxqabadka iyo kago’naanshiiyaha xukuumada ee ay kudhistay garoonkan dakhligeedii dheeriga ahaa iyadoon waxba laga caawinin marka laga reebo tusaalooyin dhanka farsamada ah. Wuxuuna xaqiijiyay in xukuumada dhexe ay garoonkan u aqoonsatay mid heer caalami ah isagoo shacab waynaha dalka ugu hambalyeeyay adeeg bixinta garoonkani siin doono khaasatan shacabka Ddsi.

Sidoo kale, ayaa waxaa madasha hadalo dhaxalgal ah kasoo jeediyay wasiirka gaadiidka dalka Dr. worqineh Gebeyahu oo sheegay in deegaanka soomaalidu yahay hormuud mudan in deegaanada kale ee dalku ay kudaydaan maadaama oo ay noqdeen taariikhda markii 1, aad ee deegaan kamid ah  dalku sameeyo iskuday noocan ah oo ah ka aan maanta midhihiisii ufadhino.

Dhanka kalana, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kahadlay munaasabadan oo sheegay in dhicitaankii dhargiga kadib oo ahayd in isbadal yimaado uu deegaanku soo maray marxalado farabadan oo dib udhac dhanka horumarka iyo nabadgelyadaba ah. Balse, sanadihii udanbeeyay uu deegaanku kutalaabsaday horumar laxaad leh oo dhankasta  ah oo uu kamidyahay xadhig-kajarka garoonkan oo ah midhihii 20ka ginbood. Wuxuuna xusay faaiidada uu garoonkani uleeyahay dalka iyo deegaankaba. Kadibna, wuxuu madaxwaynuhu madasha kusoo dhaweeyay marti sharafka khaaska ah Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka maaliyadaha.

Dr. Debretsion ayaana si wayn ugu hambalyeeyay waxqabadka kago’naanshiinyaha leh ee xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo fahanka waxqabsi ee shacabka deegaanka isagoo sheegay in dhisida garoonkan miisaaniyad ahaan, shaqaale ahaan iyo qalab ahaanba ay fulisay xukuumada deegaanku. Taasi oo ah runtii arin kudayasho mudan oo aan horay dalka uga dhicin. Wuxuuna umahadceliyay xukuumada iyo shacabkaba isagoo kuladardaarmay in siday udhiseen ay u ilaashadaan.

 Ugudanbayna, Dr. debretsion, madaxwaynaha iyo wasiirka wasaarada gaadiidka dalka ayaa xadhiga kajaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaana Engineer Tewodros-maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka gudoonsiiyay xujadii lahaanshiiyaha garoonka iyadoo Dr. Debretsiona uu madaxwaynaha gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaal-marino khaas ah oo uu soo diyaariyay Engineerka shirkada diyaaradaha dalku. Kadibna, waxaa lasoo indha-indheeyay qaybaha kaladuwan ee groonku kakooban yahay iyadoo ugu danbaystiina qado sharaf si heer sare ah loo diyaariyay lagu soo gabagabeeyay munaasabadii xadhig-kajarka garoonka.

 

Duulimaadkii Ugu Horeeyay Garoonka Caalamiga ah Ee Qabridahar

$
0
0

Adhisababa  ( Cakaaranews ) sabti, 4tii june 2016. Kadib xadhig-kajarkii garoonka caalamiga ah ee qabridahar ayay waftigii dawlada federaalka ah ee uu hogaaminayay Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka dhaqaalaha iyo maaliyadaha  oo uu weheliyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar u ambabaxeen  dhanka xarunta dalka ee adhisababa iyagoo casar gaabadka niskii danbe ee maanta soo gaadhay caasimada dalka ee adhisababa.

Hadaba, duulitaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee garoonka cusub oo ay diyaaradi kaduusho iyadoo cagadhigadkii ugu horeeyayna samaysay saaka markay keentay waftiga heer federal. wuxuuna duulimaadka caadiga ahi si rasmi ah ubilaabmayaa todobaadkan.

Dufcadii 5aad Oo Ka Qalin-Jabisay Kuliyada Caafimaadka Goday.

$
0
0

Goday(cakaaranews) Axad, 5ta, may, 2016, Xaflad si  meeqaam sare loo soo agaasimay oo ay ku qalin-jabiyeen dufcadii 5aad ee kuliyada caafimaadka magaalada goday arday dhan 251 ayaa maanta ka dhacday  maamulka magaalada goday.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan qalin-jabinta masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska tababarata xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Xasan, wasiirka waraabka iyo horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed, maareeyaha kuliyada caafimaadka goday mudane Amiin maxamed xaaji,  gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun iyo   marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamad TVETKA DDSI mudane Naasir xasan kaasi oo ugu horaynitii ugu hanbalyeeyay ardaydan maanta ka qalinjabinaysa waxbarashadii ay mudada soo baranayeen gaar ahaan cilmiga caafimaadka  wuxuuna ka warbixiyay muhiimada ay leedahay waxbarashadu gaar ahaan cilmiga caafimaadka. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay  Bulshada uga hagar baxaan  Siinta Adeeg Caafimaad oo Hufan.

