Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Canada Oo Si Heer Sare Ah U Xusay Sanadguurada 20aad Ee XDSHSI

$
0
0

Canada(Cakaaranews) Isniin, 2da April 2018. Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka canada, xubnaha jaaliyada iyo muwaadiniinta ku dhaqan wadanka Canada  ayaa ka qabsoomtay magaalada tronto ee caasimad wadanka Canada.

Hadaba lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo khadka telefonka kagaqaybgalay munaasabadan ayaa uga horayn ooga mahadceliyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha munaasabadan sida quruxda badan ee ay usoo agaasimen islamarkaana ooga warbixiyay in dhamaan guulo wax ku ool ah lagasoo hoyiyay jihooyinka horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay gaar ahaan dhinacyada Biyaha, jidadka iyo buundooyinka ,beeraha, caafimaadka, waxbarashada, dibudajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo haweenka iyo guud ahaanba horumarinta kaabayaasha aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadu ay guulo balaadhan kasoo hoyisay dhanka xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba iyo kor uqaadida maalgashiga qurba-joogta deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanak Canada iyo qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha munaasabadan oo sheegay guulihii iyo waxqabadkii ay xukuumadu iyo xisbigu kasoo hoyiyeen deegaanka10kii sano ee u danbeeyay waxayna intaa ku dareen in ay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda iyo taageerida ay la garabjoogaan xisbiga iyo xukuumada islamarkaana ay ka qaybqaadan doonaan horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>