Fiiltu,(cakaaranews), jumce, 1da, September, 2017. Munaasabada salaada ciidul adxa ayaa siwayn oo farxadi iyo rayn-rayn ku dheehan tahay looga ciiday islamarkaana loogu tukaday salaada ciidal adxa xarunta gobolka liibaan ee filtu iyada oo ay siwada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee magaalada filtu shacabwayne aad u tiro badan iyo masuuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmada filtu oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali.
Munaasabadan salaada ciidal adxa oo jawi aad u qurux badan u dhacday ayaa waxaa ka hor intaan la tukan salaada ciidul adxa waxaa la hadlay shacabwaynaha gudoomiyaha gobolka liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali oo isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta reer itoobiya gaar ahaan bulshada DDSI khaasatan shacabwaynaha gobolka lilbaan uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay istaraatajiyadaha iyo jiyooyinka horumarineed ee ay xukuumada DDSI ku tir tiraysa saboolnimada kuna gaadhayso wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay isaga oo sharax dheerka bixiyay qorshayaasha xooga saarayo sanadka 2010TI kuwaasi oo ka jawaabaya daboolida baahiyaha bulshada iyo kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha gudoomiyaha ayaa si gaar ah uga warbixiyay qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshankarnaa oo ah qorshe lagu tir tirayo saboolnimada.
Sidoo kale waxaa maanta siwayn oo farax leh looga ciiday dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka liibaan taasi oo ay siwada jir ah ugu tukadeen barxadaha xarumaha degmooyinka gobolka libaan shacabwaynaha iyo masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka liibaan.