Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Munaasabad Ku Saabsan Yaraynta Shilalka Gawaadhida Oo Ka Qobsoontay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017. Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay dulucdeedu ahayd mid lagu qorfaynayay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa shilalka gawaadhida loona xoojin lahaa bad-baadada wadooyinka ayaa ka dhacday madasha shirarka ee sayid MCX ee xarunta deegaanka.

Munaasabadan oo uu soo diyaariyay xafiiska Gaadiidka Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, ciidanka baanboyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga. Munaasabadan oo socdaal lug ah lagu soo maray qaarka mid ah wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar oo sheegay in loo baaahan yahay in siwada jir ah looga hortaga sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida iyada oo xooga la saarayo bad-baadada dawooyinka wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan cida ay sida tooska ah u khusayso in ay xooga saaraan sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida.

Hadaba  Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay”ka hortaga shilalka iyo bad-baadada wadooyinka ayaa ku xaqiijinaynaa dib u curashadeena” ayaa waxaa dhankiisa ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi oo sheegay in xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshaduhu dadaal xoogan ugu jiro sidii uu u xaqiijin lahaa xakamaynta ,ka hortaga shilalka iyada oo la raacayo shuruucaha deegaanka iyo dalkaba u yaala wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay wadayaasha gawaadhida in ay muujiyaan dadaal xoogan oo lagu xakameeyo shilalka gawaadhida iyo bad-baadada wadooyinka. Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshad ka soo qayb-gashay munaasabada ayaa sheegay in ay siwayn uga soo baxayaan kaalinta kaga aadan sidii loo yarayn lahaa shilalka gadhaadhida iyo bad-baadada wadooyinka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>