Awbare,(cakaaranews) khamiis, 13ka October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada awbare ee xaruna degmada awbare ee gobolka faafan shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee degmooyinka gobolka faafan.
Shirkan qiimaynta oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u dajisanaa maamulada degmooyinka gobolka faafan ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, arimaha xisbiga, dakhliga iyo xidhiidhka dadwaynaha. Waxaana mudadii uu socday shirkan qiimayntu lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka faafan. iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo gorfaynayay warbixinda ay soo dhigaan maamulada degmooyinku.
Haddaba, soo xidhitaankii shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobolka faafan ayaa waxaa ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta ah oo xooga la saarayay geedi socodka fulineed ee qorshihii u dajisnaa degmooyinka gobolka rubuca 1aad ee sanadkan ay ka soo baxeen xaqiijinta guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta qorshihii dajisanaa rubucan. Wuxuuna sheegay ku simaha gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waaya aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo lana buuxin doono gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.