 

Masuuliyiintii kale ee ka hadashay xafladaasi oo ay ka mid  ahaayeen maareeyaha kuliyada mudane aamiin maxamed xaaji, wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan maxamed iyo gudoomiyaha gobolka shabeele mudane farxaan cabdi maajuun ayaa dhamaantood ka warbixiyay muhiimada ay leedahay waxbarashadu kuwaasi oo ku booriyay in ay ardaytan maanta qalin jabisay  ay si hagar la aan ah uga qayb-qaataan hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Xuska Maalinta Ilaalinta Deegaanka oo lagu xusay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad, 5ta, may 2016, Waxaa guud ahaanba caalamka sanadkasta bisha may 5teeda lagu xusaa maalinta ilaalinta deegaanka taasi oo deegaanka maanta laga xusay sanad guuradii 44aad ee maalinta ilaalinta deegaankav iyada oo lagu xusay dhirbeeris.

Haddaba xaflad lagu xusayay  munaasabadan sanad guurada 44aad ayaa ka dhacday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada ilaalinta deegaanka, kaymaha, macdanta iyo tamarta DDSI mudane Axmed xabiib, maareeye ku xigeenka wakaalada mudane cabdirisaaq dayib, shaqaalaha xafiiska iyo marti sharaf kale oo lagu maamuusay

Munaasabadan oo lagu xusayay dhirbeeris kadhacaday kuliyadaasi ayaa  waxaa ugu hortayntii ka hadlay maareeyaha wakaalada  ilaalinta deegaanka mudane Axmed Xabiib  oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xuska maalintani ilaalinta deegaanku isaga oo sheegay in deegaanku dadaalo balaadhan kasameeyay hirgalinta siyaasada cagaaran ee dalkeenan itoobiya islamarkaana uu  horumar balaadhan ka  hirgalinta qorshayaashii qaraaradii shirwaynihii caalami ee cimilada aduunka sidii looga hortagilahaa isbedelka cimilada iyo wasakhawga hawada ee qiiqa  sababo taas oo lagaga hortagi karo in ladaryeelo lana ilaaliyo deegaanka iyo dhirta oo labeero lana cagaariyo bay ada aynukunoolnahay taas oo  sharax dheer ka bixiyay  nidaamka loo ilaaliyo deegaanka.

Musaasabadan oo halku dhig looga dhigay   AAN LADAGAALANO KAGANACSIGA SHARCIDARADA AH EE DUURJOOGTA ayaa waxaa  Dhankiisa  isna  ka hadlay ku xigeenka wakaalada ilaalinta deegaanka  mudane Cabdirisaaq Dayib oo si qoto dheer u  iftiimiyay ahmiyada ay maalintani  u leedahay deegaanka  iyada oo uu xusay in maanta ka deegaan ahaan qaateen in ay ku muujiyaan munaasabadan dhirbeerid kaasi oo ka qayb ah qorsha horumarinta cagaaran ee dalka iyo deegaankaba

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Ay Wada Socdeen Oo Kulankoodii Ugu Horeeyay Layeelan doona Madaxda Federalka Australia

$
0
0

Sedney ( Cakaaranews ) isniin, 6dii june 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii ay wada socdeen ee kakoobnaa 13ka xubnood ee uu hogaaminayay afhayeenka golaha federeshinka JDFI mudane Yallaw Abate oo ay kamid ahaayeen: madaxwaynaha dawlada deegaanka tigray mudane Abay Woldu, madaxwaynaha dawlada deegaanka oromiya mudane mukhtaar khadiir, maareeyaha guud ee wakaalada hawlaha biyaha DDSI mudane Subeer Cabdi Axmed iyo gudoomiyaha jaaliyada waqooyiga America mudane Maxamed Shukri Nuur ayaa gaadhay garoonka Sedney ee wadanka Australia iyagoo halkaa u tagay aqoon is-waydaarsi iyo tababar uu soo diyaariyay xafiiska golaha federeshinka dalka iyo dawlada Australia oo kusaabsan dhanka federalismka. Waxayna shirkoodii ugu horeeyay maalinta bari ah layeelan doonaan madaxda dawlada federaalka ee Australia.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa dhamaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa dalka itoobiya dal iyo dibadaba ugu hambalyaynaya bisha barakaysan ee Ramadan  isagoo leh, ‘‘Ramadan kariim dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa reer itoobiya meel kasta oo ay caalamka kajoogaan’’.  Madaxwayaha ayaana kubooriyay dadka muslimiinta ah inay si kaduwan sidii hore isugu naxariistaan bisha ramadanka oo dadka masaakiinta ah, qaraabada, musaafurka iyo danyartaba lacaawiyaa.

