Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da, January, 2018. La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee Dhinaca Xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay kaalinta balaadhan ee qurba joogta DDSI ee ku nool  dacalada aduunku  ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka taaba galay deegaanka.

wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay isbadalka horumarineed nabadgalyo, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurba joogta DDSI wakhtiyadii hore sida uu ahaan jiray iyo heerka uu taagan yahay eega  isaga oo sheegay wasiirku in sanadihii in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay xooga saareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo wanaajinta  xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ku nool dacalada aduunka .wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta DDSI ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin higalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka taamyeelay deegaanka.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles