Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 5ta April 2018. Wafti aad ubalaadhan oo ka kooban qaran-joog iyo qurba-joog DDSI ah oo uu hogaaminayo wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil islamarkaana ay weheliyaan Cabdiraxmaan sheikh Xasan iyo Siyaad Axmed Carab ayaa ku wajahen shirka 7da April ka dhacaya magaalada stockholm ee caasimada wadanka Sweden,
Hadaba shirkan lagu taageerayo sanadguurada 20aad ee XDSHSI ayaa waxaa kasoo qaybgalaya dhamaanba jaaliyadaha DDSI ee wadamada iskaadaniifiyaanka iyo wadamada dariska la ahba.
Ugu danbayna munaasabadan lagu taageerayo sanadguurada 20aad ee XDSHSI ee 7da bishan April ka dhacaya magaalada stockholm ee wadanka sweden ayaa waxaa masraxa daadihinaya fanaaniinta qarnigan ee kala ah fanaanada caanka ah ee Nicmo dareen, fanaanka soomaaliyeed ee Xasan Wado iyo dhaantoolowga qarnigan Cali Bashiir Cabdi Cali Dhaanto.