Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar Usoo Xidhay 40 Xubnood Oo Tababar Usocday In Mudo Ah.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 28ka September 2017. xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar u sooxidhay 40 xubnood oo in muda ahba qaadanaysay tababar laxidhiidha adeega daawaynta iyo xakamaynta cudurka qaaxada  ee laqabsatay daawada ee loo yaqaano MDR-TB iyadoo xubnahana laga soo kala xulay qaar kamid ah cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka Deegaanka.

Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan  Ismaaciil Cali oo sheegay in xirfadlayaashan tababarka qadanayay labaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin in ay xaqiijiyaan dawada loogu talagay qofka cudurka qaaxada qaba ee laqabsatay daawada iyo sidii bukaanku wakhtigii loogu talagalay ugu qaadan lahaa iyo waliba sidii uu bukaanku si habsamileh ugu isticmaali lahaa si uu uga bogsado cudurka. Wuuuna intaa kudaray wasiirku in dadaal badan lagu bixinayo adeega baadhista cudurka qaaxada iyo daawayntiisaba islamarkaana lagaadhsiinayo dhamaan xarumaha caafimaadka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay si fiican uga soobaxaan waajibaadkooda islamaarkaana xirfadlayaashan tababarka qaatay xaqiijiyaan oo ay yareeyaan tirada dadka qaba cudurka qaaxada laqabsaday daawada.

Ugudanbayna, kasooqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in mudo shan cisho ah ay baranayeen cudurka qaaxada ee laqabsatay daawada. Waxayna tilmaameen in si wanaagsan ay u barteen xeeladaha kaladuwan ee lagula tacaalayo qaaxada laqabsatay dawada ee looyaqaano (MDR-TB) islamarkaana ay ugu adeegayaan bulshadooda sidii loogu talagalay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>