Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shirwaynihii 11aad Ee Wada Tashiga Xukuumada DDSI Iyo Shacabka Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Raaso

$
0
0

Raaso(Cakaaranews) Sabti 20ka January 2018. Shirwanihii 11aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo  shacabka deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, Mas’uuliyiinta gobolada deegaanka, kuwa  degmooyinka iyo in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin  ka kala  socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa si rasmi ah uga furmay degmada raaso ee gobolka afdheer .

Hadaba kulan waynahan 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka deegaanka  ayaa waxaa ugu horayn furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagaga wada tashanayo  ayaaha iyo horumarka deegaanka islamarkaana lasoo dhigo doono waxqabadk xukuumada ee  10kii sano ee ugu danbeeyay iyadoo la barar dhigayo sidii uu deegaanku ku sugnaa 10 sano ka hor iyo walibaSida looga faaiidaystay Mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka.Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in shirwaynahan lagaga hadli doono nidaamkii dhaqan is gumaysiga ah ee ka dhexjira qabiilada soomaaliyeed iyo sidii loo baabiin lahaa Gaar ahaan cadaadis dhaqameedka loo gaystay beesha sharafta leh ee gabooye.

Ugu danbayn shirwaynahan 11aad ee xukuumada iyo shacabka deegaanka ayaa maalmahan kasii socondoona degmada raaso ee gobolka afdheer.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>