Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 26ka, October 2017. Ismaamulka magaalada Addis ababa ayaa lacag 10 milyan ah ugu deeqay shacabka soomaalida ah ee kasoo barakacay deegaanka oromada.
Hadaba lacagtan 10ka milyan ah ayaa maamulka magaalada addis ababa ku wareejiyeen gudoomiyaha gudiga barakacayaasha mudane Khadar Macalin Cali islamarkaana maamulka addis ababa uga mahadceliyay lacagta taageerada ah ee ay ugu deeqeen shacabka barakacayaasha ah ee somalida. Wuxuuna intaa ku daray gudoomiyuhu in xukuumada iyo shacabka DDSI aad uboogaadiyeen deeqadan ay ismaamulka addisababa oogu deeqeen shacabka barakacayaasha ah islamarkaana ay kudayasho mudan yihiin.