Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar ku saabsan BSC Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxabarshada DDSI Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 2da January, 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa dhamaan shaqaalihiisa u qabtay tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) kor u qaadista xidhmaha maamulka suuban

Tababarkan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI   ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasir Ku xigenka Xafiiska Waxabarshada DDSI mudane Maxamud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid  fahan buuxa laga siinayo shaqaalaha xafiiska waxbarashada  geedi socodka barnaamijka halbeega waxqabadka isu dheelitiran ee cudada shaqaale ee ciidanka horumarineed ee iskuxidhka nidaamka maamulka suuban (balanced Score Card) oo ah barnaamij lagu shaqayn doono oo ah qaab ku salaysan qancinta macaamiisha, iskuxidhka halbeega nidaamka maamulka suuban iyo ka midho dhalinta qorshayasha xafiiska.

Ugu danbayna Wasir Ku xigenka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay mudada uu cashirku socdo si fiican uqaataan casharada ilaaliyaana saacada cashirka maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay in aad ku shaqaysaan marka barnaamijkan ku shaqayntiisa la bilaabo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>