Frankfurt,(cakaaranews), sabti, 31ka, March, 2018. Jaahliyada DDSI ee wadanka jarmalka ayaa si qurux badan ugu xustay magaalad Frankfurt munaasabada sanad guurada 20 jirsatay ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI.
Munaasabadan loogu dabaal dagayay sanad guurada 20aad ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI oo ay jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalku si qurux badan u soo agaasintay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka iyo qaybaha kaladuwan ee jaahliyada DDSI ee dalkaasi Jarmalka.
Haddaba. Waxaa munaasabadan dhinaca aalada telifoonka kaga qaybgalay lataliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhinaca xalinta cabashooyinka ahna wasiirka qurba joogta DDSI mudan Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ugu horayntii ugu mahad celiyay jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka xafladan quruxda badan ee ay ku xusayaan sanad guurada 20aad ee XDSHSI iyo taageerada ay markasta la garab joogaan xukuumada iyo Xisbiga.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay qurba-joogta DDSI ee ee wadanka jarmalka guulo wax ku ool ka ah ee ay xukuumada DDSI iyo xisbigu ka soo hooyeen jihooyinka horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay gaar ahaan dhinacyada Biyaha, jidadka iyo buundooyinka ,beeraha, caafimaadka, waxbarashada, dib u dajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo haweenka, ka qaybgalka haweenka iyo guud ahaanba horumarinta kaabayaasha aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadu ay guulo balaadhan kasoo hooysay dhanka xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba iyo kor uqaadida maalgashiga qurba-joogta. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay sii wadaan qurba joogtu dadaala balaadhan ee ay la garabtaagan yihiin xukuumada iyo xisbiga islamarkaana ay soo maalgashadaan deegaankood
Dhankooda hogaaminta jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada oo ka hadlay munaasabadan ayaa si qota dheer uga hadlay isbadalada horumarineed nabadgalyo iyo xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba ee uu soo hooyay XDSHSI waxayna, sheegaan in ay jaahliyad ahaan sii xoojinayaan ka qaybgalka hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo nabadgalyo.