Wuxuuna madaxwaynuhu halkan salaan gaar ah uga dirayaa dhamaan qurbajoogta DDSI gaar ahaan qurbajoogta reer Australia.

Ambassador Tiru Kendamariam Oo Casho Sharaf Gurigeeda Ugu Samaysay Waftiga

$
0
0

Sedney ( Cakaaranews ) isniin, 6da june 2016. Ambaasadhorka itoobiya  ufadhiya wadanka Australia marwo Tiru kendamariam ayaa caawa casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay gurigeeda ugu samaysay waftigii kakoobnaa 13ka xubnood ee uu kamid ka ahaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba waftigan oo utagay wadanka Australia tababar iyo aqoon iswaydaarsi kusaabsan dhanka federalismka ayaa maalinka bari ah ee inagu soo aadan aqalka baarlamaanka ee wadanka Australia  kula kulmi doona madaxda sare ee dawlada federalka Australia.


Kulan Shaqo abuur loogu sameeyay ilaa 700 oo haween ah

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 6da June, 2016 Xukuumada DDSI ayaa  dadaal xoogan ugu jirta sidii loo tirtirilahaa loona qalajin lahaa   saboolinimada  waxayna xukuumadu dajisay qorshayaal cilmiyaysan oo isku dheeli tiran kuwaasi oo lagu hirgalinayo gaadhida horumar waara oo aan soo noqod lahayn.

Haddaba Waxaana maanta shaqo abuur loo sameeyay ilaa 700 haweenka kuwaasi oo ah dadka dan yarta ah oo laga soo kala xulay degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka  DDSI waxa  la daymiyay aduun lacageed oo dha 7.5 millyan birr.

Waxaana maanta kulan la yeeshay haweenka loo furayay fursadaha shaqo masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale, wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada mudan Ibraahin Aadan mahdi iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah. 

 

Kulankaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa  waxa ugu  horayntii ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna DDSI  wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ee lagu dabar-jarayo saboolimada. Waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in sal u yihiin qorshayaashaasi xoojinta iyo abuuritaanka ilaha shaqada gaar ahaan abuuritaanka ilaha ganacsiga yar yar ee haweenka DDSI  si loog baxo saboolimada loona gaadha wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in dayntan haweenka la siinayaa ka mid tahay qorshayaasha kor loogu qaadayo kobcinta awooda dhaqaalaha deegaanka gaar ahaana haweenka DDSI si looga guulaysto saboolnimda.

Qaarka ka mid ah haweenka loo abuurayay illaha shaqada ayaa sheegay in ay siwayn ugu mahad naqayaan guud ahaanba xukuumada DDSI iyo XDSHSI  waxayna sheegeen in ay  muhiimada gaarka ah siiyeen  kor u qaadida nolosha dhaqaalaha  haweenka DDSI.

 

Maaha markii ugu horaysay ee ay xukuumada DDSI  u abuurto haweenka DDSI gaar ahaan kuwa  danyarta ah  illo shaqo ee waxa shaqo abuur loo sameeyay sanadihii ugu danbeeyay haweena aad u tiro badan kuwaasi oo ay hadda noloshooda dhaqaale marayso meel aad u saraysa.

Maanta Iyo Waftigii Australia

$
0
0

Sedney ( Cakaaranews ) Talaado, 7dii june 2016. Dawlada Australia ayaa si aad usaraysa usoo dhawaysay waftigii kasocday dawlada federalka itoobiya ee uu kamidka ahaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyagoo waftigu maanta mas’uulyiin sare oo dawlada Australia ah gaar ahaan baarlamaanka-gudiga joogtada ah ee qoondeeya miisaaniyada dalka Australia kulan layeeshay. Waxaana waftiga halkaa lagu soo hordhigay nidaamka iyo qorshaha miisaaniyada dalkaasi si ay khibrad iyo aqoon dheeri ah uga qaataan.

Hadaba dawlada Australia ayaa waxay u diyaarisay waftigan dad isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo farsamo-yaqaano ku-xeeldheer nidaamka qoondaynta miisaaniyada iyo doorka ay kuleeyihiin baarlamaanka iyo gudiyada kalagadisan si ay tababaro usiiyaan waftiga meesha uu waftiguna soo bandhigi doono nidaamka iyo qorshaha miisaaniyada dalka si aqoon la isu waydaarsado, khibradna loo kala helo.

Madaxwayne Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiyo Sare.

$
0
0

Awaare(CakaaraNews) talaado, 7da, June, 2016, Wafti uu hogaaminaye Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ay ku wehelinayaan wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore iyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan  ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay degmada Awaare oo gobolka jarar.

Waxaana halkaasi siwayn ugu soo dhaweeyay waftigan, masuuliyiin maamulka degmada awaare oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada awaare mudane cabdiwahaab maxamed shugri iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada awaare.

