Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

SHEYGOOSH IYO ADEEGII QALIINKA IYO DAAWAYNTA INDHAHA EE BILAASHKA AHAA OO SI RASMI AH UFURMAY

$
0
0

Sheygoosh(Cakaaranews) Jumce 19ka January 2018.  Waxaa si rasmi ah ooga furmay xarunta caafimaadka ee  Degmada sheygoosh ee gobolka qoraxey adeegii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan dhamaan shacabka Degmada  sheygoosh  iyo nawaaxigeeda .

Hadaba  marwo Dr Agebi yohanis oo kamid ah dhakhaatiirta kooxda wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha  ee xafiiska caafimaadka ee DDSI oo kawarbixisay  adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha  bilaashka ah ayaa sheegtay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah  ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan degmada sheygeesh  iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaan maalmahan kasii socon doona xarunta caafimaadka ee degmada sheygoosh . Waxayna intaa ku dartay inuu adeegu  si fiican ugu socdo islamarkaana ay sidii uu qorshuhu ahaa ugu dhamaadoono.  

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada sheygoosh iyo naawaaxigeeda oo  sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles