Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wakaalada Hor- Khay- Biyaha Ee MM Qabridahar Oo Haamaha Yaryar Ee Biyaha Nadiifiya U Qaybiyay 600 Oo qoys

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Isniin 21ka August 2017.Maareeyaha wakaalada Hor/Khay-Biyaha MM Qabridahar mudane Maxamed Isaaq Digaale ayaa 600 oo qoys oo kamid ah qoysaska kunool 10 ka xaafadood ee magaalada u qaybiyay haamaha nadiifiya biyaha cabitanka ah kuwaasoo ah haamo yaryar oo mugoodu qaadi karo 12 Liter oo Biyo ah islamarkaana halkii saac ee kastaba 2 Literr oo biyo ah nadiifinaysa jeermiskiina kasaaraysa.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada Horumarinta Khay- Biyaha ee MM Qabridahar mudane Maxamed Isaaq Digaale oo kahadlay qalabkan uu gudoonsiinayo qoysaska ayaa sheegay in qalabkani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana ay u qaybinayaan 600 oo qoys oo kudhaqan magaalada qabridahare. Wuxuuna intaas kudaray in qalabkani yahay haamo yaryar oo isku gudajira islamarkaasna aalad yar oo biyaha nadiifiya dhaxda kuleh kadibna biyaha lagu shubay hanta kore usii gudbinaya haanta hoose isagoo kadilaya wixii jeermis ahaa biyiihiina nadiif kadhigay. Wuxuuna tilmaamay in haantu ay qasabad yar hoosta kuleedahay oo biyaha lagaga shubanayo ama lagaga cabayo galas. Halkiisaac ee kastana 2 liter oo biyo ah nadiif kaga dhigaysa.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qoysaskii qaatay qalabkan kula dardaarmay in maadaama oo si practical ah lootusay qalabkan iskuxidhkiisa iyo sida loo isticmaalayo ay uga faa’iidaystaan sidii loogu talagalay. Isagoo carabka kudhuftay in dhamaan qoysaskan qaatay ay ka badbaadayaan xanuunada ay keeni karaan biyaha jeermiska leh ama aan nadiifta ahayn.

Ugudanbayna qoysaskii qaatay qalbkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu mahadcelinayaan maamulka magaalada qabridahar gaar ahaan wakaalada biyaha MM Q/dahar ee u qaybisay haamahan casriga ah ee loogu talagalay inay nadiifiyaan biyaha cabitaanka. Waxayna balan qaadeen in sidii loogu talagalay ay uga faa’iidaysanayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>