Haarjano(Cakaaranews) Sabti 30ka September 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa saaka magaalada fiiq uga ambabaxay dhanka buuraha dhaadheer ee gobolka erer isagoo madaxwaynuhu halkaas xadhiga kaga jaray wadada wayn ee laga hirgaliyay buuraha dhaadheer ee gobolka erereed ee udhexeeya fiiq iyo mayu islamarkaana iskuxidhaysa shacabka xarunta gobolka erer ee degmada fiiq iyo degmada mayamuluuqo.
Wadadan oo dhererkeedu dhanyahay 60km ayaana ah mid suurtagalinaysa islamarkaana sahlaysa isu socodka dhinacyada ganacsiga, gaadiidka, bulshada iyo xoolaha ee degmooyinka fiiq iyo mayu. Sidoo kale wuxuu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu xadhiga kajaray buundada wayn ee lasaaray togga erereed oo taariikhda abid markii 1aad kadhigaysa inay shacabka degmada mayumuluqo oo Gabi ahaanba ilaa nabi-aadam kago'naa deegaanka inay maanta kuxidhmaan deegaanka. Taas oo hada kahor marka laga baxo xarunta deegaanka ee magaalada jijiga ee loo socdo degmada mayu loo sii Mari jiray deegaanka hararida, deegaanka oromada, canfarta islamarkaana looga soo wareegi jiray ismaamulka addisababa, deegaanka shucuubta koonfureed iyo qaybo kamid ah deegaanka oromada masaafo dhan 600 oo km. Waxayna masaafadaas intaa le'eg ay xukuumadu maanta usoo gaabisay 60km oo kali ah.
Hadaba MW CMC oo xadhigkajarka buundadan kula hadlay qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa sheegay inay xukuumada deegaanku wado dadaalo balaadhan oo ku aadan dhanka isu socodka bulshada deegaanka iyadoo xukuumadu hirgalisay wadooyin iyo buundooyin tiro badan tayana leh taariikhdana galay oo iskuxidhaya gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee hada kahor kala qoqobnaa islamarkaana iskufilaanshaheena dhanka jidadka ladhamaystiray wakhti xaadirkan 100% .
Iskusoo wada duuboo, xadhigkajarkan kadib ayaa waxay madaxwaynaha iyo waftigiisu ugudbeen dhanka degmada mayumuluqo iyagoo kulan xog iswaydaarsi ah layeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada mayu.
Ugudanbayna, madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa degmada mayumuluqo uga socdaalay dhanka galbeed ee degmadaasi si loo soo darso togga udhexeeya mayu iyo qubi iyo inay suurtagal tahay in lahelo goob sahlaysa in buundo lasaaro. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu ay wakhti xaadirkan kusugan yihiin haarjano oo ah dhul buuralay ah oo joogiisu aad usareeyo oo udhaxeysa degmada mayu iyo qubi.