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa ahayd in ay xadhiga ka soo jaraan dugsiyada sare ee laga hirgaliyay degmada awaare iyo dugsiga sare ee laga hirgaliyay degmada daroor. Soo dhawayn ka dib madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintan ku wehelinayay socdaalka ayaa siwada jir ah xadhiga uga jaray dugsiga sare ee degmada awaare. Sidoo kalena waxay xadhiga ka jareen dugsiga sare ee degmad daroor ee Gobolka Jarar.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo xadhig ka jarkaasi ka dib la hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo xafiiska waxbarashaduba dadaal xoogan ugu jiraan sidii kor loogu sii qaadilahaa adeega waxbarashada deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in dugsiyadan sare ee ay hadda xadhiga ka jarayaan qayb ka tahay  horumarka xawliga leh ee ka hana qaaday DDSI, sidoo kale  ay ka   mid yihiin 14 dugsi sare oo sanadkan  uu hirgaliyay dhismahooda  xafiiska waxbarashada DDSI  kuwaasi oo intooda badan xadhiga laga jaray.

 

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada  waxay sheegeen in dugsiga sare ee dawladdu u dhistay ay aad ugu faraxsanyihiin ugana faaii-daysanayaan sidii loogu talo galay islamarkaana ay daryeelanayaan.

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Maamulada Magaalooyinka DDSI Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews), talaado, 7da June, 2016Waxaa Maanta Hoolka Shirarka Qaryaan Dhoodaan kabilaabmay Shirkii Qiimaynta waxqabadka 11kii  bilood ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee  Maamulada Magaalooyinka DDSI ee kala  ah  Jigjiga,Godey, Qabridahar iyo Dhagax-buur.

Shirkaas oo uu Hogaaminayay madaxwayne  ku  xigeen  ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha mudane cabdixakiin cigaal cumar  oo ay kuwehelinayen Wasiir ku xigenka Xafiiska Maamulka Mudane Deeq Cabdilaahi  Burale iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Axmed cabdi  maxamed  ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu qiimaynayo waxqabadka 11kii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana ugu horayntii shirkaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarina magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal  Cumar oo  soo bandhigay anjandayaasha shirkan qiimaynta ah iyo meelaha diirada la saaridoono  mudada uu socdo. wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in layskula xisaabtamayo fulinta qorshayaashii la kala qaatay ee dhinacyada adeeg bixinta, hirgalinta jidadka maamulada magaalooyinka, horumarinta iskaashatooyinka iyo abuuritaanka ilaha shaqada, nadaafada iyo bilicda maamulada magaalooyinka iyo waliba nidaamka dakhli ururinta wuxuuna madaxwayne ku xigeenku ku booriyay in ay masuuliyiinta maamulada magaalooyinku si cad cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.

Shirkan qiimaynta ah ee waxqabadka maamulada magaalooyinka ayaa sii socondoona maalmaha soo socda.  

Imtixaankii Fasalka 8aad Oo Bilawday

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews ) arbaco 8da June 2016. Waxaa saaka si rasmi ah dhamaan DDSI uga bilawday imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad kaasoo kabilawday 447 goobood oo deegaanka ah islamarkaana ay u fadhiisteen imtixaanka arday tiradoodu kor u dafayso 26,753 oo arday.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad uu maanta si rasmi ah uga bilawday dhamaan DDSI islamarkaana ay imtaxaanka u fadhisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 26,753 oo arday. wuxuuna intaa ku daray madaxwayne kuxiigeenku in  sidookale imtixaanka heer qaran ee faslka 10 aad uu si habsami leh u dhamaaday islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday  tiradoodu kor u dhaafayso 16,344  arday.

Ugudanbayna wuxuu xusay madaxwayne ku xigeenku in imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12aad uu bilaaami doono 27ka bisha sane 2008 T.i iyadoo imtaxaankana ay u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 8753 oo arday.

Tababar ku Saabsan Diwaangalinta Dhacdooyinka Muhiimka Ah Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaca, 8da June, 2016 Tababar ay iska kaashadeen wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI iyo wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Tababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd soo bandhiga diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ay u leeyihiin arimaha bulshada iyo dhaqaalaha ayaa waxa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiirka xeer ilaalinta guud  iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi, maareeyaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI marwo Elsa tasfaye, maareeyaha kuwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI marwo aamina ibraahin iyo masuuliyiin heer deegaan ah iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi oo sheegay in uu tababarkani ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto deegaanka maadaamo oo ay tahay wakaaladan diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI mid hadda laga hirgaliyay deegaanka. Isaga oo  ka warbixiyay wasiirku ahmiyada uu lahaa tababarkaasi. Wuxuuna ku booriyay wasiirka tababartayaashii in ay ka midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen mudadii uu socday tababarkani si looga midho dhaliyo shaqooyinka wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI.

