Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Abaabulka Waxbarashada Gobolka Qoraxay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Marsin,(cakaaranews), Arbaca, 4ta October, 2017. Dhawaan ayay ahayd markii uu xafiiska waxbarashada  DDSI u kala diray 12 kooxood dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka kuwaasi oo soo hirgalinaya abaabulka  waxbarashada sanad dugsiyeedka 2010TI.  

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba, kooxdii abaabulka waxbarashada heer deegaan ee ka hawlgalay Gobolka Qoraxay oo la soo xidhiidhay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in kulamadii dhinaca abaabulka waxbarashada ka bilaabeen  xarunta maamulka gobolka qoraxay iyaga oo kulamo la yeeshay masuuliyiinta ugu saraysa gobolka islamarkaana kala qaatay jihooyinka iyo qaab-shaqeedka abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada sanad dugsiyeedka 2010TI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kooxdan abaabulka waxbarashada ayaa u dhaadhacday dhinaca degmooyinka gobolka qoraxay iyaga oo shirkii ugu horeeyay ee abaabulka waxbarashada ka bilaabay degmada shilaabo ee gobolka qoraxay  halkaasi masuuliyiinta degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada shilaabo kulan kula yeesheen,
kooxda heer deegaan ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen si  aan loo arag arday loox-tuuray. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan degmada shilaabo   ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen sidoo kalena ka faa’-iidaysanayaan fursadaha waxbarasho dadka waawayn ee aan wakhtiyadii hore helin fursad waxbarasho

Kooxdan abaabulka waxbarashada heer deegaan ee gobolka qoraxay ayaa uga sii gudbay degmooyinka:-  Higloolay, Dh/wayn iyo Ceel-gaadeen kuwaasi oo ay ka qabteen shirka abaabulka waxbarashada waxayna wakhti-xaadirkan ku sugan yihiin  Dagmada Marsin, waxayna sheegeen in hawlaha abaabulka waxbarashadu si fiican uga socoto guud ahaan qoraxay.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>