Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qiimayn Loo Qabtay Maamulada 229 Dugsi Oo Ah Dugsiyada Quudinta Leh

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 16ka September 2017. Qiimayn kusaabsan waxqabadka dugsiyada quudinta leh islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya hay’ada WFP ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba, qiimayntan oo ay kasooqaybgaleen maamulayaasha iyo xubno kale oo kasocday 229 ka dugsi ee quudinta leh ayaa waxaa xidhitaankeedii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in barnaamijkan quudinta ee kajirta 229 dugsi oo kamid ah dugsiyada deegaanka ay taageero kagaysato hay’ada WFP. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in barnaamijkan quudintu ay ardayda faaiido wayn uleedahay islamarkaana ay 100% yarayso luux tuurka ardayda ama drop-out ka. In dugsiyada quudinta leh ay dhamaan ardaydu u xaadiraan cahar qaadashada, waxayna ardayda kacaawisa dhanka koritaanka iyo waxbarashada. Wuxuuna wasiirku kuladardaarmay kaqaybgalayaasha in sifiican loo ilaaliyo habsami usocodka quudinta islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka quudinta iyo waliba saxada iyo caafimaadka cuntooyinka quudinta.

Ugudanbayna, maamulayashii kasooqaybgalay kulankan qiimaynta ah oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmaamay in kulankani ahaa mid qiimayn iyo tababar isugujira islamarkaana ay balan qaadayaan in ay raacayaan shuruucda quudinta oo ay waliba ilaalinayaan wixii xadgudub ku ah nidaamka quudinta.  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>