Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 12ka, September 2017. Waxaa si rasmi ah loo soogabagabeeyay Shirwaynihi 9aad ee waxabarshada Deegaanka oo mudo 3 cisho ah kasocday xarunta deegaanka islamarkaana lagagawada hadlayay waxqabadkii waxbarashada ee sanadka 2009 iyo sidii loosixi lahaa turunturooyinkii dhanka waxabarashada ee fulinta qorshihii sanadkan dhamaaday iyo waliba abaabulka waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I
Shirwayanahan oo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah, masuukliyiinta gobolada degmooyinka iyo maamulmagaalyinka deegaanka iyo waliba dhamaan madax xafiiseedyada waxbarashada
Hadaba, shirwaynahan ayaa waxaa xidhitaankiisii shirwayahan khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in ay lagama maarmaantahay in kor looqaado tayada waxbarashada islamarkaana taasi ay kuxidhantahay insidiisii loo hirgaliyo qorshaha waxabarashada ee deegaanka u yaala sanadkan 2010. Waxuuna intaa kudaray in heerka waxbarasho ee deegaanku maanta taaganayahay ay atahay meel fiican islamarkaana loo baahanyahay in kor looga sii wado meesha lataagan yahay, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la diwaangaliyo dhamaan caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada, iyo waliba in iyana sidookale ladiwaangalaiyo dhamaan caruurta baahida gaarka ah qabta. Wuxuuna wasiirku carabka ku adkeeyay in ayana qodobada ugumuhiimsan ay tahay kor uqaadista xadiga waxbarashada ee barbaarinta islamarkaana dhamaan dugsiyada hoose ee aan lahayn Fasalka eber(0) ama 0 Callas ay kafuraan dugsiyadooda maamulada gobalada iyo degmooyinkuna kudabagalaan hirgalintiisa.
Dhankakale, gabagabadii shirwaynahan ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay degmooyinkii guulaha kakeenay dhanka kor uqaadista waxbarashada.
Ugudanbayna, qaarkamid ah masuuliyiintii kasoooqaybgashay shirwaynahan ee lagudoonsiiyay shahaadooyinkan oo dareenkooda kahadolay ayaa sheegay in ay aad ugu farxsanyihiin shirwaynahan waxbarashada iyo waliba shahaadooyinkan lagudoonsiiyay oo tilmaamaysa dadaalkii ay kagaysteen dhanka kor uqaadista waxabarashada degmadooda. Waxayna xuseen inay balan qaadanayaan in ay sii wadayaan dadaalkooda ku aadan tayaynta iyo taabo-galinta waxabarashada deegaanka.