Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gobolka Erer Iyo Mas'uuliyiin Heerdeegaan Ah Oo Kormeer Kusoomaray Mashriicaha Horumarineed Ee Lagawado Gobolka

$
0
0

Fiiq(cakaaranews)Khamiis, 19ka April 2018. Wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha Ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo ay waheliyaan wasiir kuxigeenka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah mudane axmed shugri, masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, masuuliyiinta gobolka erer iyo waliba masuuliyiinta degmooyinka fiiq iyo xamaro ayaa kormeer hawleed ku gaadhay mashiiiracaha horumarineed ee kasocda Gobolka Erer.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Ahna Madaxa Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo kawarbixisay kormeerkoodan ayaa sheegtay in kormeerkoodani uu kuqotamo indho indhaynta iyo hirgalinta mashaariicaha waawayn ee gobolka kasocda. Waxayna xustay marwadu in wakhti yar kahor uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu yimid gobolka islamarkaana uu kormeer kussoomaray mashrriicahan waawayn iyadoo madaxwaynaha iyo hawlwadenada mashariicahan fulinaya ay kala qaateen shaqooyinkii dhimanaa ee lafulin lahaa islamarkaana uu kormeerkoodani kuqotamo fulinta hawlihii shaqo ee la kala qaatay in sidoodii loo hirgaliyay iyo in wax dhiman yahay

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tilmaam kabixisay mashaariicahan waawayn waxayna sheegtay in mashaariicahani yihiin mashruuca biyo-galinta mugwayn, fiiq ilaa iyo gasaangas iyo waliba mashruuca laydh galinta ee fiiq ilaa iyo mugwayn kuwaasoo isujira masaafooyin dhaa dheer. Waxayna carabka kudhuftay in kormeerkoodani yahay mid qiimayn ah walaw mashaariicdan intoodii badnayd ay si fiican usoo dhamaadeen.

Dhanka kale, wasiirada ayaa shaagtay in mashrriicahani ay qayb kayihiin qorshaayshii muhiimka ahaa ee ay xukuumadu qaadatay islamarkaana si quruxbadan ay udhamaadeen ilaahayna kugarbqabtay.

 

Iskusoowada duuboo, masuuliyiintan ayaa lafilayaa in kormeerkoodan ay kusii jirayaan maalmahan soosocda iyagoo soo taaban doona dhamaan meelaha ay maraan mashaariicahan waawayn ee biyo galinta iyo laydhgalinta


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>