Qabridahar,(cakaaranews), sabti, 30ka December, 2017. Jaamacada qabridahar oo ka mid ah jaamacadaha dalka islamarkaana ah 11kii jaamacad ee lagu soo daray jaamacadaha dalka bilawgii qorshaha GTP2ga ayaa dhamays tiray dhismayaasha jaamacada islamarkaana bilawday qaabilaada ardaydii koobaad ee ka bilowda jaamacada qabridahar waxbarashada sanadka 2010TI.
Madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr Yuusuf Maxamed oo la hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay jaamacada qabridahar oo ka mid ah 11kii jaamacadood ee ugu dambeeyay Jaamacadaha dalka ay soo gabagabaysay diyaar garawgii ay ku qaabilasay ardayda waxka barandoonta jaamacada qabridahar islamarkaana la dhamays tiray dhismayaasha jaamacada iyo qalabyada waxbarashada jaamacada madaxwaynaha ayaa sheegay in ay jaamacadu qaabilaysa ardayda cusub ee sanadkan 2010TI ka bilaabaya waxbarashada oo ay tiradoodu dhan tahay 1200 oo arday kuwaasi oo barandoona culuunta kala duwan ee ay bixiyaan jaamacadaha waawayn ee dalku
Dhankiisa Enjineer maxamed oo ah injineerka fuliyay dhismaha jaamacada qabridahar ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay dhismayaasha jaamacada qabridahar enjineerka ayaa sheegay in ay jaamacada qabridahar noqoday jaamacadii labaad ee dhamays tiray dhimayaasha iyo qalabka waxbarashada islamarkaana qaabilaysa ardayda waxka baranaysa jaamacada marka la eego 11kii jaamacadood ee ugu dambeeyay jaamacadaha dalka.
Ugu dambayntii jaamacada qabridahar oo ka mid ah 11kii jaamacadood ee lagu daray jaamacadaha dalka bilowgii qorshaha GTP2 ayaa noqoday jaamacada labaad dhamays tirtay dhismayaasha jaamacada islamarkaana bilowday in ay qaabisho ardayda waxbarashada sanadka 2010TI waxka baranaysa jaamacada qabridahar.