Doolo’bay,(cakaaranews), Talaado, 3da April, 2018. Masuuliyiinta maamulka gobolka afdheer oo ay wehelinayaan masuuliyiinta degmada doolo bay ayaa xadhiga ka jaray Rug caafimaad oo laga hirgaliyay tuulada madar oo ka tirsan degmada doolo bay.
Haddaba xadhig ka jarka rugtan caafimaadka oo ay siwada jir ah xadhiga uga jareen gudoomiya gobolka afdheer mudane farxaan cabdi maajuun oo ay wehelinayaan masuuliyiinta degmada doolo bay ayaa waxaa xadhig ka jarkii ka dib kula hadlay goobtaasi bulshada ka soo qaybgashay xadhig ka jarkan gudoomiyaha gobolka afdheer mudane farxaan Cabdi Maajuun sheegay in xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI ay dadaal ugu jiraan kajawaabida baahiyaha bulshada ee ay ugu horeeyaan adeegyada aas-aasiga ahi ee uu kamid yahay adeega caafimaadku. Wuxuuna intaa kudaray in rugtan caafimaadka ee cusub ay tahay mid aad muhiim ugu ah bulshada ku dhaqan tuuladan madar iyo nawaaxigeeda loo dhistay Wuxuuna kula dardaarmay bulshada ka faa’iidaysanaysa xaruntan caafimaadku ay u tahay horumar balaadhan oo ay maanta nasiib uheleen islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay ilaashadaan.
Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay xadhig kajarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay ad ugu faraxsan yihiin rugta caafimaadka ee looga dhisay tuuladooda islamarkaana ay karaysanayaan dhibaatooyinkii kahaystay dhanka adeegyada caafimaadka intaasi ku dareen in ay ilaalshanayaan daryeelka iyo dayactirka rugtan caafimaadka.