Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Raysal-wasaaraha JDFI Oo Kulan La Yeeshay Gudoomiyaha Shirkadd lucky chain limited.

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews),sabti, 30ka December, 2017. Shirkadda fadhigeedu yahay Hong Kong oo laga leeyahay wadankaasi shiinaha  ayaa shaaca ka qaaday in ay maalgashi ku samayso $ 2 bilyan oo doolar oo lagu horumariyo tamarta dib loo cusbooneysiiyo ee dalka  Itoobiya.

Raysul Wasaaraha JDFI mudane  Hailemariam Dessalegn ayaa maanta kulan  la yeeshay Guddoomiyaha shirkadda Lucky Chain Limited mudane Chang Tat Joel  waxayna Raysul wasaaraha iyo gudoomiyuhu si qoto dheer uga wada hadleen   sidii loo suurta galinlahaa in shirkadani bilawdo maaglashiga dhinaca tamarta ah iyo fursaha kale oo maalgashi ee dalka itoobiya hodanka ku yahay.

 Gudoomiyaha shirkada Lucky Chain Limited mudane chang tat joel  ayaa sheegay in ay shirkadani  leedahay saamiga suuqa ee koritaanka tamarta ee Afrika. Wuxuuna tilmaamay  in Itoobiya ay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee suuqa qaaradda ee shirkadda wuxuuna intaasi   in uu aaminsan yahay in shirkaddu ay ka faa'iideysan doonto maal-gashigeeda dalka itoobiya una faa’iidaydoonto dalka  iyada oo la tixgelinayo rajada shuruucda maalgashi ee ka jirta dalka. Gudoomiye  oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi  "Itoobiya dhab ahaantii tahay dal aad u xiiso badan, waxaanan aamminsanahay in ay  noqon doonto mid ka mid ah hormuudka ugu muhiimsan culus  suuqa Afrika"  gudoomiya ayaa intaasi raaciyay shirkadu  dooneyso  in ay la socoto kobaca dhaqaalaha mustaqbalka ee dalka iyo in ay  aan maalgashi ku samaysanayno  qaybta awoodda tamarta dib loo cusbooneysiiyo.

ugu dambayntii waxaa warbaahinta uga warbixiyay ahmiyada Kulankaasi Madaxa Xafiiska Raiisul Wasaaraha Waaxda Adeegyada Isgaarsiinta Warbaahinta mudane Sadig ABraha    iyo lataliyaha Raysalwasaaraha ee dhinaca  Isgaarsiinta Guud lehna awood wasiir mudane Zadig Abrha kuwaasi oo sheegay  in shirkado badan oo caalami ah oo ku yaala qaaradaha aduunku  ay aad u xiiseynayaan maalgashiga Itoobiya. Waxayna  xusay in tani muujineyso in dadaalada la sameeyay ee  dalka ka dhigaan meel lagu maal-galinta  badan  wadamada africa waxayna intaasi ku dareen in masuulkan ka socday shirkada laga leeyahay dalka shiinaha iyo Raysul waraaruhu ka wada dalkeen sidii loo suurta galinlahaa maalgashiga ay ku samaynayso dalka shirkadan laga leeyahay wadanka shiinaha  .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>