Raaso,(cakaaranews),Axad, 21ka January, 2018. Waxaa maalintii labaad galay shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacab waynaha DDSI oo maalintii shalay si rasmiya uga furmay magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee Gobolka Afdheer.
Shirwaynahan ayaa waxa ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin ka kala socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo isugu jira masuuliyiinta gobolada, deegaanka masuuliyiinta degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.
Waxaana, maanta galinkii hore la soo bandhigay waxqabadkii xukuumada 10kii sano ee ugu dambeeyay ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban gaar ahaan taaba galinta mashaariicaha waawayn ee dhinaca horumarka, sadagaalanka saboolnimada, shaqo abuurka. Waxaana si wayn looga doodi-doonaa halkii uu deegaank taagnaa wixii ka horeeyay 10ban kii sano ee saan soo dhaafnay halka uu eega taagan yahay iyo jihooyinka horumarineed ee loo socdo.
ugu dambayntii shabakada wararka cakaaranews ayaa waxay si joogta ah idiinku soo tabin-doontaa wararka shirwaynaha wadatashiga shacab-waynaha DDSI iyo xukuumada DDSI ee ka socda Raaso.