Malayko(cakaaranews)Talaado, 10ka October 2017.Waxaa maalmahan isdabasocda dawooyin iyo talaal laga fulinayo ceelasha caanka ah ee ay xooluhu isugu-yimaadaan kadib markii xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga DDSI uu udiray dhakaatiirta caafimaadka xoolaha iyo waliba dawooyinkii, iyadoo sidookalana ceelasha caanka ah ee malayko iyo mugwayn ay kabilaabatay daawayntii iyo talaalka xoolaha.
Hadaba, Dr Cabaase Maxamed Jibriil oo kamid ah dhakhaatiirta fulinaysa shaqadan daawaynta iyo talaalka xoolaha ee kasocota sabooyinka malayko iyo mugwayn ayaa sheegay in si fiican ugu socoto daawaynta iyo talaalka xoolaha taas oo lasiinayo dhamaan dhamaan isuguyimaada sabooyinkan malayko iyo mugwayn. Wuxuuna intaa kudaray in xafiisku uu dhamaanba ceelasha deegaanka uu kawdo daawaynta iyo talaalka noocan ah, wuxuuna tilmaamay in shaqadan ay soconayso mudo 45 bari ah kuna sugnaanayaan sabooyinkan islamarkaana ay u qorshaysan tahay koox ahaan in ladaweeyoo xoolo dhan boqol kun oo neef oo kaladuwan.
dhanka kale, bulshada xoolodhaqatada ah ee loo daaweeyay xoolaha ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin talaalka iyo daawaynka loosameyay islamarkaana ay u mahadcelinayan dhamaan shaqaalahan fulinaya iyo waliba xukuumada DDSI.
Iskusoowada duuboo, ceelashan malayko iyo mugwayn ayaa kamid ah sabooyinka waawayn ee xooluhu isuguyimaadaan islamarkaana katirsan degmada Garbo ee Gobolka Nogob.