Shiniile,(cakaaranews), axad, 29ka October, 2017. Kulan lagaga hadlayay adeeg bixinta xarumaha caafimaadka,rugaha iyo cusbitaalka gobolka siti ayaa ka dhacay madasha shirarka ee gobolka siti ee magaalada shiniile. waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi qaarka mid ah masuuliyiinta gobolka siti, kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kor-meerka shaqo ku joogay gobolka siti iyo madax-xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka siti.
Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargalin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay bulshada u fidiyaan xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka iyo cusbitaalka gobolka siti islamarkaana loo eegilahaa warbixinta kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kormeerka shaqo ku maraya degmooyinka gobolka siti.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolka siti ahna madaxa xafiiska cadaalada gobolka siti mudane Cumar Macalin oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa tayada adeegyada caafimaadka deegaanka islamarkaana looga midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka ee ku wajahan xaqiijinta tayada adeega caafimaadka guud ahaan deegaanka . masuulka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in maamulada adeegyada caafimaadka looga baahan yahay in ay xooga saaraan tayaynta adeeg bixinta xarumaha caafimaadka wuxuuna intaasi ku daray in kulankan lagu eegayo warbixnta ay kooxda taakulaynta iyo taageerada adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI ku soo arkeen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka siti
Dhanka kale iskuduwaha maareynta xogta caafimaadka iyo dabagalka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Wali Axmed Nuur oo ah madax kooxeedka kooxda taakulaynta iyo taageerada ee xafiisak caafimaadka DDSI ee ka shaqo galay gobolka siti ayaa ka warbixiyay kormeerkii shaqo ee ay ku soo mareen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka siti ,taakulayntii iyo taageeradii ay siiyeen xarumaha caafimaadka gobolka siti, gol-daloolada ay soo arkeen iyo sidii loo gufayn lahaa gol-daloolada jirta si bulshada qaybaheeda kala duwan ay xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka uga helaan adeeg tayaysan oo deg deg ah.