Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 19ka August 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagusoo gabagabeeyay koobkii tartanka kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka oo ay finaalka isugu yimaadeen kooxda gobolka sitti iyo kooxda gobolka Daawa.
Hadaba ciyaartan finaalka ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo afhayeenka goloha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase,Wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan Khayre, qaar kamid ah golaha kaabaneega, agaasimayaasha xafiisyada heer deegaan, taageerayaasha labada kooxood iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka.
Hadaba ciyaartan xiisaha lahayd ee dhexmartay kooxda gobolka Sitti iyo kooxada kooxda gobolka daawa oo ay tageero aad utira badan soo buux dhafiyeen garoonka casriga ah ee magaalada jigjiga islamarkaana ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbaro 0-0 ah. Waxaana ladhigay rigoore oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka Sitti islamarkaana ay ku qadeen koobkii tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka.
Ugu danbayna waxaa la guda galay abaalmarintii kooxaha kaalamaha hore galay oo ay halkaas abaalmarinta ku gudoonsiiyeen mas’uuliyiin uu ugu horeeyo afheenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase islamarkaana ay kula dardaarmeen kooxihii kaalmaha hore galay oo ay ugu horayso kooxda gobolka sitti inay halkaas dadaalkooda kasii wadaan si ay ooga qaybgalaan tartamada dalka iyo kuwa heer caalam.
Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kooxda gobolka sitti ee ku guulaysatay koobkan oo sheegay inay aad oogu faraxsan yihiin koobkan ay ku qaadeen iyadoon hal ciyaarna lagabadinin islamarkana ay dadaalkooda halkaas kasii wadi doonaan.