Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Waynihii 10aad Ee Wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabka Oo Galay Maalinkii 3aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 28ka October 2017. Shirwaynahii 10aad aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka oo galay maalinkii 3aad oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI  mudane  Cabdi Maxamuud Cumar  iyo afhayeenka golaha xildhibanaada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo lagaga wada arrinsanyay gabi ahaanba xaalada deegaanka gaar ahaan sidii loosii adkayn lahaa hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo qorshaha sanadka cusub ee 2010TI. Kulankan  ayaa waxaa kasoo qaybgalay  mas’uuliyiinta iyo wasiiradan  kaladuwan ee XDSHSI ee heer federal oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada JDFI  mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi, wasiirka wasaarda gaadiidka ee JDFI mudane Axmed Shide, afhayeen kuxigeenka golaha federationka ee  dalka  mudane Rashiid Xaaji iyo wasiiru dawlaha xafiiska raisal-wasaaraha JDFI marwo Farxiya Maxamed Cumar  ayaa waxay si guud ooga  hadleen sii adkaynta hawlaha nabadgalyada gaar ahaan dhibaatada argagixisadu leedahay iyo sidii looga hortagi lahaa iyagoo tusaale usoo qaatay dhacdadii xasuuqa iyo gumaadka ee ka dhacday dalka aynu dariska nahay ee somaliya .

Waxayna mas’uuliyiintan iyo wasiiradan  kaladuwan ee XDSHSI ee heer federal  ay madasha kaga hadleen sii adkaynta horumarka taabagalay ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka iyagoo tusaale usoo qaatay taariikhdii madoobayd ee uu deegaanku ku sugnaa hada ka hor waxayna ku booriyeen bulshada deegaanka inay qaybtooda ka qaataan itoobiyaanimada cusub ee ku salaysan is jecaylka isqadarinta iyo nabad kuwada noolaanshaha shucuubaha qoomiyadaha  itoobiya iyo bulsho hal dhaqan dhaqaale leh.

Dhanka kalemas’uuliyiintan iyo wasiiradan  kaladuwan ee XDSHSI ee heer federal ayaa ka hadlay isku dhicii labada deegaan iyaga oo sheegay inay nabadgalyadu lagaga maarmaan tahay islamarkaana canbaareeyay inay khalad ahayd in lakala barakaco labada dhinacba loona baahan yahay inaysan dib udhicin. Waxayna intaa ku dareen maadaama ay dadka somalida iyo  oromada  ay yihiin dad is dhex dagan oo isku dhexnool inaysan marnaba munaasab ahayn in lakala guuro oo lakala barakaco sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay siday labada deegaanba ooga wada shaqayn lahaayeen sidii barakacayaasha dibu dajin loogu samayn lahaa.

Iskusoo wada duuboo mas’uuliyiintan iyo wasiiradan  kaladuwan ee XDSHSI ee heer federal ayaa tooshka ku shiday islamarkaana hoosta ka xariiqay sidii gabi ahaanba shacabwaynaha deegaanka xisbiga iyo xukuumada oo is kaashanaya ay ooga shaqayn lahaayeen sii adkaynta nabadgalyada, horumarka iyo nidaamka dibucurashada maamulka suuban iyagoo tilmaamay in DDSI uu gaadhay heer wax laga baran karo iyo hogaamin leh arragti shacab, mid horumarineed iyo miskax caafimaad qabta oo lagu tilmaami karo mu’handisiin .

Ugu danbaynamas’uuliyiintan iyo wasiiradan  kaladuwan ee XDSHSI ee heer federal ayaa waxay hadalkoodii kusoo xidheen in dadka oromada ah ee ku sugan deegaanka loola dhaqmo si ka wanaagsan sidii hore.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>