Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gobolka Siti iyo Abaabulkii Waxbarashada Oo Sifiican Uga Socota

$
0
0

 

Erer (cakaaranews)Talaado, 3da October 2017. Shirar kaladuwan oo ku’aadan abaabulka waxbarashada iyo sidii loo diwaangalin lahaa ardayda da’da waxbarashada gaadhay, waxbarashada dadka-waawayn iyo waliba waxbarashada baahida gaar ka ah dadka qaba. Iyadoo abaabulkaasina ay kaqabsoomeen degmooyinka ay kamidka yihiin Ma’ayaso, Afdam, Gota-biki, iyo waliba qaar kamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmooyinkaas.

Hadaba, shirarkan oo ay si wada jir ah u filinayeen qaar kamid ah masuuliyiinta Gobolka siti, masuuliyiinta degmooyinka iyo waliba koox kasocotay xafiiska waxbarashada DDSI  ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixyay madax kooxeedka kooxda ka socotay xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Cabdiwali Axamed Yaasiin oo sheegay  in abaabul balaadhan ay kasameeyeen degmooyinka Maa’ayso, Afdam, Gota–biki iyo waliba qaarkamid ah tuulooyinka hoosyimaada oo ay kamid yihiin Darceela, Gota iyo Hulaaboora iyo waliba kuwa kale. Wuxuuna tilmaamay in shirar kaladuwan ay layeesheen dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ay si wayn ugu booriyeen diwaangalinta waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I iyadoo ladiwaangalinayo caruurta dad waxbarashada gaadhay, waxbarashada dadka waawayn, iyo waliba waxbarashad dadka baahida gaarka ah qaba. Wuxuuna carabka kudhuftay in shaqooyinkan abaabulka ah ee aykooxdu wado ay sifiican ugala shaqaynayeen masuuliyiinta Gobolka Siti iyo waliba masuuiyiinta degmooyinkaas ay soo mareen.

Ugudanbayna, wuxuu xusay in meel fiican ay u marayso shaqooyinkoodii kuaadanaa abaabulka waxabarashada ee Gobolka siti islamarkaana caawa ay kusoo hooydeen Degmada erer iyagoo barii subaxana degmada erer kabilaabi doona kulamadii ay layeelanayeen maamulka iyo waxgaradka kudhaqan degmada.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>