Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Raisal-Wasaaraha JDFI Oo Soo Xidhay Tababarkii Hogaaminta Sare

$
0
0

Addisababa (Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Desalegn ayaa soo xidhay tababarkii hogaaminta sare ee meles Academy uga socday xarunta dalka ee magaalada addisababa kulana dardaarmay inay tababarkan uga faaiideeyaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta deegaanada iyo ismaamulada dalka. Wuxuuna raisal-wasaaruhu si cilmiyaysan usoo koobay maadooyinkii tababarka ee ay muadad 47 bari ah hogaaminta sare uga socday xarunta dalka, isagoo si qiiro leh oo cadcadaani ku dheehantahay usoo dhigay.

Dhanka kale raisal-wasaaraha ayaa si qoto dheer uga  hadlay (rent seeking) ama xoolo cirdoonimada wuxuuna sheegay inuu ogyahay dadka xoolo cirdoonka ah lagana talaaba qaadi doono. Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay hirgalinta qorshaha GPT2.

Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay arrimaha ku saabsan Erateria isagoo sheegay inay meesha ka baxeen ururadii nabadiidka ahaa ee uu soo hubayn jirtay erateria oo uu ku tilmaamay qorshaheeda hal bacaad lagu lisay , Isagoo tusaale usoo qaatay UBBO oo awr kiraale u ahayd erateria oo uu sheegay in waxa kali ah ee lagaga guulaystay ay tahay hirgalinta qorshaha horumarka iyo nabadgalyada oo uu deegaanku siday ahayd u hirgaliyay.

Wuxuuna raisal-wasaaruhu amaanay qorshihii nabadgalyada ee ay dajiyeen dawlada federalka ah, xukuumada deegaanka iyo shacabka DDSI oo meesha lagaga saaray nabadiidka isagoo intaa raaciyay in qorshahani yahay mid tusaale loogusoo qaadan doono deegaanada kale ee dalka sida deegaanka Gambeele oo ay markasta qabiilo kagasoo duulaan dhanka koonfurta sudan oo caruurta ka laayaan qaarna qafaashaan.

Dhanka kale raisal-wasaaraha dalka ayaa tusaale usoo qaatay sheeko dhexmartay isaga iyo madaxa hay’ada USAID mudane Mark Green oo raisal-wasaaraha uga sheekeeyay sheeko dhexmartay islaan udhalatay DDSI kadib booqashadiisii magaalada jigjiga islaantaas oo ku tidhi mr Mark Green meesha aad qamandiga nagasiinaysaan naga caawiya inaan anagu lasoo baxno waxsoosaarkaanaga, Naga caawiya dhanka waraabka iyo beerashada wuxuuna ninkani sheegay inay arrintani qalbigiisa taabatay islamarkaana ay tahay fariinta uu kula laaban doono Washington DC . Arrintan oo ku tusinaysay heerka garaadka aadka ukordhay ee shacabka deegaanka soomaalida oo shalay ahaa deegaanada dib udhacsan waxayna arrintan noqotay mid ay shalay ka doodeen dhamaan hogaaminta sare ee dalkeena itoobiya ee uu tababarka usoo xidhmay, Sidaa darted waxaa hogaaminta DDSI looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan ka midha dhalinta qorshayaasha horumarineed.    


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>