Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kusaabsan Kahortaga Caadooyinka Xunxun Oo Kadhacay Degmada Ceelwayne

$
0
0

Ceelwayne(cakaaranews)Talaado, 16ka January 2018 Waxaa xarunta gobolka nogob ee degmada ceelwayne kaqabsoomay tababar kusaabsan kahortaga caadooyinka xunxun ee sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen hooyoooyinka iyo culimo awdiinka degmaasi.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Ahna Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Ceelwayne Mudane Khaliif Baytufure oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu soo bandhigayo casharo laxidhiidha dhibaatooyinka caadooyinka xunxun ee sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah. Wuxuuna tilmaamay in tababartayaashu ay siwanaagsan uga qaybqaataan inta uu tababarku socdo.

Sidookale, Madaxa Xafiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Degmada Ceelwayne Marwo Ardo Macalin bashiir oo iyadana tababarkan kahadashay ayaa sheegatay in tababarkani yahay mid si wayn loogu falanqaynayo dhaqamada xunxun iyo sidii halmeel looga soo wada jeedsanlahaa dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada ceelwayne. Waxayna xustay in gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ahi ay yahiin kuwo saamayn xun kuyeesha bulshada.

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshadii kasooqaybgashay tababarkan oo dareenkooda kahadashay ayaa sheegatay in tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay ladagaalamayaan dhamaan caadooyinka xunxun.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>