Melbourne(cakaaranews), Sabti, 8da, October, 2016. Jaaliyadda DDSI ee ku nool wadanka Australia ayaa soo agaasimay banaan bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Ururada Nabad Diidka Ah Nolol Diidka Ah, maan gaabka ah Ee maskax-doodu faaruqa tahay Ee GiNBOOt7, ONAG IYO UBBO. Ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay Ee Kiniisadaha looga talin-Jiray Islamarkaana Diidan Nidaamka Federalismka Ah Ee wada Noolaanshaha Qoomiyadaha Daleena Itoobiya Iyo Dastuurka Dalkaba.
Baxaan baxan oo maanta galinkii ganbe Ka dhacay magaalada Melbourne Gaar Ahaa Goobta Jessie St. Preston Vic Ee Ayaa Waxaa Isugu yimiday jaaliyada DDSI Ee ku dhaqan wadanka Australia oo ka kala Socay Gobolada Dalka Australia Iyo Kuwaasi Oo Ku Dhawaaqayay ‘Ginboot7 Down, Onag Down Iyo Ubbo Down.’ taasi Oo macnahoodu tahay ‘hadhaaga diciifka Ah ee Ginboot7, Onag Iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan. Banaan baxayaashan ayaa dhanka kale boodhadh ku soo qoray kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku taageerayaan Nidaamka Federalismka Ah Ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Dalkeena Itoobiya, Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Iyo Waliba Dastuurka Dalka Iyag Oo Sidoo Kale Ku Dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul Xukuumada DDSI’.
Hogaaminta jaaliyada DDSI Ee Australia oo la hadashay warbaahinta ku hadasha afka soomaliga ayaa Amaan, Bogaadin Iyo Taageero Balaadhan U Soo Jeediyay Xisbiga EPRDF Ee Wadanka Ku Hogaaminaya Nidaamka Federalismka Ah Ee Ku Salaysan Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Islamarkaana Uu Dhex-Yaalo Dastuurka Loo Wada Siman Yahay. Waxayna Taageero Buuxda U Muujiyeen Xukuumada DDSI Ee Uu Majraha U Hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.
Dhanka Kale Xukuumada DDSI Iyo XDSHSI Oo Ugu Horeeyo Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Bogaadiyay Banaanbaxan Ayaa Halkan Uga Hambalyaynaya Islamarkaana u Mahadcelinaya jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ku nool waxayna talaabadooda ku tilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan.