Ceelwayn,(cakaaranews), Sabti, 15ka, October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada ceelwayn ee xaruna gobolka Nogob shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee degmooyinka gobolka nogob.
Shirkan qiimaynta oo socday muddo afar maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u dajisanaa maamulada degmooyinka gobolka nogob ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, arimaha xisbiga, dakhliga iyo xidhiidhka dadwaynaha. Waxaana mudadii uu socday shirkan qiimayntu lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka Nogob. iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo gorfaynayay warbixinda ay soo dhigeen maamulada degmooyinku.
Haddaba, waxaa soo xidhitaankii shirkan ka hadlay gudoomiyaha gobolka Nogob mudane Madoobe Macalin Ibraahin wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta ah mudadii uu socday xooga la saaray fulinta qorshihii u dajisnaa degmooyinka gobolka rubuca 1aad ee sanadkan taasi oo lagu xaqiijinayay guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta qorshihii dajisanaa rubucan gaar ahaan waxqabadka dhinacyada adeegyada horumarka sida caafimaadka, waxbarashada.dhinaca biyo xidheenada, dhaadhicinta maamulka suuban, waxka qabadka xaafulinta deegaanka, arimaha xisbiga, dakhliga iyo adeegyada kale oo horumarka Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waayo aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.