Dhankeeda maareeyaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI marwo Aamina ibraahin oo ka warbixisay ujeedooyinka iyo istaraatajiyadaha loo aas aasay wakaaladan diwaangalinta waxayna sheegtay in diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah door wayn ku leeyihiin kor u qaadida arimaha bulshada iyo horumarkaba. waxayna tilmaantay in ay wakaaladu diwaangalindoonto arimaha ay ka midka yihiin diwaangalinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo furniinta. Waxayna tilmaantay maareeyuhu in tababarkana u fadhiyay nidaamka loo soo diwaangaliyo dhacdooyinka muhiimka ah.

 

Tababarkan oo socday mudo 3maalmood ah ayaa waxaa cashirada ka bixinayay khabiiro ka socday wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI.

Xafiiska Ka Hortaga iyo u Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI Oo Kooxo Khabiiro ah u Kala Diray Degmooyinka Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) khamiis, 9ka, June, 2016  Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramaya warbaahinta DDSI ayaa ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xafiisku ugu jiro sidii loo xakamayn lahaa saamaynta ay keenaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Wuxuuna sheegay wasiirku in dhawaan xafiisku kulan  la yeeshay xafiisyada horumarka  DDSI  sida xafiiska caafimaadka, biyaha, waxbarashada, xafiiska  beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah iyo haya’daha ay bahwadaagta yihiin xafiiska.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in kulankaasi lagu sameeyay kooxo khabiiro isku dhaf ah, kuwaasi oo hadda loo kala diray  dhamaanba degmooyinka deegaanka si ay u soo qiimeeyaan saamaynta ay gaysteen roobabkii guga ee dhawaan guud ahaanba deegaaka ka da’ay  gaar ahaan xaalada ay ku yeesheen nolosha bulshada  xoolo dhaqatada ah iyo dhinaca suuqgaynta. Sidoo kale waxa uu tilmaamay  wasiirku in khabiiradan isku dhafka ah ay daraasaad ku soo sameeyaan bulshada ay saamaysay cimilada isbadashay si  loo gaadhsiiyo gar-gaarka ay u baahan yihiin.

 

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegay in daraasaadka noocon oo kale ah  uu xafiisku sanadkiiba laba jeer sameeyo isaga oo kaashanaya xafiisyada iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin  wuxuuna sheegay in muddo 23 maalmood ah lagu soo gabagabayndoona daraasaadkan.


Tababar ku Saabsan Maaraynta Xogta Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews) Khamiis, 9ka June, 2016 Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar u soo xidhay xubno ka socday xafiisyada caafimaadka ee 45 degmo oo ka mid ah gobolada Nogob, Jarar, Doolo Qoraxay iyo Afdheer   kaasi oo ahaa tababarka tababarayaasha  ujeedadiisu ahayd nidaamka maaraynta xogaha caafimaadka

Waxaana soo xidhitaankii tababarkan ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDSI. Waxana ugu horayntii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan  agaasinka qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo  ka warbixiyay dadaalka xoogan ee  xafiiska caafimaadka  iyo xukuumada DDSI ugu jiraan hirgalinta iyo ka midho dhalinta siyaasada caafimaadka ee  salaysan tayaynta adeegyada caafimaadka. Masuulka ayaa sheegay ahmiyada uu lahaa tababarkan tababartayaasha ee maanta la soo afmeeray kaasi oo ahaa ayuu yidhi nidaamka habka maaraynta xogaha caafimaadka isga oo ku booriyay xubnaha qaatay tababarka tababartayaasha in ay sidii loogu tala galay uga midho dhaliyaan.

dhankiisa waxa ka hadlay soo xidhitaankii tababarkaa  maareeyaha mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay maaraynta xogaha caafimaadka. Wuxuuna xubnahan si qoto dheer ugu booriyay in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan cashiradii ay ku qaateen tababarka tababartayaashu mudadii uu socday si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada loo fudinayo gaar ahaan adeega  caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.

Tababarkan oo socday mudo 7maal-mood ayaa ugu danbayntii shahaado sharaf la gudoonsiiyay xubnihii qaatay tababarka tababartayaasha.

Umuliso Dhaqameedyada Gobolka Doolo Oo Tababar Loo Qabtay

$
0
0

Wardheer( cakaaranews ) jumce 10ka june 2016. Tababar ku saabsan kobcinta aqoonta umuliso dhaqeedyada gobolka doolo islamarkaana ay kasoo qaybgaleen 50 xubnod oo ah umuliso-dhaqameedyo ayaa  ka furmay hospitaalka Wardheer ee xarunta Gobolka Doolo.

Hadaba Gudoomiyaha Gobolka Doollo mudane Maxamuud Cali Axmed oo furitaankii tababarkan ka hadlay ayaa sheegay intababarkani yahay mid kor loogu qaadayo aqoonta umuliso-dhaqameedyada islamarkaana lagu barayo aqoonta casriga ah ee umulusanimo. Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay umuliso dhaqameedka in ay sifiican uga faa iidaystaan casharada labarayo islamarkaana ay ku dhaqmaan siyaasada caafimaad ee dalka bulshadoodana ay ugu adeegaan si daacada oo wadaniyadi ku dheehantahay.

