Awbare(cakaaranews)Isniin 16ka October 2017. Mashruuca horumarinta iyo kajawaabida saamaynta ay qaxootiyadu kureebaan bulshada magaciisana loo soo gaabiyo DRDIP islamarkaana hoosyimaada xafiiska horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI, iyadoo mashruucanina u kuhawlan yahay taageerida bulshada kudhaqan qaarkamid ah degmooyinka qaxootiyadu degan yihiin ee Deegaankeena islamarkaana 70 xubnood oo kudhaqan degmada awbare tababar u bilaabay.
Hadaba, mudane Cabdifataax Makhtal Siraad ooah khabiir katirsan mashruuca DRDIP ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo warbaahina deegaanka ayaa sheegay in mashruucan ujeedadiisu tahay taakulaynta bulshada deegaanka gaar ahaan kuwa ay saamaynta kuyeesheen qaxootiga ladajiyay goobtaas ay ku nool yihiin. Wuxuuna intaa kudaray in degmada awbare ay tababar u bilaabeen 70 xubnood oo kamid ah bulshadaas kuwaasoo badankoodu ay yihiin beeralay gaar ahaan beeralayda hormuudka ah, technical comitee yada, DA iyo xubno kamid ah xoolo dhaqatada.
Wuxuuna xusay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii kaqaybgalayaasha fahan buuxa looga siin lahaa nidaamyada waxsoosaarka iyo beerashada casriga ah. Iyadoo casharada labarayana ay kamid yihiin dalagyada kaladuwan ee beeraha, dalagyada kaladuwan ee calafka xoolaha, nidaamka rimay gacmeedka xoolaha iyo waliba kafaa’iidaysiga shinida
Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in khabiiradan katirsan mashruuca DRDIP ay muda yar kahor tababar kan lamid ah ka fuliyeen dgmada doolo-cado ee gobolka liibaan degmadaas oo iyana kamid ah degmooyinka ay qaxootigu degan yihiin.