Hawaasa(Cakaaranews) Khamiis 19ka October 2017. Dood cilmiyeedkii sanadguurada 25aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya SEPDM ayaa si rasmi ah ugu furmay magaalada hawaasa ee xarunta deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya.
Hadaba dood cilmiyeedka sanadguurada 25aad ee SEPDM ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xisbiga EPRDF oo uu ugu horeeyo raisal-wasaaraha dalka ahna gudoomiyaha xisbiga SEPDM mudane haile mariam Desalegn , Raisal-wasaare kuxigeenka JDFI ahna gudoomiyaha xisbiga ANDM mudane Demeke Mokoninn, Madaxwaynaasha dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, mas’uuliyiinta xisbiyada bah-wadaagta ah oo uu kamid yahay gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq iyo marti sharaf kale oo ka socday dawlad deegaanada dalka.
Waxaana furitaankii dood cilmiyeedkan ka hadlay Madaxa xarunta dhexe ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya SEPDM mudane tesfaye baljige oo si qota dheer ooga warbixiyay sooyaalkii Taariikheed eeHalgankii khadhaadhaa ee uu soo maray xisbiga SEPDM, Guulihii laxaadka lahaa ee uu xisbigu kagaadhay dhinacyada horumarka, Caqabadihii iyo dhibaatooyinkii uu xisbigu lakulmay mudadii 25kii sano ee lasoo dhaafay isagoo masuulku soo ban dhigay jihooyinka horumarineed ee mustaqbalka dhaw ee xisbiga SEPDM. Sidoo kale mudane tesfaye baljige ayaa sheegay in xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya (SEPDM) ay 17kii Tahsaas,1983 aas-aaseen geesiyadii ururkii dooxada Riftvalley.
Dhanka kale kulankan dood cilmiyeedka sanad guurada 25aad ee xisbiga shucuubta koonfureed ee SEPDM ayaa waxaa ka hadlay madaxwaynayaasha deegaanada bahwadaagta ah oo uu kamid yahay Gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay “inay deegaanka soomaalida itoobiya deganyihiin dad leh hal dhaqan ,hal luuqad iyo Waliba hal diin islamarkaana ay caqabado badan soo wajihi jireen. Halka uu xisbiga shucuubta koonfureed oo ay kumidoobeen 56 qoomiyadood hadana uu horumarka wayn kutalaabsaday uu kudayasho mudan yahay.
Ugu danbayna dood cilmiyeedkan sanadguurada 25aad ee xisbiga shucuubta koonfureed ayaa si rasmi ah usoo gabagaboobmey iyadoo xuska sanadguurada 25aad ee xisbiga shucuubta koonfureed ee SEPDM maalinka bari ah uu si rasmi ah uga furmi doono magaalada hawaasa.