 

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kahadlay Mareeyaha Guud ee Hospitalka Wardheer mudane Cumar Cismaan Biixi oo sheegey in tababarkani yahay mid umuliso dhaqameedyada gobolka lagu barayo sidii hooyo kasta ay ugu umuli lahayd xarun ama goob caafimaad islamarkaana umulisooyinku uga shaqayn lahaayeen goobaha iyo xarumaha caafimaadka gobolka una isticmaalaan nidaamka iyo qalabka caafimaadka labadaba.

 

 

 

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay garaad wiil-waal Airport.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) jimce, 10ka, June 10, 2016 Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr  Amiir Aman.

Waftigan ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed. Soo dhawayn ka dib waftigan ayaa waxaa loo soo galbiyay caasimada jigjiga.

Waxayna waftigani markii ay soo galeen xarunta deegaanka ee jigjiga booqdeen cusbitaalka Kaaraamardha ee magaalada jigjiga. wasiru dawlaha caafimaadka JDFI Dr Amiir Amar  ayaa u guurgalay adeegyada caafimaadka ee uu fudiyo cusbitaalka kaaraamardha  isaga oo ku soo waraagay dhamaanba waaxaha uu cusbitaalku ka kooban yahay sidoo kalena waraysanayay  xaaladaha bukaanka jiifa cusbitaalka Kaaraamardha.

Waftigan  uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI ayaa waxaa ku wehelinaya masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI iyo masuuliyiin ka socday dhamaanba xafiisyada caafimaadka ee deegaanada dalka iyo 2 maamul magaalo ee JDFI.

 

 

Shir Heer Qaran Ah Oo Lagu Qiimaynayo Hantida Iyo Maaliyadaha Adeega Caafimaadka Ayaa Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)  Jimce, 10ka June, 2016 waxaa maanta ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan huteelka xamda  shir heer qaran ah oo lagu qiimaynayo nidaamka isticmaalka hantida iyo maaliyadaha ee  adeega caafimaadka. Shirkan oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka JDFI ayaa waxaa ka soo qayb-galay wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amiir Amaan iyo masuuliyiinta xafiisyada caafimaadka ee dhamaan deegaanada dalka iyo 2da ismaamul magaalo.

Shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo ugu horayntii martidan ka soo qaybgashay shirkan  ku soo dhaweeyay deegaanka wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxan yahay marigalinta shirkan heer qaran ee lagu qiimayayo hantida iyo maaliyadaha adeegyada  caafimaadka.

 

Waxaa dhankiisa ka hadlay furitaankii shirkan qiimaynta ah wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amiir Amaan oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliyiinta caafimaadka DDSI sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen deegaanka wuxuuna sheegay in DDSI sanadihii ugu danbeeyay guulo balaadhan ka gaadhay dhinacyada horumarka gaar ahaan kor u qaadida adeegyada caafimaadka. Wasiiru dawlaha ayaa sharax dheer ka bixiyay siyaasada caafimaadka  heer qaran ee ku salaysan tayaynta adeegyada caafimaadka oo hufan. Wuxuuna sheegay in shirkani mudada uu socdo diirada lagu saaridoono nidaamka isticaalka hantida iyo maaliyadaha ee  adeega caafimaadka deegaanada iyo dalkaba. 

Shir Ay Yeesheen Xukuumada Iyo Shacabka Gaashaamo

$
0
0

 

Gaashaamo ( Cakaaranews ) Jamce, 10ka June 2016.  Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3dii bisha Sane, 2008TI kadhacay hoolka shirarka ee magaalada gaashaamo Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka degmada gaashaamo iyo xukuumada DDSI gaar ahaan saraakiil sare oo ciidanka qaranka ah, federal booliska, ciidanka liyuu booliska iyo mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada gaashaamo.

 Hadaba ujeedada shirkan ayaa ahayd in si dhab ah loo qiimeeyo xaaladii kadhacday qabalaha Jaamac-dubad ee degmada gaashaamo.

Sida aan lawada soconay waxaa baryahan danbe jirtay been iyo propaganda laga sameeyay dhacdadii kadhacday qabalaha jaamac-dubad oo isasoo taraysay. Dad badan oo mahubsade iyo balaayo abuur udhashay oo ay udheer tahay cadiifad qabiil ayaana abuurayay beenta aan loo meel dayin ee aan sal iyo raad toona lahayn ee iskaqorta ah.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan maanta dhacay ayaa si qoto-dheer  looga wada hadlay sidii ay xaaladu udhacday bilaw ilaa dhamaad. Waxaana la isla meel dhigay khaladka goobtaas kadhacay iyo cida iskaleh mas’uuliyada khasaaraha kadhashay. Ugudanbayna, wuxuu shirku kusoo gabagaboobay si guul iyo nabadgelyo ah.

