Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MM Qabribayax Iyo Dhalinyarada Oo Lasiiyay Lacagihii Daynta Ahaa Ee Shaqo Abuurka Loogu Samaynayay

$
0
0

Qabribayax(cakaaranews)Isniin, 1da January 2018. Kulan balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarhaha DDSI ahna lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka saxaafada, kusimaha maayorka MM Qabribayax iyo waliba dhamaan dhalinyarada iskaashatooyinka laisugu xidhay ee MM Qabribayax. Kulankaa oo ujeedadiisu tahay gudoonsiinta lacagaha daynta ah ee loogu talagalay shaqo abuurka dhalinyarada maamulka magaalada qabribayax ayaa si ahbasamileh uga qabsoomay MMQ.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaarhaha DDSI Ahna Lataliyaha Madaxwaynaha ee Dhanka Saxaafada Mudane Maxamed Bile Xasan oo sheegay in kulankani yahay mid dhalinyarada Magaalada qabribayax lagu gudoonsiinayo lacagihii daynta ahaa ee ay xukuumadu ugu talagashay islamarkaana shaqo abuurka loogu samyanayay dhalinyarada. Wuxuuna wasiirku xusay in dhalinyaradan la gudoonsiinayo lacago farabadan. taasoo loogu talagalay in lagu tirtiro shaqo la’aanta  dhalinyarada. Iyadoo tanina ay kamid tahay qorshayaasha dalka iyo deegaankuba qaatay ee ah tiririda saboolnimada. Wuxuuna dhalinyarada kula dardaarmay in sifiican ay uga midho dhaliyaan shaqooyinka iyo xirfadaha ay barteen si wadaniyad lehna uga soo baxaan waajibaadkooda si iyagu isugufilaadaan bulshadoodana wax utaraan.

Dhankakale, kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabribayax Marwo Samsam Xuseen Cabdi oo iyadna kulankan kahadashay ayaa sheegtay in dhalinyaradnani ay yihiin kuwo isugu xidhan iskaashatooyin kuwaasoo kutacaluqa shaqooyin kaladuwan sida  isaakashatada naaxinta-xoolaha, iskaashatada wax soosaarka beeraha, iskaashatada digaaga iyo waliba shirkado iyo warshado yarayar oo kala duwan. Waxayna dhalinyarada ku boorisay in ay kamidho dhaliyaan shaqooyinkooda.

 

Ugudanbayna. Qaarkamid ah iskaashatooyinka dhalinyarada MMQ oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin lacagahan lagudoonsiiyay ee shaqo abuurka loogu smaeeyay. Waxayna balan qaadeen in ay kasoobaxayaan waajibaadka saaran ee ah in ay layimaadaan waxsoosaar wanaagsan si ay uga baxaan saboolnimada. Waxayna u mahadceliyeen xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>