Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 21ka April, 2018. Golaha xildhibaanada DDSI ayaa kulan yeelanaya maalmahan fooda inagusoo haya iyadoo lafilayo inay kulankaas dib ugu dhigaan doorashadii degmooyinka deegaanka oo xiligii ay qabsoomi lahayd lajoogo .
Haddaba waxaa xusid mudan in dhamaan barlamaanada 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul magaalo ee dalka uu mid walba iskii uyeelanayo kulan noocan oo kale ah oo larajaynayo inuu mid waliba dib ugu dhigayo doorashadii degmooyinka oo wakhtigeedii lataagan yahay maadaama oo ay doorashada degmooyinku kuxidhan tahay deegaan walba baarlamaankiisa.