Xaqiiqada dhacdadu udhacdayna waxaa la islaqaatay inay ahayd sidan hoos kuqoran:

Waxaa 27kii bishii Ginbood 2008TI maalintii sabtida ahayd, si kadis ah isugu dhacay baabuurka ambulanceta ee degmada gaashaamo oo markaa gar-gaar caafimaad  ugu sugnaa tuulada Booda-dheere ee degmada gaashaamo iyo baabuur kontaraban siday oo bilaa taariko ah.

Kadibna, darawalkii waday gaadhigii kontarabanku saaraa ayaa maadaama gaadhiga uu watay uu bilaa taariko ahaa islamarkaana uu ahaa gaadhi sharci daro ah intuu taayiradii gaadhiga naqaska kasaaray birana kalabaxay ayuu baxsaday si uu uga hortago inaan gaadhiga iyo isaga toona sharciga loo horgaynin.

Markaas kadib ayaa waxaa arinta maqlay ciidanka federal booliska. Waxaana goobtii tuulada booda-dheere tagay 15 askari oo isugu jirtay: ciidanka difaaca qaranka, federal boolis iyo liyuu boolis. Ciidankan 15ka ah ayaa maadaama uusan gaadhiga kontarabanka ahi usoconaynin oo taayiradii laga banjariyey waxay habeenimadii seexdeen tuuladii booda-dheere. Waxaana islahabeenkiiba si kadis ah ugu soo galay tuuladii gaadhi kayimid Hargeysa oo siday kontaraban islamarkaana ahaa gaadhi sharci daro ah. Waxaana qabtay ciidankii halkaa kusugnaa gaadhigii iyo alaabtii saarnaydba.

Ugudanbayn, waxaa aroornimadii 28ka bisha Ginbood yimid ciidan liyuu boolis ah oo watay gaadhi wayn iyo makaanig si loogu qaado gaadhigii uu darawalku xumeeyay ee bilaa taarikada ahaa kontarabaankana siday. Waxaana tuulada booda-dheere kasoo ambabaxay  ciidankii oo wada labadii baabuur ee kontarabanka ahaa iyo ambalaastii.

Waxaana xiligaas dhexda usii galay dablay si culus uhubaysnayd oo ay soo abaabuleen kontarabandisteyaashii mulkiilaha ka ahaa labadii baabuur ee kontarabaanka ahaa. Kadibna ciidankii ayay kuqaadeen weerar qorshaysan oo ay afarta geesba kaga rideen ciidanka iyagoo rabay inay si xoog ah labada baabuur kufurtaan. Waxayna qiyaas ahaan tirada dablaydu dhanayd 200 oo hubaysane. Ciidankuna waxay kudagaalameen isdifaacid iyo inaysan gawaadhida sharci darada ahi gacantooda kabixin. Waxayna ciidanku halkaa kufashiliyeen dagaalkii sharci darada ahaa ee lagu soo qaaday. Sidaas bayna dhacdadu ahayd.

Iskusoo wada duuboo, waxgaradka degmada gaashaamo ayaa canbaareeyay kontarabandistayaasha bilaa sharciga ah ee gabbaadka kadhiganaya shacabkooda kadibna gaysanaya dhibaatooyinka noocan oo kale ah. Waxayna hoosta kaxariiqeen inaysan marnaba ka ogolaanaynin kontarabandisteyaasha falalka argagixiso ee noocan ah oo ay hada kadib meel uga soo wadajeedsan doonaan iyagoo waliba si gaar ah ciidamada ugala shaqayn doona arimaha kontarabanka iyo ladagaalanka argagixisada.

Hadaba Su'aasha ubaahan inay kajawaabaan dadkan beenta iyo barobagandada quuta Ee inay runta sheegaan ay ceeb kutahaay ee bilaash xaytayaasha ah dagaalka ay qaadday dablay hubaysan oo xoog iyo awood isbiday inay usheegtaan ciidan si sharci ah ugu jira shaqadiisii qaranimo dhimashada ka soo gaadhay maxasuuqbaa  mise waa dad xaqdaro iyo xoog wax ku doonayay oo ku fashilmay weerarkii gardarada ahaa ee ay soo qaadeen. Ciidankuse inuu iska difaaco weerarka gardarada ah ee ay ku soo qaadeen dableyda hubaysan oo fulinayay qorshe kontirabandhistayaal iyo kuwa Alshabaab ah oo ku sameeyay ciidanka jidgooyo islmarkaana deegaankii nabada ahaa ka abuuray fal argagixiso oo sababay khasaare labada dhinacba ah?

