Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MM Dhagaxbuur Iyo Xaflad Qalinjabin Ah Oo Ay Ku qalinjabiyeen 292 Arday

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Axad,22ka Aprill 2018.Waxaa magalada dhagaxbuur kaqabsoomay Xaflad qalin jabin ah oo ay kasooqayb galeen madaxwaynaha jaamacada jigjiga, wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, gudoomiyaha gobolka jarar, Masuuliyiinta MM Dhagaxbuur, dhamaan ardaydii qalinjabinaysay iyo waliba martisharafkale. iyadoo xafladana ay kuqalinjabinayeen arday tiradoodu dhantahay 292 arday kuwaasoo maalmaha fasaxa ah wax kabaranayay jaamacada jigjiga  laamaheeda kaladuwan ee ay ku leedahay Gobolada jarar, Siti iyo Qoraxey.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayanha Jaamacada Jigjiga Dr Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay in uu uhanbalyaynayo dhamaan ardayda maanta kaqalinjabisay jaamacada jigjiga ee waxbarashada kuqaadanayay laamaha kaladuwan ee jaamacadu kuleedahay gobolada siti, jarar iyo qoraxey. Wuxuuna xusay in jaamacada jigjiga ay utaagantahay in ay kajaawaabto baahiyaha waxbarasho ee kajira dhamaan deegaanka islamarkaana ay jaamacada qorshaha ugu jirto inay gaadhsiiso dhamaan gobolada iyo degmooyinka islamarkaana ay bilaabi doonto waxbarashada lagu barto fogaanto ee (distance educationka). Wuxuuna tilmaamay in qalinjabintan lagu qabtay dhagaxbuur ay noqon doonto mid wareegta ah oo sanad walba gobol loogu qabto ardayda gobolada waxkubarata.

Dhanka kale, Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kasooqaybgalka xafladan balaadhan ee ay kuqalinjabinayaan 292 arday kuwaasoo 65 kamid ahi ay yihiin gabdho. Wuxuuna uhanablyeeyay dhamaan qalinjibiyayaasha kuqalinjabinaya xafladan. Wasiir-kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in xafladan qalinjabinta ahi ay tahay midii ugu horaysay ee heerjaamacadeed ah ee lagu qabto magalada dhagaxbuur. Taasina ay  tahay horumar balaadhan ee uu gaadhay deegaankeenu. Wuxuuna kula dardaarmay qalinjabiyayasha in cilmigan ay barteen si daacad ah oo muwaadinimo kudheehan tahay loogu adeego bulshada deegaanka.

Sidookale, ardaydii kaqalinjabisay jaamacada jigjiga oodareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aysan dareenkooda farxadeed qiyaasikarin maanta maadama oo iyagoojoog gurigoodii islamarkaana shaqadooda wata ay dhamaysteen waxabarashada degree’ga. Waxayna mahad u celiyeen xukuumada DDSI iyo jaamacada jigjiga.

 

Iskusoowada duuboo, ardaydan qalinjabisay oo waxbarshada baranayay maalmaha sabtida iyo axada islamarkaana kalaaska casharada kuqaadanayay laamaha jaamcada jigjiga ay kuleedahay gobolada jarar, siti iyo qoraxay ayaa ah degree kuwaasoo bartay culuumta kaladuwan ee sciencega.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>