Dhagaxbuur,(cakaaranews), arbaca, 11ka October, 2017. kulan lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 1,aad ee sanadka 2010TI ee maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa ka furmay madasha shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur
kulankan qiimayta ah oo diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maamulka suuban ee u dajisnaa maamulka magaalad dhagaxbuur fulinta qorshayaashii loogu talagalay in la fuliyo rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2010 ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisyada maamulka magaalada dhagaxbuur oo uu ugu horeeyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xaxan suufi
Waxaana kulankan qiimayta ah ugu horayntii ka hadlay maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi oo si fiican ugu qeexay maamulada masuuliyiinta xafiisyada maamulka magaalada dhagaxbuur ujeedooyinka iyo ahmiyada kulanka qiimaynta ah isaga oo sheegay in qiimayntan xooga lagu saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa xafiisyada maamulka magaalada dhagaxbuur kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada u qorshaysnaa labadaba sida shaqo abuurka, xoojinta iskaashatooyinka maamulka magaalada dhagaxbuur bilida iyo nadaafada maamulka magaalada dhagaxbuur, dakhliga, nidaamka cadcadaanta iyo isla xisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo maayirku tilmaamay inay masuuliyiinta xafiisyada maamulka magaalada dhagaxbuur ku saleeyaan warbixintooda qotobada sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.