 

Su’aasha kale waxay tahay soo ma fiicna cid kasto oo ka hadlaysa arintan inay xaqiiqada ka hadasho ileen been iyo nacnac barobagaando ah oo ay ku hadleen dad qurba joog ah oo nolosha ka dhacay iyo dad muuqasare uga eg odayaal iyo duqey samokatalis ah balse hadaladoodu iyo ficilkoodu uuna sidaad ahayn waxa ay ku hadleen ee beenta iyo cadhiifada huwan ee aan nabadgalyo waxkataraynin sow dadka waxgaradka ah waajib kuma aha inay xaqiiqada ka hadlaan oo ay sheegaan sida wax udhacay

Shirkii maanta ka dhacay degmada Gaashaamo ayaa waxuu jawaab ay waxkabartaan u diray dadkaas aan horey u soo sheegnay. Waxayna shacabka gaashaamo si dhab ah oo maqal iyo muuqaal ah ugu jawaabeen sidan:-

  • Hadaaan nahay odayaasha iyo waxgaradka reer gaashaamo waxaan aad uga xunahay weerarkii gardarada ahaa ee ay soo qaadeen dableydii sida khaldan loo soo abaabulay. Waxaana ka bixineynaa raaligalin balaadhan waayo arintaas ma ahayn dhaqan lagu yaqiinay dadka reer gaashaamo ee waa fal aad u foolxun in ciidan tirayar oo shacabkoodii si kalsooni leh udhexsocdey jidgooyo lagu sameeyo. Waxaan kaloo ka xunahay dhibaatadii iyo khasaarihii ku yimid labada dhinac waayo dableydii hubaysneyd ee meesha ku dhimatay waxay isugu jirtay dad markaas un qoryaha loosoo dhiibay oo si khaldan loo soo abaabulay balse ku dhintay dagaal iyo jidgooyo ay iyagu ku sameeyeen ciidanka iyo kuwa horeyba ugu jiray kaganacsiga kontirabaanka.
  • Sidaa tarteed waxay odayaashu aad ula yaabeen oo ay sheegeen inay khaldanyihiin dadka turjimka khaldan ka bixinaya ee beenta iyo hadalka bilaashka ah waxtar kadhigaya. Sidoo kale waxay odayaashu sheegeen in meelkastaba hajoogaanee uu shacabka reer gaashaamo yahay dad itoobiyaan ah oo nabadgalyo ku nool. Waxayna uga digeen beenquutayaasha inay faraha kala baxaan faragalinta beenta ay waxtarka ka dhigayaan. Waxaa kale oo intaa ay ku dareen in dhiiladan ka dhacday jidka boodadheere mooyee aysan jirin wax dhib ah oo dhexyaalay ciidanka iyo shacabka

Sidoo kale waxay hadalkoodii ku soo gunaanadeen in dadka aaminsan fikirada Alshabaabka ah ee raba inay si khaldan uga faa’iidaystaan dhacdadan si ay ufushadaan fikiradooda argagixisinimo iyaga oo iska dhigaya inay beel ka soo jeedaan oo ay ka hadlayaan danaheeda in shacabka reer gaashaamo uu yahay dad walaalo ah islamarkaana dawladu iyo shacabkuba ay fahansanyihiin ujeedada beenquutayaasha

Hadaba dadka ka soo jeeda hadhaagii UBBO ee iska dhigaya inay ka soo jeedaan beel islamarkaana iska dhigaya inay ka hadlayaan danaheeda si ay u fushadaan UBBOnimadooda fashilantay waxaan leenaahay dadku waa walaalo shacabka iyo dawladiisuna si fiican ayay idiin fahansanyihiin ubbooy

Waxaa amaan iyo kudayasho mudan sida dheelidatiran ee aysan cadiifadi ku jirin ee ay u hadleen odayaasha sharafta leh waayo waxay muujiyeen inay yihiin samokatalis iyo waxgarad.

Dhanka kalena ciidanka dawladu waa mid ku dhisan aragti shacab iyo mid dumuqraadiyeed oo ah inuu dagta qoriga usudhan kaga difaaco shacabk dhamaan cadowga sida UBBO iyo Alqushaash. Mana dhicikarto dadkiisa sharafta leh inuu haba yaraatee wax dhibaato ah u geysto. Haday dacdose in ninkamid ah uu khalad galo waxaa hortaala maxkamad iyo in danbigiisa lagu qaado.

 

Ugu danbeyna masuuliyiinta ka hadashay dhanka ciidanka Qaranka, ciidanka Federal booliska, ciidanka Gaarka ah iyo xukuumadaba waxay sheegeen inay aad ugu xunyihiin sida ay wax u dhaceen kadibna waxaa si wadajir ah la’iskula qaatay in hal meela looga soo wada jeedsado kontrabaandhiistayaasha iyo waxkasta oo dhib ku ah nabadgalyada iyo xasiloonida shacabka DDSI, gaar ahaan shacabka reer gaashaamo. Waxayna xukuumada iyo shacabkuba si weyn canbaareyn kulul ugu soo jeediyeen dadkii ka danbeeyay weerarka lagu qaaday ciidanka dawlada 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>