Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wadanka Australia Iyo Jaaliyada DDSI Oo Xaflad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhawaynayo Sanad-guurada 20 Jirsatay Ee Aas-Aaskii XDSHSI kuqabsaday Magaalada Melbourne

$
0
0

Melbourne(cakaaranews)Sabti, 1da April 2018. Qurbajoogta u dhalatay deegaanka soomaalida itoobiya islamarkaana kudhaqan wadanka Australia ayaa xaflad si heersare ah loo soo agaasimay kuqabsaday magaalada Melbourne. Taasoo ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta jaaliyada wadanka Australia iyo waliba bulshada qaybaheeda kaladuwan ee jaaliyada wadankaasi Australia. Munaasabadaasoo ujeedadeedu ahayd taageerada iyo soo dhawaynta sanadguurada 20 jirsatay ee tobon-tobnaad ee kasoowareegtay aasaaskii XDSHSI.

Hadaba, munaasabadan ay qabsatay jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ayaa waxaa khadka taleefonka kaga qaybgalay Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabashooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Arrimaha Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi. Wuxuuna kawaramay jihooyinka iyo qorshayaasha kaladuwan ee ay xukuumadu u dajisay bulshada deegaanka ee sida waxsoosaarka, dajinta, xidhiidhka dadwaynaha ee dalka iyo dibadaba iyo waliba horumarinta dhamaan adeegyada aas-aasiga ah.

Dhankakale, xafladan quruxda badan ayaa waxaa khudbado muhiim ah kasoojeediyay masuuliyiinta jaaliyada DDSI ee kudhaqan wadankaasi Australia islamarkaana soo bandhigay guulaha baaxada wayn ee uu XDSHSI kasoohooyiyay nabadgalyada deegaanka kadibna waxwayn kaqabtay horumarka gaar ahaan adegyada aas-aasiga ah ee kala ah Biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo waliba xoolaha. Sidookale jaaliyada ayaa soo bandhigay islamarkaana kahadlay dhamaan waxqabadyada kaladuwan ee isugujira nabadgalyada horumarka, maamulka-suuban iyo dhinacyada kaabayaasha dhaqaale ee ay kamid ka yihiin shaqo abuurka, jidadka, buundoonyinka, taleefanada, quwada korontada.

Sidookale, xafladan ayaa intii ay socotay waxaa iyana dhankooda kahdlay indheergaradka jaaliyada DDSI ee kudhaqan carigaasi Australia oo sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ka hanaqaaday maamul-daacad ah oo sidii larabay ugu adeega bulshada islamarkaana kajawaabay baahiyihii bulshada kadib markii uu layimid waxqabad balaadhan oo lataaban karo. Waxayna amaan iyo mahadcelin balaadhan usoojeediyeen maamulka DDSI iyo waliba dawlada dhaxe ee JDFI.

Iskusoowada duuboo, waxaa maalinba maalinta kadanbaysa kor usii kacaya taageeraha balaadhan  ee ay qurbajoogta DDSI ee kudhaqan qaaradaha aduunku la garab taagan yihiin Xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746