Raaso,(cakaaranews), jumce, 19ka January, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay oo habeenkii xalay u hoyday magaalada Goday ee xarunta gobolka Shabeele islamarkaana kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Goday ayaa maanta uga kicitimay dhinaca magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso.
Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa waxay intii ay ku sii jireen socdaalkooda sii booqdeen mashruuca wayn ee waraabka looga faa'iidaysanayo wax soo saarka beeraha ee degmada beer-caano, degmada iimay bari iyo degmada abaaqorow sidoo kale madaxwaynaha ayaa tuulo kasto oo ay sii marayaan kula hadlayay qaybaha kala duwan ee bulshada kuna boorinayay in xooga saaraan wax soo saarka beeraha sidoo kalena ka faa’iidaystaan mashaariicaha ay xukuumada DDSI hirgalisay.
Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa galabta ku dheelmaday magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo oo ka qaybgalaya shirwaynaha wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada Raaso ayaa markii ay gaadheen magaalada raaso waxaa halkaasi si balaadhan oo meeqaam sare ugu soo dhaweeyay kumanaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Raaso. madaxwaynaha iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa wakhtixaadirkan ku sugan magaalada Raaso.