Jigjiga(cakaaranews)Isniin 11ka September 2017.Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI ayaa talaalka kahortaga cudurka kaligii cunaha ee afka qalaad loogu yeedho PPR islamarkaana kudhaca xoolaha ka fuliyay tuulada ceelbaxay ee duleedka magaalada jigjiga kadib markii lagu arkay qaarkamid ah xoolaha gaar ahaan adhiga oo uu kudhacay cudurkaasi.
Hadaba, Gadh-wadeenka G/S shaybaadhka caafimadka ee xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga Dr yaxye maydhane oo sheegay in xukuumadu dadaal balaadhan ugujirto waxsoosaarka xoolaha taasoo ah dhaqashadooda, ilaalinta caafimaadkooda iyo waliba suuq u helidooda. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in qabaleegan ceelbaxay lagu arkay cudurka kaligii cunaha ee afka qalaad lagu dhaho PPR. Kaasoo xoolaha khatar ku ah islamarkaana ah cudur kuwada faafi hadaan laga gaadhin oo aan latalaalin. Wuxuuna tilmaamay in dhakhaatiirta iyo xirfadlyaasha caafimaadka xoolaha ee xafiisku ay kuhawlanyihin talaalka xoolaha islamarkaasna ay kafulinyaan dhamaan goobta lagu arkay iyo waliba tuuloooyinka u dhaw.
Ugudanbayna bulshada xoolo dhaqatada ee kudhaqan qabalaha ceelbaxay ayaa sheegay in aad ugu mahadcelinayaan xirfadlayaashan caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga, maadaama oo ay sifiican ugu talaaleen dhamaan xoolahoodii.