Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Dhalinyarada Gobolka Faafan Oo Yeeshay Kulan Lagu Dar-dargalinayo qorshayaasha horumarka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),isniin, 1da January, 2018. Xukuumada DDSI  ayaa sanadihii ugu dambeeyay Dajisay  istiraatijiyadaha iyo xeeladaha cilmiyaysan oo   lagu gaadhayo hadafka iyo himilada deegaanka ee lagu  tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la aanta  islamarkaana kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka  kuwaasi oo laga gaadhay guulo waawayn oo gashi u noqday  bulshada deegaanka.

Dhalinyaradu waa lafdhabarta bulshada iyo cududa hirgalisa qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban  sidaasi darteed Waxaa maanta  dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee SMCX  kulan balaadhan oo ay yeesheen dhalinyarada iyo aqoon yahanka  gobolka faafan waxayna ujeedada kulankaasi ahayd  mid lagu sii xoojinayo dar dargalinta tiirarka horumarka deeganka, doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin, sidoo kale waxaa kulankan lagu taageerayay shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ee north America ee ka dhacay magaalada Minneapolis, iyada oo dhinaca kale ay ku cambaareeyeen shaqsiyaadka lidka ku ah hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka

Waxayna, kulankaasi ku gorfeeyeen dhalinyaradu isbadalka horumarineed nabadgaliyo iyo maamulka suuban ee sanadihii ugu dambeeyay ka hirgalay deegaanka haddii ay tahay hirgalinta adeegyada horumarka aas aasiga ah kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha deegaanka horumarinta magaalooyinka, samaynta jidadka iyo buundooyinka isku xidhaya gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka.sidoo kale waxay dhalinyaradu si qoto dheer uga hadleen sidii uu shalay deegaanku ahaa iyo heerka uu taagan yahay maanta waxayna, tusaale u soo qaateen sida ay ahaan jiray sanadihii hore caasimada deegaanka ee jigjiga iyo heerka ay maanta taagan tahay dhinacyada bilicda, baaxada, nadaafada, adeeg bixinta, wadooyinka waxayna sheegeen in maanta caasimada deegaanka ee jigjiga la tartamayso caasimadaha ugu horeeya deegaanada dalka.

Ugu dambayntii waxay dhalinyaradu isla qaateen in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga gaadhay taaba galinta qorshayaasha horumarineed deegaanka, in ay dhalinyaradu sii xoojiso dar-dargalinta kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarineed, in ay ku dhaqmaan islamarkana hirgaliyaan  qorshayaasha, barnaamijyada iyo jihooyinka xukuumada DDSI waxayna siwayn u taageereen shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta north america sidoo kale waxay cambaareeyeen shaqsiyaadka lidka ku ah taaba galinta qorshayaasha horumarka ee ka soo jeeda gobolka faafan.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>