Hadhaawe(Cakaaranews) Talaado 15ka August 2017. Xukuumada DDSI ayaa si is daba jooga guula uga gaadhaysa mashaariicaha waraabka beeraha Mudo kooban ayaa laga jooga markii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu xadhiga ka jiray 4 biyo xidheen oo kuwa waraabka beeraha ah oo laga hirgaliyay gobolada jarar iyo qoraxay Kuwaas oo wakhtigan la joogo bulshadu ka abuuratay kumanaan hictar oo dalaga kala,duwan ee beeraha ah.
Hadaba Mashruuca waraabka hadhaawe ee degmada godey ayaa waxaa ku socota balaadhin iyada oo la jeexayo kanaalo dhaadheer oo loogu talo galay in beeraha lagu waraabiyo Waxaana booqasho kormeer, qiimayn ah kusoo sameeyay qaabka dhismuhu u socdo wafti isugu jira heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo,Kuwaas oo si qoto dheer ugu kuur galay geedi socodka shaqada iyaga oona qiimayn ku sameeyay mudada lagu soo afmeeri doono dhismahan mashruucan.
gud ku xigeenka gobolka shabeelle Mudane Nuur Xayir Qaasin, ayaa Kormeerka kadib wuxuu warbaahinta deegaanka uga xog waramay ujeedada uu salka ku hayo kormeerkoodani islamarkaana ay u xaqiijin lahaayeen qaab dhismeedka uu usocdo mashruucan
Dhanka kale gadh wadeenka geedi socodka barnaamijka dajinta iyo wacyi galinta bulshada ee xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Farxaan Maxamuud Aadan oo isana la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inuu u yimid biyo xidheenkan inuu xaqiijiyo heerka uu marayo dhismaha biyo xidheenkan qabalaha hadhaawe oo uu maalgaliyay dhismihiisa xafiiska waraabka iyo dooxooyin DDSI islamarkaana ay dhismihiisu gacanta ku hayso wakaalada dhismaha, iibka iyo adeega gaarka ee poliska DDSI. Wuxuuna xusay in ay soo arkeen Biya xidheenkan oo ah kii ay fuliyeen maamulka degmada godey sanadkii hore ee 2008 TI ayaa waxaa balaandhinta lagu wado kasakaw bar bar socda in maamulka degmadu ay ku bilaabeen abuurista beer ay ugu talo galeen inay tusaale uga dhigaan shacabka.
Ugu Danbayna waxaa si kooban ooga warbixiyay biyoxidheenkan gudoomiyaha deg godey mudane Xasan Cali Cabdi oo sheegay inuu Biyo xidheenkan markuu dhamaado suurta galin doonaa sida qorshuhu yahay in looga faaiideeyo boqolaal qoys oo ku dhaqan qabalaha hadhaawe iyo guud ahaan nawaaxiga agaas.